SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Meeqa jeer ayaad khaldantay C/waaxidow?

Bani aadamku wuxuu xoolaha uga duwan yahay caqliga, balse noolaha intiisa kale wuxuu lawadaagaa inta kazoo harta caqliga, oo iyaguba inala wadaaga dareemayaasha shanta ah sida: sida maqalka, araga, urinta, dhadhanka, taabashada. Shantani dareemayaal ayaa ah kuwo qiimo weyn ugu fadhiya bani aadamka iyo noolahaba intiisa kale. Qoraalkan kooban waxaan ku eegayaa qoraalada C/waaxid khaliif iyo sida ay uga maran yihiin dareemayaasha iyo garashada xaaladaha uu wax ka qoro inta badan.

Waa tilmaam bani aadamku gaar uleeyahay in uu kafakaro waxa soosocda iyo mustaqbalka isagoo kaashanaya garashadiisa si uu ugu saleeyo waxa uu doonayo inuu saadaal kabixiyo, waxyaabo dhab ah oo taageeraya sheegashiisa ah inuu odorosi karo dhibta ama wanaaga ay leedahay waxa uu ka hadlayo.

Hadaba markii aan dhowr jeer arkay qoraalada joogtada ah ee C/waaxid Khalif, waxaa markiiba maskaxdeyda kusoo degdegay inuu kamaran yahay qoraaladiisu habayaraatee innaba wax kasbasho cilmi ah iyo garasho dheelitiran oo miyir qabta ku saleysan. Intabadan qoraaladaasi looma isticmaalo taxliil waaqica iyo waxa jira kusaleysan. Intabadan waxa uu C/waaxid Khaliif saadaaliyo waa kuwo kafog xitaa shanta dareemayaal ee nooluhu dhamaantii wadaago.

Nooluha dhamaantii waxaa lagu sifeynkaraa inuu yahay mid xaaladba xaalad u dhiibto. Mar waxaa lagu jiraa xaalad cabsi ah, oo markii neefku ama bani aadamku arko Libaax wuxuu galaa xaalad cabsi ah. Xaaladaas cabsida ah waxey noqotaa sifo uu yeesho noolaha markaas ku jira xaaladaas. Waa adigoo yidhaah waan cabsanayaa/baqayaa. Dhamaan ficilkaaga oo dhan wuxuu ku jaan go’an yahay xaalada aad markaa ku sugan tahay. Hadii aad gasho xaalad kale, waxaa iyana isbadala dhankasta oo ficilkaaga ah. Kasoo qaad waxaad lakulantay xaalad ku farxad galisa ama kaa yaabisa ama murugo kugu rida, dhamaan waxay saameyn weyn ku leedahay garashadaad iyo hab dhaqakaaga inta aad xaaladaas kusugan tahay.

Hadaba qoraalada C/waaxid Khalif waxey muujinayaan xaaladda garasho ee uu ku jiro. Markasta oo uu wax saadaaliyo waxey ii muujisaa shakhsiyadiisa ka ruux ahaan. Tusaale ahaan, markii uu yidhi C/laahi Yusuf ayaa muqaawada soo raaci doona, Shariifka waxay isku mid yihiin Xasan Al-turaabi iyo qoraalkiisii ugu danbeeyay ee ahaa; Xalka Jubooyinku waa sahal.

Marka uu qof yidhaahdo “waxaasi waa sahal” waxey micneheedu tahay in ay jirto xaalad sahleysa in si sahal ah waxaasi sahal loogu qabto. Hadaba hadii aan eegno xaalada Jubooyinka iyo dhamaan koonfurta inteeda kale, xaalka ka jira ma aha sida inta badan uu ka dhawaajiyo C/waaxid Khalif. Xaaladu waa mid aad u cakiran oo maalinba maalinta kadambeysa kasii dareysa kasoo reyn wax hadal haya waxaa iigu horeeya qoraalka Columnist-ha Soomaalitalk C/waaxid khalif uu kusoo qora 29/08/08.

Waxaan doonayaa inaan isku xidho xaalada uu kusugan yahay C/waaxid iyo xaalada uu doonayo inuu kawarbixiyo hadii fursadu ii saamaxdo. Maadaama xaalada Jubooyinku aaney sahlaneyn, Malaga yaabaa in, xaalada uu ku nool yahay C/waaxid ay tahay mid keeni karta inuu tafsiirka noocan oo kale ah bixiyo. Dabcan sidaas ayaa ugu macquulsan marka ay isukaa qaban weydo labo dhacdo oo aad ukala duwan.

Waxaa laga yaabaa in C/waaxid ku nool yahay wadamo Reer Galbeed/Yurubiyan ah oo ceyr laga qaato, guryo qolal yaryar oo dowladu bixiso dagen yahay, islamarkaana qolalkaa yaryar mid kamid ah isagoo ku jira kolba saadaal isku mashquuliya, oo tii hore iyadoon dhici midkale oo horleh keenaa.

Wali C/laahi Yusuf muqaawamada maraacin, Abgaal iyo Habargidir dagaalkoodii masoo noqon, Shariif Ahmed Xasan Al-turaabi oo kale manoqon, shabaabkuna lama micno noqon dhalinyaro. Kuwaas iyo kuwo farabadan oo taagan ayaan hadana uga baranay inuu kuwo lamid ah kuwii hore ooda kasoo rogo. Waxaan rajeynayaa inuu bal ku dadaali doono wax akhristayaasha iyo isagaba anfaca oo uu kabilaabi doono inuu aqoon iyo garasho farabadan kastabo intuu wakhti ku lumin lahaa xaalad aan jirin saadaalinteeda, oo waliba markasta ku guuldareysto garasha odoroskooda.

Qore: Dr saalim Yusuf
Dr_saalim@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 7, 2008

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS