Dowlada magac kuyaalkaa iyo maxkamadaha maxaa kala heysta....!
Marka laga hadlayo dowlad waa in ay lahaataa dhul ay maamusho dad ay maamusho
iyo wax ay wax ku maamusho waana waxyaabaha ugu muhiimsan ee maamul kasta ee
dowladnimo sheegta looga baahan yahay in uu lahaadaa, ................
laa kiin maanta aduunka aan joognaa wax walba waa is badaleen waxa uu umuuqdaa
aduun run in lasheego laga jecel yahay in been la sheego waliba aan kuusii
raaciyee hadii aad been sheegto waxaa laga yaabaa in aad si fiican taageero ugu
hesho, dalka soomaaliya oo mudo18 sano ah maamul la,aani ay ka jirtay waxaa
soomaray maamulo intooda badan xarun ka dhiganayay magaalada caasimada ah ee
moqdisho hase yeeshee miciin ka waayay beesha caalamka iyagoo ku fiirsaday dhowr
iyo toban hogaamiye kooxeed oo xaafad xaafad iyo gobol gobol u xirtay dalka
soomaaliya aaqirkiina sidaas ku baaba!ay, inta badana dowladahaasi hore loosoo
dhisay waxa ay eersanayeen wadamada dariskaa oo ay ugu horeyso dowlada itoobiya
oo raxan raxan usoo dhiseysay hogaamiyayaal dagaal iyadoo marwalba u arkeysay
maamuladaasi in aysan dan ugu jirin oo aysan udhaga nugleyn dhinaceeda waxa ayna
aaminsaneyd waa itoobiyee in soomaaliya dowlad la!aan iska ahaato ama hadiiba ay
yeelaneyso ay dowladaasi noqoto mid si toos ah uga amar qaadata iyada taana
waxaa la dhihi karaa magac ahaan wey ku guuleysatay laakiin awood ahaan kuma
guuleysan.
Dowladii lagusoo dhisay Kenya afar sano kahor waxa ay aheyd mid si toos ah ay
ugu lug laheyd dhismaheeda itoobiya laakiin waxaa cajiib ku noqotay in uu ilaah
ku sababay oo ay lug ka qaadi weyday hogaamiye kooxeydyadii ay awalba iyadu
suuqa soo galisay oo xataa ku jirabay in ayba cagta soo dhigiweyso magaalada
caasimada ah ee moqdisho oo ay maamuladii iyada ka horeeyay tagayeen balse ku
najixi waayeen, shacabka soomaaliyeed iyagu iyagoo og in dowladani ay tahay mid
itoobiya wadato ayey si fiican usoo dhaweeyeen waayo waxaa wax walba kala weynaa
dhibaatada ay ku jireen iyagoo ay ka joogtay mar un arka wadankiinoo maamul leh
laakiin horaa loo yiri labadii xaqdaro ku heshiisaa xaqbey ku kala tagaan iyo
hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho waxa ay dowlada lug ka qaadi weyday kuwii
maamulayay oo awalba ka koobnaa hogaamiye kooxeedyo ay maamul wadan guud kala
qiimo badan tahay maamulida xaafadaha yar yare e ay kala heystaan...............
Abuuritaankii ay maxkamadaha islaamiga kusoo biireen masraxa siyaasada waxa ay
waji cusub uyeeshay siyaasada dalka waxa ayna soo saartay waxyaabo badan o
qarsoonaa mudo gaaban gudahood ayey kaga taqaluseen hogaamiye kooxeedyadii
faraha badnaa ee ka jiray dalka iyagoo la wareegay inta badan koonfurta
soomaaliya waxa ayna taasi soo dadajisay in shacabka soomaliyeed ay ucadaato oo
ay banaanka iskeenaan dowladihii lugaha ku dhagaa in dalku uu dowlad yeesho
waxaa halmar dhinacyo badan oo caalamka ah kasoo yeeray halku dhigyo ay ka mid
ahaayeen hala taageero dowlada iyo waxanu geyneynaa ciidamo nabada ilaaliya
soomaaliya waacajiib oo maxaa hore wax loogu qabanwaayay shacabka soomaaliyeed
mudadii dheereyd ee ay dhibaatada ku jireen marka hada la leeyahay dowlada hala
taageero markii inta badan wadankii nabadii kusoo laabatay oo ay maxkamaduhu
lawareegeen su!aasha isweydiinta lihise waxa ay tahay aaway dowlada
lataageeraa?.................
