SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta Isbahaysiga ayaa lagu dhaleeceeyay dilkii bareerka ahaa ee ay ciidamada TFG u geysteen macalimiin iyo Arday dugsi quraan.

Sept 8: War-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya ee magalaada Asmara ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falalka waxashnimada ah ee ay ku ka cayaan maleeshiyaadka kooxda dabadhilifka ah iyo ciidamada cadowga ee dalka ku soo duuley, falalkaas oo isugu jira dil dhac iyo boob had iyo jeer loogeysto bulshada rayidka ah ee ku nool dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa tacsi loogu diray dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladii ay ka shahiideen labadii macalin ee saakay maleeshiyaadka TFG kala baxeen midkood dugsigii uu quraanka ku dhigi jiray halka midka kale oo ahaa macalin School lagala baxay gurigii uu degenaa ee deegaanka deyniile labadoodiibana halkaa lagu toogtay innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Sidoo kale wuxuu xafiisku tacsi taa la mid ah u diray qoysaskii ay ka shahiideen labadii arday ee ay Maleeshiyaadka copy amxaaradu ku rasaaseeyeen agagaarka hotel Rmadan xili ay ku sugnaayeen dugsi quraan wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii ka waraabiyo kuwii kale ee ku dhaawacmay falkaasna inuu alle bogsiiyo.

Warsafaadeedkan ka soo baxay xafiiska warfaafinta ARS ayaa intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin falalkan foosha xun ee soo noqnoqday xili ay sheegteen kooxda TFG wadahadalo aan dhaafsiisneyn afka baarkiisa.

Wuxuu ugu dambeyntii warsaxaafadeedku ka codsaday bulshada soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan gaalada iyo gala raacyada una diyaar gareebaan dagaalkii jihaadka ahaa ee ugu dambeeyay kaas oo looga sifeynayo ilaahey idinkii dhammaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku hareen.

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 9, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS