LA MOOD NOQONSE WEYDAY
JAWAAB: DHAMBAALKII IBRAAHIM MEYGAAG SAMATAR
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray
ruug-caddaaga Ibraahim Meygaag Samatar oo ka mid ahaan jiray hormuudkii
siyaasiyiinta Soomaalida ee sanadihii 70aadkii iyo 80maadkii.
Sideedaba shakhsi ahaan dhaqankayga maaha in aan ka jawaabo aragtida dadka kale
qabo, laakiin maanta laba sabababood dartood waxa aan go'aansaday in aan ka
jawaabo meerisyo ku xusan dhambaalkan odayga ka yimi. Ta koowaad ra'yiga
Ibraahim maaha ra'yi dadweyne ee waa dhambaal, farriin iyo leeb mariid leh oo ku
socda shacabka, sababta oo ah Ibraahim maaha qof shicib ah wuxu horgal u ahaa
intii ummadda soomaaliyeed iskuulada ugu hor gashay, sidaa darteed waa ishii ama
darkii ay dadweynuhu ka dhaansan lahaayeen. Ta labaad Ibraahim waxa uu jebiyey
xeerkii siyaasiyiintii hore ee da'diisa oo sheekadii dadka dhegta loo saari
jiray ayuu qoray, miyaad aragtay weligaa siyaasi fikirkiisa qoray. "Wixii la
qoraa quruumo hadhee muxuu hadal qiimo leeyahay".
Dhambaalkan Ibraahim Meygaag uu ugu magac daray Halka aan taaganahay "Where I
stand" wuxu ku qorraa luqadda Ingiriisiga, laakiin anigu waxan ugu jawaabayaa
Af-Soomaali maaddaama 90% dadkaygu aanay af ingiriisiga wada fahmin.
Inta aynaan jawaabaha u tegin waxa mudan in aan caddeeyo xurmada iyo tixgelinta
weyn ee aan u hayo adeerkay Ibraahim Meygaag, laakiin qaddarintaasi iga reebi
mayso in aan daah furo gol-daloolooyinka ku jira dhambaalkiisa oo toos u
taabanaya masiirka dadkayga.
Qaybta koowaad ee dhambaalku wuxu ka hadlayaa "Somali Unity" Midnimada
Soomaaliyed. Ruug caddaageennu wuxu ayidayaa, sharciyaynayaa, aqoon-sanayaa,
isla markaana cuskanayaa qaybintii, qoqobkii iyo duulaankii gardarada ahaa ee
gumeysiga. Weliba waxa intaa u dheer in taariikhdii gumeysigaa laftiisa uu xagga
hore, xagga dhexe iyo xagga dambeba ka jarayo, waxa intaa ka sii daran isaga oo
erayo isku macne ah laba af ku kala sheegaya sida Somaliland, Somalia iwm.
Sadarada macnaha gudban samaynaya ee ku jira dhambaalkan waxa ka mid ah:
· Somaliland being treated as simply a backyard province rather tan a country"
· After the military coup a slow process of reclonizing Somaliland by Somalia
began
· To unite all Somalis and their territories became impossible.
· Even though Somaliland, before 1960, had more economic trade and other
relations with Ethiopia
· Clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress
Inta aynaan macnayn hawraarahan aan la' liqi karin sida aan kor ku soo xusay
ruug caddaagu wuxu indhaha ka lalinayaa Soomaalidu waxa ay ahayd gumeysiga ka
hor, illeen shalay maynu dhalane waxa marag ma doonto ah in Soomaalidu ahayd hal
qoys oo ceella ka wada cabba, calafkana wada cuna, xeer iyo xannaana leh,
gu'giina is dila, jiilaalkiina heshiiya. Waxa kale oo marag ma doonto ah in
gumeysigu ahaa awood dhul ballaadhsi oo aan Soomaalida dalxiis iyo daawasho ugu
iman ee danihiisa gurracan fushanayey. Taana waxa marag u ah mag-dhowgii
balaayiinta doollar ahayd ee wiiggan Talyaanigu siiyey Liibiya si uu uga raalli
geliyo gumeysashadii uu gumeystay. Waxa kale oo Ibraahim Meygaag isaga oo og is
diidsiinayaa in Ingiriisku xukumi jirey Koonfurta, Talyaaniguna mar xukumi jirey
woqooyiga, dhulka loo yaqaan Jubbaland ay inta badan ku jireen gacanta
Ingiriiska.