Dowlada magac kuyaalkaa ee fadhisa baydhabo waxaa isugu tagay niman manaxayaal
ah oo qaarkood marka aad lakulanto oo aad aragto qaabka ay udhaqmayaan aad
isleedahay ala nasiib daranaa dadka ay xukumayaan, sanadii hore ayaa waxaa
magaalada nairobi yimid wafdi kasocday dowlada waxaanan ka qeyb galay
warsaxaafadeed ay ku qabteen safaarada soomaalida ee nairobi mid ka mid ah raga
maanta ugu tunka weyn dowladaasi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shirkaasi
saxaafadeed ka hadlay markuu hadalkii dhameystay oo wariyayaashii su!aalo
weydiin kubilaabeen ayaa mid wariyayaasha ka mid ah waxa uu weydiiyay sababta ay
xamar utagi la!yihiin markaasuu waxa uu jawaab uga dhigay war waxaa tahay reer
hebele inta xamar tagtid qori soo qaado ee dagaalan halmar ayaa dadkii meesha
joogay dhan wada yaabeen bal ka warama hadii wasiiradeenii sidaasi
yihiin............
Dowlada taagta daran waxa ay ku faantaa in wadamada dariska ah ay ka
waardiyeynayaan maxkamada, oo dowlad iyadii dadkeedii laga waardiyeynayo maxey
dad uqabataa waxa ay howsheedii kusoo koobantay in laga qeyb galo shirarka
caalamiga ah iyo in la dacaayadeeyo maxkamadaha islaamiga ah oo caalamka ay ka
dhaadhacsiiyaan maxkamaduhu waa argagixiso marka lafiiriyo waxyaabaha ka socda
baydhabo waxa ay umuuqataa meel tartiib tartiib looga kala siibanayo waxaa
moqdisho si xaddhaaf ah usoo galaya xildhibaano ka imaanaya baydhabo qof kasta
oo ka mid ah kuwa hada joogana waxa uu ka fakaraa sidii uu mar un uga bixi lahaa
halkaasi inta aanu qaraxa ka dhicin waxaana la saadaalinayaa in dowlada ay mar
kale labo garab ukala jabi doonto oo kala jooga moqdisho iyo baydhabo taasna ay
ukeni doonto in ay weydo aqoonsiga yarkaa ee ay hada ku faanaan oo ay beesha
caalamka ka niyad jabidoonaan laakiin sida ay sheegayaan raga indha indheeya
arimaha siyaasada maxkamadaha iyaga baaban diyaar u aheyn xiligaan in ay
weeraraan baydhabo waxa ayna doonayaan in ay go!doomiyaan oo ay sidaas iska sii
ahaato inta laga kala tagayo isla markaana ay dadka dagaanku maseyrayaan oo ay
is weydiinayaan waxa ay tahay danda ugu jirta dowladan liicliiceysa waxaana la
saadaalinayaa in ay ugu danbeyntii isugu soo hari doonaan baydhabo C/laahi
yuusuf, nuur cade dhowr wasiir iyo ciidamo itoobiyaana markaana ay arintu laba
arimood mid noqondoonto waa mida horee in itoobiya ay go!aan gaarto oo ay iyada
iyo inta taageersan isaga cararaan magaalada oo ay si fudud ugu gacangasho
maxkamadaha ama in ay itoobiya dagaalkeeda cadeysato oo halkaas uu ka bilowdo
dagaal saameynweyn ku yeesha gobalka oodhan markaana lama filayo in howshu ay ku
koobnaandoonto maxkamadaha iyo itoobiya ee ay lug ku yeelan donaan dowlado
kale...
wabilaahi towfiiq..
abdirahman diiriye nuur.

Email nuure1000@hotmail.com
tel:25472094403
Nairobi Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2008
|