DADKA REER KISMAAYOOW…
Kismaayo…Kismaayo, maxay tahay?!...Kismaayo waa magaalada 19-ka sano oo Tiiha
(wareerka) lagu jiray aan dhagaha soomaalida maalin ka bixin, hadal-haynteed
marra laga caajisin. Ma wanaag baa u sabab ah, hadal-haynta?. Mise cudur bixi
waayay?. Waa su'aal meesha le-eg, ha yeeshee, jawaabta saxa ah lagu kala
tagsanyahay. Aragtidayda kala tagsanaanta qudheeda ayaa ah; “saliidda dabka sii
hurisa”. Ilaahay amarki, Kismaayo waxay noqotay hal-xiraale cid furta la
la'ayahay!. Kismaayo, soomaali oo idil waa maan-gaddaye, halkee ku socotaa?.
Badanaa, hadal-haynta kismaayo wanaag laguma tiriyo. Si le-eg, Jubbada Hoose,
dhiillo mooyee inta badan wanaag lagama soo tabiyo!.
Haddaba, waydiintaa waydiinta dabataal, waa; “ma dhulkaa carro xun ah oo; gol
iyo qaniin leh?. Mise dadkaa gol ah oo, qaniin iyo qardoofo badan?. Wadydiintaa,
aragtidayda haddaan ku jawaabo; dhulka kismaayo waa meeshii la yiri; “ha lagu
noolaado”. Dadkeeduse, waa ganddi iyo qaniin inkaar qaba!. Si “Alle” oo kaliya
ogyahay ayay u qafal-mardaxan yihiin, iyaga oo aan kala sooc lahayn. Inta
Alle-u-naxariistay oo yar haddaan ka boodo, reer kismaayo; waa dad ku sifoobay,
weedha Carbeed ee tiraahda; (xaamiihaa xaraamiihaa), ilaaliye-heedi ayaa
tuugeeda ah…Sidoo kale, dhisaheedi ayaa dumi-yaheeda ah. Cuna-heedi (kay ahayd
inuu cuno) ayaa Qaxootigeeda ah. Ruux walba wixii wanaagsanaa wax ka soo
horjeeda ayuu u taagan yahay. Qof, dibad laga biilo ma madax bannaana, waana
qaxooti dhab ah.
Taariikhda, kismaayo ku harraad maanta oo kale laga wanaagsan, macne badanna ma
laha. Balse, kismaayo “dabeecaddeeda Jograafi”, wax-yar haddaan ka taataabto waa
magaalada kaliya oo soomaaliyeed oo bad, beer, xoolo, dakad iyo ayrboor
(Airport) caalami ah; hal saxan, soo saari karta. Yaase, aabbe dhalay oo isku
cuni kara?!.
Markaad jidka “Ayrboorka” ku baxdo; midig waxaa kaaga aaddan dhul beereed
aslaaxsan. Bidix waxaa kaa qabanaya dhul xooluhu daaqo oo geed sare iyo geed
gaaban isugu jira. Dhulka daaqsinka ah, waxaa ka dambeeya xeeb qurux badan,
nadiif ah oo, nasiino ku macaan iyo Badwaynta Hindiya oo, kalluun kala jaad ah,
Aragoosto iyo Qubo laga jillaaban karo. Runtii, kismaayo waa; “Janno Adduun”.
Meesha soomaaliya ka mid ah oo intaa isku heli karta, Kismaayo mooyee, waa
halkee?!. Malaha waa sababta ay la dagi wayday, xasaradana uga bixi la'adahay.
Tolow, maxaa ku gaar ah, kismaayo?!. Ummadaha caalamku intaa iyo ka badan waa
isu saran yihii, si wadajir ah oo loo siman yahayna u qaybsadaan (cunaan).
Kismaayo gobolka ay ku taal; Jubbada Hoose, dhul ahaan iyo khayraad
ahaan,
wuu deeqaa -qaadaa- dhammaan soomaalida shanta qaaradood ee dunida baryada la
taagan. Dalalka Qaramada midoobay (UN-ku) oo siyaadada leh (sovereignty-ga)
waxaa ka mid
ah;
dal la yiraahdo; Jusur Alqamar (Comoro islands) oo dhaca “Badwaynta Hindiya”, ka
soo horjeedka Kenya iyo Tanzania. Dalkaa wuxuu ka koobmaa saddex Jasiirad oo
dhagax “shiile-madow” ah u badan. Tirada dadku waa 798.000/Qof. Kursi joogto ah
waxay ku lee dahay; Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo
Mu'utamarka Islaamka. Dalkaa bed ahaan (area) ka yar ”Jubbada Hoose”. Fiiji,
iyada ma maqashay waligaa? Mase malayn kartaa inta ay le-egtahay?!. Waa dawlad
dhan oo madax bannaan, lana
aqoonsanyahay!.
