Agoonta ha ka inkaarsan...!!
Heshiis-shaqo( Caqdi-camal ) ayaan la saxeexday Wasaaradda W. iyo
Barbaarinta ee dalka Yemen, sannad dhexdaas ahaa; kaas oo macallinnimo
la iiga hawl-geliyay Gobolka "Xaja" ee isagu ku yaalla dhanka
Woqooyi-Galbeed ee Sanca.
Dugsiga aan ku meeleysnaa, ayaa wuxuu ku yaallaa deegaanka buuraleyda ah
ee "Washxa", kaas oo dhinaca ku haya xadka uu dalka Yemen la wadaago
dalka Sacuudiga. Waxay nolosha dadka deegaankaasu ku tiirsan tahay:
dhaqashada Xoolaha,Ganacsiga iyo Beero-falasho u badan kuwa Qaadka, iyo
weliba soo saarka Malabka Shinnida.
Maalin ayaa goor ay xisaddii 3-aad soo dhammaatay, laguna jiray xilliga
Quraacda, ayay dagaallameen laba Arday oo dhowr iyo toban jirro ahaa;
kuwaas oo aan dherer iyo lixaad kale toonna is-dheerayn.. Ka-dib,
annagii macallimiinta ahayn, ayaa kala dhex-galnay oo kala canaanannay
labada Wiil.
Labada arday ee dagaallantay midkood wuxuu ahaa "Agoon", aad ayuuna u
akhlaaq iyo aqoon fiicnaa. Ardayga kale, waxaa dhalay nin aad u xoog
weynaa, dhaqaale-ahaanna iska ladnaa, oo muddo ka soo fara-qabsaday
ganacsi uu gudaha Sacuudiga ku heysan jiray.
Daqiiqado ka-dib, markii uu dhammaaday dagaalkii labada arday iyo
heshiisiintoodiiba, ayaa waxaa soo caga-dhigtay; Xoog-weynihii aabbaha u
ahaa labada arday midkood. Salaan ka-dibna wuxuu toos u abbaaray
Ardaygii Agoonka ahaa. Laad, Feer iyo Dhirbaaxo ayuu isugu daray
"Agoonkii".
Annagii macallimiinta ahayn, Ardadii iyo dad kaloo isu soo baxay, ayuu
yaabkii naga dhammaaday:-Waa maxay ninka weyn ee dilaya Agoonka yar ?!!-
ayaa la wada yiri.
Xoog-weynuhu wuu isla sii qumanaa oo caaytamayay, Agoonkiina wuxuu ku
barooranayay oo lahaa:-"Haddii uu Aabahay noolaan lahaa,ima uu dileen
doqonkan". Illintii ayaannu ka tirnay Agoonka,waxaannuna ku niri:-"Iska
aamus oo ha ooyin, hadduusan aabbahaa noolayn, ilaah baa jooga, oo ma
dhinte ah, isagaana ku kaafiya:...!!.
Mr.Xoog-weyne,waxaannu u dhiibnay Booliska degmada, dhowr cashuuna
xirnaa. Waxaa laga qaaday Ganaax-lacageed. Wuxuu xaal-marin siiyay
macallimiinta iyo Odayaasha deegaanka. Xooluuna qalay, laakin intaas oo
dhan ma ayan daweyn,mana ayan raalli-gelin Agoonkii loo itaal sheegtay;
caradii Eebbana halkeeda ayay ahayd..!!.
Intii uusan dhammaan Sannad-Dugsiyeedkii, ayaa xag Allah looga yimid
"Aw-Xoog-weyne". Gacantiisii midig oo uu Agoonka ku darbeeyay ayaa
qallashay(dhimatay). Dhinaciisii midig ilaa Kellida ayuu asiibay Cudur
aan heybtiisa la aqoon. Saxaradii iyo Kaadidii ninka ayaa iska diiday in
ay dibadda u soo baxaan.
Takhaatiirta waaweyn ee Cisbitaallada "Xaja", "Sacda" iyo "Sanca" oo
isugu jira Yemen,Masaari,Ruush iyo Jarmal iyo qalabkii casriga ahaa ee
ay adeegsanayeen, ayaa irrid u yeeli kari waayay Cudurka asiibay
"Xoog-weyne".Maalmo ka-dibna, tii rabbi ayaa soo gaba-gabowday oo
xanuunkii iyo taahii ayuu la geeriyooday.
Oday Deegaanka "Washxa" ka tirsan oo Sanca iigu warramayay ayaa igu
yiri:-"Ustaad, arrintu intaas kuma ay koobnaan, wiilkii weynaa ee
ninkana cudur "Kud" ah ayuu ku baxay,Xaaskii iyo Caruurtii yar-yarayd ee
Xoog-weynana, xanuunno aan la aqoon bay la yaallaan, waxaannuna kaba
baqaynaa in ay reerku meesha wada-banneeyaan, lana waayo guud ahaanba
firka(faraca) Xoog-weyne".
Diinteenna ayaa ka digta dulmiga, xad-gudubka iyo wax u dhimidda Agoonta
ama xoolahooda oo lagu cuno xaq-darro. Dhanka kale, waxay Diintu
bogaadinaysaa oo dhiirri-gelinaysaa: u adeegidda, kaalmeyn, quudinta,
xannaaneynta iyo kafaala-qaadidda Agoonta. Jannada ayaana loogu
bishaareeyay ruuxii wanaaggaas geysta....
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com