SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaxooti oramada oo kubarakacay degaanka carbiska ee duleedka magalada muqdisho oo dhibaatooyin xaga nolasha soo foodsartay ayaa dibad bax ay kasameyay,

Sawirada halkan ka daawo...

Cododkii oromada halkaan ka dhegyso

(Sept 8, 2008) Banabaxayasha  deegaan Carbiska ay kasameeyeen dadka Oromada ah oo halkaasi ubarakacay ayaa waxay banaa baxooda kaga cabanayaan dhibaatooyin xaga nolasha oo soo wajahday ,ayagoona sheegay inaysan jirin wax gargaar bini’adanimo ah oo barakacayaashaasi lasoo gaarsiiyay iyagoona waydiistay dadka ganacsatada soomaaliyed iyo jaaliyadaha oromada oo kunool dalka dibadiisa in ay kaalmo bini’adanimo ay soo gaarsiiyaan walaalahooda mudo 30 sano kahor oo dhibaatooyin fara badan soo food saartay.

Gudoomiyaha kaamka Biiftuu oo macnaheedu yahay shucaaca cadceeda waaberi Xusen Cabdulaahi gurrac ayaa saxafada u shegay in qaxootiga oromada ah ay soo mareen xerooyin kala duwan tn iyo 1978dii markii ay ka soo hayaameen dhulkoodii dagmoyinka iyo gobolada ay ka mid ka yihiin Baali , Harar,Asala, Sidaama , Arsi ,iyo gobolka Shawa waxaa sido kale u shegay in ay soo mareen gobolada hiiraan ,gado, iyo gobolka sh/hoose

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay so mareen xeryahay ku yaala dagmada Qoryooley ,Jalalaqsi ,Luq , iyo baladweyne , sida bo’bi,Camalow,Dirgo,halba ,caracad, iyo haanooy , waxaana hada ku suga xeradaan maanta aan tagnay oo ku taal KM 20 halka ay iska glaan carada cas iyo tan madow ee inta u dhaxayso Muqdiho iyo afgoye qaxooti gaaraya 348 qoys ,

Gudoomiyaha oo ku hadlayey afka oromada ayaa waxaa ka tarjumayey mid ka mid ah xaqotiga oromada ah oo isagu si wanaagsan u bartay afka somaliyaga isaga oo sheegay in ay wadankaan joogaan ilaa 1978dii ilaa hadana waxaan ku jirnaa qax oo hada xearadaan waxaan ku imaanay qax ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata gudoomiyaha oqoramada ayaa raaciyey in ay halkaan dagan yihiin mudo sided bilood ah cid ku ogna aysan jirin iyo hay,add wax u qorsheysa

Xusen Cabdulaahi gurrac”dhib weyn ayaa jira dhinaca biyaha ,cafimaadka ,roobka , waxbarasahada , xaga raashinak”mana hyesano bacaha robka laga galo “

Waxaan ku nooleyn xamaaliga ,raaraha oo dharka loo dhaqo hadana meeshaan waa xero qaxooyi aan cidna u diiwaan gashaneyn mana laga helo cid loo shaqeeyo iyo cid dhar loo dhaqo

Umada somaliyeed ayaa gacanta nagu heysa waxaana ugu baqeynaa dhamaan dadka somaliyeed hay.addaha gargarka iyo cidii wax nagu tarikarta in ay laga caawiyaan nolosha adage ee aanu ku noolnahay ayuu carabka ku dhuftay gudomiyaha xerabada qaxotiga oromada ku jira kamka biiftuu ,

Waxaa kala oo ka mid ahaa dadkii banaanbaxaan nabadeed ka hadlay cabdi xakiin xuseen adan ,oo ku dheeraaday ka hadalka dhibaatooyinka heysta qoysaska oromada ah waxaan iyana ka hadashay khadiijo Maxamed Cali oo shaagtay in ay cunaan coyswka bukurayda iyo yaanyada

Haweenka oromada ayaa dhibaatooyin farabadan lasoodaristay oo ay kamid yihiin dhibaatooyin dhanka nolasha sida biya la;aan cunto la;aan iyo nafaqo daro sidoo kale hoy la’aan caafimaad daro iyo waliba caruurtooda oo aan haysan wax barasho iyo daryeel caafimaaad iyadoo usii dheer tahay dilal qaraxyo jogta ah oo ka dhaca goobaha ay dagan yihiin,

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay qoxootigaan oromada ah ay saameeyaan cabasho sidaani oo kale ah waxaana jirtay in marar badan ay sameeyaan banaanbaxyo oo nuucaani oo kala ah balse

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 9, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS