Musharax farjac muxuu kaga duwan yahay musharixinta kale
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana
Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha
sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W )
Saan la soconaba waxaa wayadan danbe iska soo daba dhacayay musharaxinta u tar
tamesa jagada madaxnimada mamulgoboledka puntland , waxay tira ahaan kor u
dhafen qiyaas 10 murashax hadaba anigoo ka mid ah muwadininta reer puntland
waxaan u kuurgalay mudanayashas isku soo tagay xilka madaxnimada bal si aan
aniga shaqsi ahan aan u doorto midka aan isleyahay waa noqonkaraa madaxwayna
mustaqbalka , musharax kasta wuxu so bandhigay waxqabadkisa hadi loo dorto xilka
madaxwaynanimada ,isagoo noo soo marinaya saxafada iyo weliba shirar ay ukala
qabteen bulshada qaybaheda kala duwan , qiimeen dheer ka bacdi waxaan ka dhex
xushay musharaxintas tirada badan ee isku soo tagtay xilka madax nimada Dr cumar
cali farjac . anigoo ku arkay waxyabo badan oo uu kaga duwan yahay kuwa kale oo
runtii aan isdhahay waa u qalmaa madaxweyne puntland, inkastoo dhaman raga isa
soo sharaxay badan kood ay yihin rag sumcad kuleh bulshada reer puntland ayna ka
muuqdaan aqonyahano d’a yar balse musharax farjac wuxu ku so baxay qiimentaan
sameyay .
Marka su asha aad iswaydiinaysaa waxay tahay muxu ku dortay farjac oo u kaga
duwan yahay musharixinta kale ? jawabta waa cadahay ee bal ila eega
barnamijyadisa isoojitay ee aan orankaro waa kuwo keeni kara horumar .
marka u horesa ee aad aragto musharaxa barnamijkisa waxaa ku soo jiidanaya halku
dhigisa oo ah runtii mid ku salesan xalada puntland ee ay hada ku jirto halku
dhiga musharaxu waa “puntland for change” puntland waxay u bahan tahay isbedel
dhinacwalba ah waayo waxa la degay oo ragadiyay musuq masuq , cadalad daro , iyo
mamul fican la, aan tan iyo marki la aas asay ay horbodayeen dad aan xirfad
ulaheen nidaam dawlo, waxa barnamijyadisa ka mid ahaa in uu wax ka qabanayo
Biyaha , beeraha , korontada , waxbarashada iyo waxbadan oo kale.
way shegen walalahena kale in ay waxka qaban doonan balse farjac wuxu kaga
duwanaa isaga oo shegay melaha u ka kenayo mashariicdas address koda qimaha iyo
waqtiga ku baxaya taas oo aad dareemi karto in masharicdan ay yihin kuwo laga
soo shaqeyay oo fulin oo keliya u bahan . wuxu kaga duwan yahay farjac
musharaxinta kale isagoo balan qaday in u sameendono golaha gurtida , taas oo
runti ah mida keliya ee puntland u bahan tahay ,qodabka aadka ii soo jitay ee
mudane farjac aan uga so xushay musharaxinta ayaa wuxu yahay cadalada taas oo ku
cel celiyay marar badan tusale ahaan waxaa jira beelo aan wax kula heen
barlamanka puntland ama dawladaba isla markana bixiya cashurta , wuxuna balan
qaday in uu ku so dari dono waxna ka qaban dono intan dorashada la garin, way
badan yihin qodabada aan ku xushay ee uu kaga duwan yahay musharaxinta kale
balse kuwoda ugu muhimsan ayaan idin soo gudbinaya.
“laaluush bixinmayo “ waxay ka mid tahay halku dhigyada musharaxa taas oo ay
aamin sanyihin musharixinta ama bulshada keleba in hadan laalush la bixn meelna
aadan gareen , balse musharax farjac taas ganafka ayuu ku dhuftay isaga o
cadeemo cad cad ka bixiyay waxa uu ku diday ,farjac mararka aad dhegesato
qudbadihisa waxaa ubadan isago u hadla jamac sida waxan wax ka qabanaynaa
halkaas iyo halkaas , halka musharaxinta kale ay dhahan waxaan wax ka qabanayaa
, marka waxaa halkaas ka soo baxaya in mudane farjac u ahay dawalad dhisan oo
rabta in ay wax ka bedasho dalkeda waxna u qabato bulshadeeda ,waxaa ka dhehan
kartaan oo aad ka bogan kartan barnamijyada wax qabad ee musharaxa iyo waxa uu
uga duwan yahay musharaxinta kale website yadiisa oo kala ah
www.farjacforpuntland iyo www.puntlandforchange.com .
bal aqristoow ila eeg barnamij yada musharaxa kuwa kale ee musharaxinta
walalahena eeg markaas adiga noqo maxkamada kala saaresa musharixnta doorana mid
ka aad isledahay wuxu keeni karaa isbdel dhab ah .
waxaan qormadeeydan ku soo gaba gabenayaa mudane farjac waa muwadin u qalma in
la doorto isbdel dhab ah oo ku dhisan cadalad , sinaan , wax qabad iyo horumarna
keeni kara ee haloo doorto madaxwayna puntand
waxaa qoray Abdirashid Omar
India
Akhumaryam@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2008
|