SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka u taagan ee Xisbiga Kulmiye Eng. Saylaci oo lagu soo dhaweeyay Borama. +SAWIRO +DHAGEYSO

Sawirada Halkan ka dawo...

Halkan ka dhegeyso... ama (mp3)

Kumanaan dadweyne ah oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal ayaa maaanta soo dhaweyn tii ugu weyneed inta la ogyahay u sameeyay Musharada xisbiga Kulmiye u taagan Madaxweyne K/xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylaci”.

Wafdiga uu hogaaminayay Eng Saylaci ayaa dadweyne taageersan xisbiga Kulmiye oo aad u tira badan gaadiidka qeybahiisa kala duwana wata ugu hortageen deegaanka Garaya-Cawl iyadoo caleemo qoyan u ruxayay iyo calanka xisbiga Kulmiye isla markaana tusayay sida aay aad ugu faraxsan yihiin hanashada uu hantay inuu xisbiga Kulmiye ugu qeyb galo doorashada Somaliland isagoo u taagan xilka Madaxweyne K/xigeenka dalka.

Kadib wafdiga ayaa loo soo galbiyay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal iyadoo dadweynaha iyo madaxda Kulmiye iskugu tageen fagaaraha weyn ee hoteelka Maana Guest House halkaasoo khudbado ka jeediyeen madaxda xisbiga Kulmiye.

Xaflada waxaa ka hadlay Mudane Cabdi Saciid Kaahiye oo kamid ah mudanayaasha golaha dhexe xisbiga Kulmiye ugu jira gobalka Awdal waxuuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka ay dadweynaha reer Awdal maanta usoo dhaweeyeen musharaxa Madaxweyne K/xigeenka Eng Saylaci iyo wafdiga la socotay.

Waxuu u mahad-naqay Musharaxii xilka Madaxweyne K/xigeenka u taagnaa ee u tanaasulay Saylaci Mudane Ismaaciil Muumin Aare oo uu sheegay isagoo eegaya danta dalka iyo walaaltinimada uu tanaasul u sameeyay xilkii muddo uu u tartamayay.

Waxuu u mahadceliyay dadweynaha waxuuna sheegay inay fooda nagu soo heysto is-diiwaan galinta isla markaana loo baahan yahay inay dadka u codeeyana xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in wax weyn uu ka badali doono hanaanka dalka isla markaana fur-furnaan iyo horumar dalka guud ahaantiisa kusoo kordhin doono.

Sidoo kale, waxaa hadlay Prof. Ismaaciil Muumin Aare waxuu sheegay inay niyad wanaagsan reer Awdal kusoo dhaweeyeen, waxuuna sheegay inay guul ka keeneen magaalada Burco doorashooyinkii ka dhacday.

“C/raxmaan Saylaci waxuu calaamad u yahay midnimada gobalka, anaga waan idinka soo sinay waad naga guddoonteen howsha idinkaa leh” ayuu yiri Ismaaciil Muumin Aare.

Waxaa kaloo hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobalka Awdal Mudane Shiine “Garweyne” waxuuna aad usoo dhaweeyay wafdiga Kulmiye ka socda ee gobalka soo gaaray uuna hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka Eng C/raxmaan Saylaci.

“Waxaan idin kula qeyb saneenaa, musharaxiina, waxuu usoo hoyay laba faa’iido, tan koowaad waa Madaxweyne K/xigeenka Somaliland oo bari u socotay isagaa so hoyay inay Awdal ku guuleysato” ayuu yiri Mudane Shiine.

Ugu dambeyntii, waxaa xaflada ka hadlay mushraha Madaxweyne K/xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylaci” waxuuna ugu horeyn u mahadceliya dadka soo dhaweyntiisa ka qeyb galay.

Musharaxa waxa uu sheegay in doorashadii Kulmiye ee Burca ka dhacday reer Awdal ay meel wada mareen, waxuuna sheegay in guud ahaan reer Awdal isku raaceen inuu isaga noqdo Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka.

“Waxa aad maqasheen ee is qabqabsiga dhamaan waan soo afjareynaa dhawaan anagoo gacmaha is heysanaa imaan doonaa” ayuu yiri C/raxmaan Saylaci.

Musharaxa waxuu sheegay inuusan cid gooni ah soo dhaweysan doonin oo dhamaan dadka u siman yihiin, waxuuna sheegay in dadka u kala xulan dooni sida ay u kala shaqa iyo daacanimo badan yihiin.


Abdifitahaam Ahmed / Daahir Axmed Jirde
Borama – Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 5, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS