SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xafladda Aasaaska Compuska Jaamacadda Gedo( DAAWO SAWIRO)

Inkabadan 300 Oo Qoys Barakacay Ah Oo Nolol Xumo Ay Ku Haysato Gudaha Degmada Baardheere


Baardheere: Xaalad bini aadan nimo oo aad ul adag aya sooo wajahday inkabadan 300 oo qoys oo kamid ah dadka ka soo barakacay abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta degaano ka tirsan Deg.Baardheere

Qaar kamid ah dadkaasi oo aad u liita ayaa waxa lasoo daristey nolol xumo, hu'laan iyo hoy'aan kaddib markii ay yimaadeen Xaafadda duleedka degmadan Baardheere ee Kurmaan.

Inta badan dadkaasi oo isgu jira haween, carruur iyo waayeel ayaa waxa ay ka soo carareen degaanadoodi kaddib nolol xumo aad u daran.

Haweeneey ka tirsan dadkasi oo lagu magacaabo Muslimo Xassan Shiek ayaa sheegtay in ay xaaladoodu tahay afka gacanta ii geli , ayna codsanayaan in kaalmo la soo gaarsiiyo.


Macluusha iyo Gaajada lasoo Daristey Dadkani kunool duleedka degmadan Baardheere ayaa waxa loo aanaysanayaa Roobab la'aan jirtay gaar ahan 3sanno ee la soo dhaafay.

Mana jiraan ilaa iyo iminka cid kaalmo soo gaarsiisay dadkaasi dhibanayasha ah , kuwaasoo ay dhaafeen beeriyihii iyo xoolohii ay dhaqan jireen.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere,GEDO

Xafladda Aasaaska Compuska Jaamacadda Gedo( DAAWO SAWIRO)

Baardheere:Munaasabada xafladda Aasaaska Jaamacadda Gedo oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan iyo Martisharaf ka kala socotay Ururada bulshada rayidka ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta hayadda HIRDA ee degmadan Baardheere

Musaasabadda Xafladda Aasaaska Jaamacada GEDO oo ay soo dhiraandhiriyeen islamar ahaantaasna ay gacan ka gaysteen Ururka Somali Development Foundation Iyo Markabley Relief and Development Trust ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha G/ Gedo Xuseen Sh Cabdi Ismaaciil ( Xuseen Faray) , Guddoomiyayaasha Golaha Degaanka Iyo Kan Maamulka Degmada Baardheere  Max;ed Xirsi Dhudi, Wakiilka Ugaas Cumar Ugaas Xirsi  Maxamed Ugaas Cumar iyo wakiilo ka socday Somalidda Qurbaha iyo waliba masuuliyiinta iyo qeybaha Ururada Bulshada rayidka ah. 


Mas'uuliyiintii ka qaybgalay furitaanka qaarkood 

Furitaanka Xafladdan sida weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sh cabdi Ismaaciil oo ku nuuxnuuxsaday rajada ay dadka degan  gobolada K/Galbeed Soomaaliya u qabeen Jaamacad in ay haatan rumowday, taasoo uu tilmaamay in ay wax weyn ka badeli doonto hanaanka waxbarasho. 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay howlwadeenada iyo ururada ka qeybqaatay Aas aaska Jaamacadda Gedo .waxaana uu tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka geli doonaan bogga taariiqda. 

Aqoonyahannadii xafladda joogey qaarkood 

Maxamuud Xasan Cilmi ka socday Ururka SDF iyo Cabdiqeyr Sh Soofe oo ka tirsan guddiga Jaamacadda oo ka soo baqoolay carrida Maraykanka ayaa ku dheeraaday baahidda loo qabo in laga hirgeliyo waxbarasho tayo leh gobolka Gedo taasoo ay sheegeen inay saameyn lixaad leh ku yeelan doonto dadka ku dhaqan guud ahaan K/Soomaaliyo oo dhan. 
 


Duqowda dhaqanka ee gobolka Gedo qaarkood oo xafladda ka qaybgalay 

Sidoo kale Cabdirahmaan Maxamud Sh Yuusuf oo ah wakiil Ururka  Markabley Relief and Development Trust oo kamid ah masuuliyiintii meesha ka hadashay ayaa diirada saaray islamar ahaantaasina ku booriyay qeybaha bulshadda in ay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah maadaama aysan horay fursad u helin. 

Aasaaska jaamacadda Gedo waxay  ahayd  iftiin mustqablka ah waxayna ku timid qorsheyn xeel dheer , safaro tiro badan iyo dadaalo daqli uruurin oo aqoonyahano bulsho daneeyayaal ah ugu kala goosheen saddex qaaradood, dhawr darsin oo dal iyo magaalooyin tiro badan oo ku yaal dalalja caalamka. 

Aaas aaska jaamacadda Gedo oo ay ku dadku ku soo dhaweeyeen bandhig faneedyo kala duwan oo isugu jira ciyaaro kubadda cagta ah kuwaasoo dhalintu ay ku muujiyeen firfircooni. Intabadan dad weynaha G/Gedo ayaa si weyn oo hididiilo ku jirto u soo dhaweeyay Aasaaska Jaamacadda GEDO.  
 


Ka qaybgalayaasha xafladdii furitaanka qaarkood  
 

qore: Maxamed Gaarane Aadan 
Baardheere GEDO


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 6, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS