ANC oo aad oga caraysan sawir gacmeed (Cartoon) anshax xummo ah oo
laga sawirey Zuma.Xisbiga talada haya ee dalkani K/Afrika,
African National Congress (ANC), ayaa si weyn oga caraysan sawir gagmeec
(kariteero sheekho sawiran) oo shalay kusoo baxay wargeyska caanka ah ee
todobaadlaha ah Sunday Times, uuna sawirey Cartoonist-taha Jonathan
Zapiro , sawirka ayaa muujinaya Jacob Zuma oo haweeney Xaakimad
(garsoore) ah sinyeerka u furnaya, iyadoo ay u hayaan siyaasiyiin
dalkani caanka ah.
Zapiro waa mid ka mid ah farshaxanyahanada ugu caansan dalkani,
sawirada uu sawiro ayaa muran weyn dhaliya inta baddan, waa nin si weyn
oga soo horjeeda siyaasadaha ANC, gaar ahaan wuxuu si joogto ah diirada
u saaraa Jacob Zuma oo ah madaxweynaha xisbiga talada haya.
Cartoon-ka muranka dhaliyay ayaa muujinaya sida soo socota ( Haweeney
Xaakim ah oo dhulka ay ku hayaan 4 nin oo kala ah Julias Malema
(Madaxweynaha garabka dhalinyarada ANCYL), Gwade Mantashe (Xoghayah guud
ee ANC), Blade Masimanade (Xoghayaha guud ee xisbiga hanti wadaaga
SACP), Zlinzima Vavi (Xogayaha guud ee ururka shaqaalaha COSATU) ,
haweeneyda waa ay rafanaysaa, Gwade Mantashe ayaa waxa uu leeyahay “Soo
soco”, wuuu la hadlayaa Jacob Zuma hortooda taagan, sinyeerkana
furanaya, qaabka Zuma sawirka loogu muujiyey ayaa ah in madaxiisa laga
dul bixiyey tuubada qubeyska ). Hadaba waa maxay fasiraada sawirkani
muranka weyn dhaliyay.
Haweeneyda xaakimadda ah waxaa loola jeedaa garsoorka dalka oo bilihii
lasoo dhaafay uu hareeyey muran weyn, kadib markii xaakim maxkamada
dastuuriga ah ee sare ee Cape Town oo isagu lagu magacaabo John Hlophe
la sheegey in uu isku dayay in garsoorayaal kale oo haweeney ay ka mid
tahay uu ka dhaadhiciyo in ay u eexdaan Jacob Zuma oo xiligaasi
maxkamada dacwad rafcaan ah oga socotay, arrintaasi ayaa dalka muran
weyn ka dhalisey, waxayna horseedey in xaakimkii shaqada laga
fariisiiyo, walina ay dacwad ku socoto, waxaa shaki la galiyay madax
banaanida garsoorka dalka , iyadoo maanka lagu hayo Zuma oo lagu waddo
in uu dalka madaxweyne ka noqdo doorashada sanadka soo socda, waxaa kale
sawirka oo loo ekeysiiyey nooc kufsi ah, iyo Zuma oo sawirkiisa loo
muujiyey isagoo madaxiisa laga bixiyey tuubada lagu qubeyso, taas ayaa
fasiraad kale oo aad u anshax xun laga bixiyey, sida la xasuusto Zuma
waxaa horaan lagu qaaday dacwad la xariirta Kufsi, taas oo la sheegey in
uu la seexday haweeney qabta cudurka HIV-AIDS , balse markii Zuma
maxkamada ay weydiisey arrintaasi ayuu yiri “waan ka qubeystey”, wixii
maalintaasi ka dambeeyey Zapiro sawir kasta oo Zuma uu ka sawiro wuxuu
madaxiisa ka dul taagi jirrey tuubada qubeyska , si xasuusin joogto ah
ay dadka ugu noqoto wixii uu sameeyey. Hoos ka eeg Cartoo-ka arag

Afayeenada ANC gabadha la yiraahdo Jessie Duarte ayaa cambaaraysay
Zapiro , sheegteyna in uu lumiyey aragtidiisii wacnayd ee cabiridda
ra’yigiisa, halka Gwade Mantashe uu ku tilmaamay fal cunsuriyad ah,
Zapiri waa uu diidey in uu raali gali ka bixiyo.
Dhanka kale wargeyska soo daabacay cartoon-ka ayaa ah wargeys aad loo
aqristo, wuxuu sameeyaa baaritaano xeeldheer oo qaarkood sanooyin ayuu
wax baaraa, gaar ahaan arrimaha musuqa iyo fadeexooyinka, inta baddan
warbixinada uu soo baaro ayaa muran dalka ka dhaliya, fadeexadihii ugu
dambeeyey ee wargayska uusoo bandhigey waxaa ka mid ahaa mid ku
saabsanayd wasiirada Caafimaadka gabadha la yiraahdo Manto Tshabalala oo
uu ku sheegey in beerkeeda la badalay laga soo baxshay ilmo yar oo shil
galay, taasoo uusan sharciga qabin marka la eego da’deeda, wuxuu kaloo
sheegey in cudurka beerka kaga dhacay uu sabab u yahay qamriyo cabis
baddan, halka uusoo bandhigey dhacdo xatooyo ah oo gabadhani ay ka
gaysatay dalka Botoswana 1976 halkaas oo ay saacad ka xaday bukaan
isbitaal ay ka shaqaynaysay jiifey, waxaa wargayska ku socoto dacwooyin
kale oo ku saabsan gaf iyo meel ka dhacdo kale.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email:
saxansoxo1@hotmail.com, Johannesburg, South Africa, 08/09/08