Nasiib darro, wasaaradaha; “Gorsoorka iyo Arrimaha Gudaha” ee dalalka caalamka
xafiis yadooda waxaa ka buuxa; codsiyo dad soomaali ah ay ku dalbanayaan, in la
siiyo dhalashada dalka codsigoodu hor yaal, kabib kolkii ay shuruudihii
dhalashada buuxiyeen. Magaalooyinka; Baardheere, Ciiragaabo, Baladwayn,
Muqdishow, Hargaysa, Boosaaso iyo Baydhabo, qofka soomaaligaah; codsi caynkaa oo
kale ah -maanta- ma hordhigi karo. Warqad dhalashana (Birth certificate) kuma
laha, haddii uusan ku abtirsan qabiilka magaalada sheegtay.
Tusaale; Haddii nin saan-cad (Wight man) oo reer Holland ah “wasaaraddaa
arrimaha Gudaha”, gobolka la magac baxay “Puntland” dhalasho waydiisto, hadal
la'aan waa la siin. Waliba, reerka ugu laan-dheer ayaa abtirsiga loogu dari!.
Haddiise, nin soomaali ah oo Bakool u dhashay codsado “Booliiska Gaalkacyo” in
uu ka mid noqdo. Waxaa la oran; “ammaanka Gaalkacyo reerkina hawl u taal ma aha.
Naga tag oo Xudur Boolis ka qoro?!.
Tusaale kale: Kiishka Bariiska ah oo, Ganacsaduhu ka soo rartay Dubaia (UAE),
dakadda Boosaao, Berbera, Ceel-macaan ama kismaayo marka laga soo rogo
tuulooyinka soomaaliya wuxuu gaaraa isaga oo Qabaa'il soomaali ah oo badan soo
dhexmaray, Isbaaro kastana soo jiiray. Kiishku, Shilin soomaali (Sh.so.) ayuu ku
gudbaa caqabad kasta oo la hordhigo. Casharka, halkaa laga bartay, waa in
Ganacsatadu, maanta tahay “Qabiilka soomaali ugu laan-dheer”. Shilin kasta oo
raaca Kiishkaa Bariiska ah, ugu dambayn wuxuu ka soo bixi; jeebka karsadaha
(consumer-ka). Qabiil kasta Ganacsade iyo Karsade waa lee yahay. Ganacsatadu,
waxay aaminsan tahay qaacidada (xeerka) ah: “Il ribix aragtaa rixin ma taqaan”.
Markaa oo kaliya ayaa soomaali simantahay oo wada dhalatay.
Labadaa tusaale, waa caqli bulshada soomaaliyeed dhexdeeda maanta xididdado ku
leh, oqoonsi guudna kasbay. Si gaar ah tusaalaha dambe, waa halka soomaali ka
dhiman wayday waana (+/-). Sidoo kale, waa Amley labada dhanba u xiirta.
Aan iswaydiinnee; Sidee, dal shisheeye dhalashadi u sheeganaa?, Basaboorro kala
duwanna ugu xarragoonaa?, kaan u wada dhalanayna -soomaaliya- u kala
sheegannaa?!. Ogow, dhulka maanta nafta loo jarayo, barri codsi “Dawladda Hoose”
aad u qorotay ayaad ku heli kartaa!. Cadkii dhul ah oo aad jeclaysato, meel uu
ku yaallaba; ama waad codsan ama waad gadan. Burco, in aad cad dhul ah ka gadato
iyo in aad Shaaraqih (U.A.E) ama South C (Nairobi- Kenya) ka gadato waxay ku
xirantahay (Alle ka sokow) lacagta aad haysato iyo rabiddaada.
