Bisha Ramadaan iyo Barakadeeda.
By: najax.
A,S,C Ramadan Kariim.
SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN.
Maalmaha iyo bilooyin kuba waxay soo laab laabtaanba haatan waxaa na soo
martiyay bishii kheyrka cisada iyo sharafta badneyd ee Ramadaan taaso dadka
Muslimka ah inta badan ay siweyn usoo dhaweyeen haatan .
Waana hubaal in bishaan ay tahay marti culus oo aad u qiimo badan, taasoo mudan
in si fiican loo soo dhaweyo, sidoo kale Ramadaanku waxa uu yahay
munaasabad cibaadeed aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada
ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaal marka iyo
xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.
Walaalayaal, waa lagama maar maan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo
nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed,
waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan
haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan.
Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha
ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba aan haleelin bisha
ramadaanka.
hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa'iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib
darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe
(sw).
Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha
ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka
Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw)
iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan.
Ugu horeyntii wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada
bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badneyd ee
asxaabta waxay dhammaan bishaan barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan
oo kala duwan.
Dadaalkii Rasuulka (scw) ee ramadaanka.
Caa'isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw)
ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri.
ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi
jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray'.
Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la
gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas.
Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad,
isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka.
Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa,
isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu
Alle (sw) ku leeyahay 'waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..'Suuradda
Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha
ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa:
'waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad
soontaan, bishaan waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada
Naarta. waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun
habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay'. Haddaba,
bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga
faa'iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.
Soonka waa la aqbalaa ducada.
Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan kula
qaabilno towbad badan, Qur'aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo
samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo
xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga
yahay.
Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa
bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid
ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).
Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan 'hadduu addoonkayga xaggeyga
wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i
weydiisanayo' aayadda 186 suuradda Al-Baqara.
Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka
(scw) yiri 'seddex ducadooda lama celiyo', waxayna saddexdaas kala yihiin:
1: qofka sooman jeer uu ka afuro.
2: madaxweynaha caadilka ah.
iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa'.
Deeqsinimada iyo soonka.
Walaalayaal sidoo kale bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada,
samafalka iyo ixsaanka.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri 'Rasuulka (scw)
wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa
bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen
kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur'aanka'. Sidaa
darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri 'waxaan jeclahay inuu qofka badiyo
deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).
Dhinaca kale wuxuu Rasuulka (scw) qur'aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray
Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur'aanka bisha oo dhan hal jeer,
hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka (scw) waxay qur'aanka
khatimeen labo jeer.
Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan
waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu
sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo
tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo
kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa.
Waa fadli aad u weyn.
Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu
Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin
habeenka ay ku beegan tahay.
haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo
maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa'iideystaan fadliga
ramadaanka.
Iridka dadka sooman ay ka galayaan Janada.
Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo
maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada.
kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa
wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh 'waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid
la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayey dadkii soomanaa ka soo galayaan janada
maalinta qiyaamaha.
qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?,
markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo'. Allaha ha ka raalli
noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna
ku yiri 'Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo', markaasuu
Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay 'waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la
mid ah' Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha
leh ee Ramadaan.
Gulihii ay Muslimiinta soo hoyiyeen Bisha Ramadaan.
Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee
islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa
dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan
17-keedii sannadkii labaad ee hijriga.
Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa'igtii sharafta badnaa ee uu
hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas
'dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan..'
aayadda 123 suuradda Al-Cimraan.
Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay
misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa
furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii
lixaad ee hijriga.
halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay asnaamtii boqolaalka
gaarayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkastoo labadaasi guulood ay ku
beegmeen bil ramadaan dhexdeeda.
haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan,
waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii
Cammuuriya sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee
hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut
sannadkii 658 hijriga.
Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga faa'iideyso bishan
denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan.
Waxayna ayaan darro haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga
soonka.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga
dhigo kuwa loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo.
Aamiin, Aamin, Aamin.
intaas ka dib walaalayaal aanu iskugu duceyno in illaaah amuuraheena kherka ah
inoo sahlo, hadii ay ahaan laheed tacliin amaba waxbarsho, ganacsi iyo wax
waliba oo kheyr ku jiro.
Tan kale waa inaan illaah kabarinaa in Dalkeena iyo dadka Soomaaliyeed uu nabad
kusoo dabaalo, dad daacad ah oo allaah kacabsanaayana ay dalkeena uso baxaan,
kuwaasoo mideyo Umada Soomaaliyed meel kasto oo ay jogtaba.
Waxaana aan Ilaahay ugu baryeeynaa in Dowlada caadil ah uu soomaaliyo siyo taaso
ku dhaqdo sharecada islaamka, iyo in uu soomaalida calooshooda isku furo.
Aamiin Aamin Aamin.
W/D: C/salaan Maxamed Cali (najax).
najax.moha@gmail.com,
najax.usa@hotmail.com.
Nairobi Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2008
|