Gafka, aan faraha kula jirro wuxuu si cad kuugu muuqan kolkaad u dhabo-gasho;
“Qawaaniinta Samaawiga” ah iyo kuwa “Dadku Dagsaday”. Labaduba, ma sheegaan dhul
sharci ogolaaday oo reer gaar ah lee yahay. Qaabiil dhul gaar ah leh
Qawaaniintii dalka soo martay midkoodna ma xusin, mana aqoonsan. Dhulku
sidiisaba waa; hanti la-wada-lee yahay oo dawladdu qaanuun ku bixiso kuna
maamusho. “Kacaankii 21 oktoobar” wixii uu tirtiray waxaa ka mid ahaa
lahaan-shaha dhulalkii loo yiqiin: Qoofka. Sidoo kale waxaan wali kala caddaan;
“ku dhashay iyo u dhashay” midka saxa ah. Imminka, waxa socdaa waa; “u dhashay”.
Ilaahay, amarki; Ku dhashay waxba ma goyso!.
Labada dhisme oo Xamar ugu dheer uguna quruxda badan waxaa kala leh “Oomaar iyo
Jirdde Xuseen” (AUN) oo labaduba Barbara oo waqooyiga sooomaali ah ku dhashay.
Dhulkaa waxay ku hanteen; waraaqo si qaanuunka waafaqsan uga soo baxay.
xafiisyada dhul nbixinta; sida; Dawladda Hoose ee Muqdishow iyo Wasaaradda
Hawlaha Guud ee Soomaaliya. Bal, yaa raggaa, hantidoodaa ma guurtada ah oo,
qaabkaa qaanuuniga ah lagu yeeshay, ka saari kara gacanta “Oomaar iyo Jirde
Xuseen”?!. Xilliga wareerka (Tiiha) lagu jiro wax laguma jaan-goosto.
Hoos haddaan u daadago, runtana aanan ka leex-leexan; dagaanka (dhulka) kismaayo
gaar ahaan iyo Jubbada hoose guud ahaan ceeb iyo canaan ma laha. Fidno iyo aafo
joogto ah, waa dadka cidduu doono ha u dhasho. Jid iyo jaho wax laga la'ayahay
waa inta kismaayo ku hoyata iyo inta taleefan-naareedka ku afuufta har iyo
habayn, qurbahana u badan, (guduhuna ma dhaamaan). Ruux, qabowga Yurub (Europe)
ku nool ayaa doonaya, dabka kismaayo ka shidan si uu diirrimaad uga helo, in uu
xaabo hor leh maalin walba ku kordhiyo!...Nin aroortii xaaskiisa kula
dardaarmay; “Baasto iyo Bariis waa naga bateen ee maanta Muufo iyo Hilib Ari
noogu tuur”, ayaa doonaya qaajada J/hoose taal in uu raashinka ku cuno
(Apatite-kana) ku furto…Nin saakay carruurtii Iskuulka baabuur ku geeyay,
galabtana “Dugsi Quraan” u wada ayaa doonaya labada waqti oo uu carruurta
sugayo, in uu Makhaayadaha (fadhi-ku-dirirka) saaxiibadi kala doodo; isbaacsiga
Kismaayo lagu ibtileeyay!...Waa dillay…Waa gubnnay…Waa burburinay…Waa
qabannay…Waa sheeko taxane (Musalsal) ah oo aan afartaa eray dhaafin… Marra
lagama hawo-qabo in dibnihiisa ay soo maraan; afarta eray oo ka soo horjeedda
ereyadaa oo, kala ah: Waa daawaynay...Waa daminnay...Waa dhisnay...Waa sii
daynay…
Soomaalidu, waxay tiraahdaa: “ood kaa fog kuma dhaxan tirto”. Sidaa darteed;
dadka reer kismaayo, dhago wax maqlla, hadday u dhaqan yihiin, waxaan oran
lahaa:
“Labadaan is-hurayney ha is-hallany” -waa laba kasta oo soomaali ah.
kismaayo xoog uma baahna… Xikmad ayay u baahan tahay”.
Ugu dambayn, DADKA REER KISMAAYOOW: “Alle kor ahaaye” wuxuu yiri: [Wuxuuna lee
yahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) hortiisa iyo gadaashisa ah kuna
dhawran amarka Eebbe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka
dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebbe la doono dad dhibna wax ka celin
ma jiro, mana laha Eebbe ka sokow gargaare.
[Arracd:11]
Cabdiwali Sh. Maxamed
Ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2008
|