Haddaba haddii aynu dib ugu noqonno hawraarihii aradnaa ee aynu ka soo qaadannay
dhambaalkii Ibraahim Meygaag. Kow, ta ugu horraysa ee uu ka hadlay ee ah in
xilligii dowladihii rayidka reer Woqooyiga loola dhaqmay sidii gobol ee aan
loola dhaqmin sidii dal. Dabcan arrintaas waxa diidaya in 9kii sano ee
dowladihii rayidka 3 sanadood oo ka mid ah uu Ra'iisal Wasaare ahaa Maxamed
Ibrahim Cigaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolada woqooyi, isla markaana
ahaa Ra'iisal Wasaarihii ugu takri falka badnaa ee soo mara Soomaaliya. U malayn
maayo in sed uu ka qaaday Ina Cigaal gobollo ka tirsan jihada woqooyi uu siiyey
gobollo ka tirsan jihada Koonfureed.
Waxa kale oo Ibraahim inoo sheegay in markii inqilaabkii milaterigu dhacay ay
bilaabantay in Soomaaliya dib u gumeysato Somaliland. Horta waxa naxdin ah
erayga (Soomaaliya) oo ay ku dhaataan isirka Soomaaliyeed oo dhan nin aqoon
yahan ahi uu siiyo dhowr gobol, si kasta oo la isugu hayo Yaman, Ethiopia iyo
Russia qof waliba wuxu ku dagaalamayaa magaca, laakiin ma garanayo sababta
Profaysarku dhowr gobol u siiyey magacii Soomaaliyeed oo dhan. Erayga
Somaliland-na qof waliba wuu og yahay in qaybtii talyaanigu gumaysan jiray ee
Soomaaliya la odhan jiray Italian Somaliland, qaybtii Ingiriiskana British
Somaliland, qaybtii Faransiiskana French Somaliland. Haddii taa laga gudbo oo
aynu u raacno sida uu u jeedo oo ah jihada Woqooyi iyo jihada Koonfureed ee
Soomaaliya, waxa naxdin leh in Ibraahim Meygaag qoraalkiisa ku bilaabo waxa aan
dowladdii askarta wasiir ka ahaa 9 sano oo macneheedu yahay waxan qayb ka ahaa
dhammaan wixii ay saxday iyo wixii ay khaladdayba, haddana uu yidhaahdo dadka
deggan jihada koonfureed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gumeystaan dadka
deggan jihada woqooyi ee Soomaaliya. Inaga oo weliba og in 15kii sano ee ugu
horreysay ee xukunkii askarta siyaasiyiintii Ibraahim ka mid ka ahaa ee ka soo
jeeday jihada woqooyi ee Soomaaliya hayeen xilalka ugu culus ee wax lagu gumeeyo
sida: Laba Madaxweyne ku xigeen (Gen. Ismaaciil Cali Abokor iyo Gen. Axmed
Saleebaan Dafle), wasiirka Arimaha Gudaha (Gen. Jaamac Maxamed Qaalib),
Wasiirada Arimaha Dibadda (Cumar Carte, Jengeli iyo Qaybe), Wasiirka
Gaashaandhigga (Gen. Axmed Xasan Muuse), NSS-tii Jibriilkii reer Qalloocan iyo
wasiiradii awoodda badnaa ee ay ka mid ahaayeen Galaydh, Siilaanyo, Rabiile,
Laxwas, Cismaan Jaamac illaa laga soo gaadho ra'iisal wasaare Maxamed Xawaadle.
Oo intiinaas oo dhami ma' waxa aad doonayseen in aad gumeysataan dadka dega
gobolada woqooyi. Midda kale waxa jira shacab kale oo Soomaaliyeed oo dega
gobalada dhexe oo rajiimkaa aad ka tirsanaydeen wax yeello la mid ah tii
woqooyiga u geystay weliba intii aad wasiirka ahayd, iyagana miyaa
gumeysanayseen. Profaysar waxa ay ila tahay in arrinku aanu gumeysi ahayn ee uu
ahaa xukun kala maroorsi ama ragow rag iskaraw. Haddii aan ka kharibay oo ruug
caddaagu u jeedo hal reerbaa la dhibaataynayey, waa dood fiican oo wax laga
garan karo taasi. Inkasta oo markaa taasi meesha ka saarayso magacyada gobolada
ama jihada woqooyi ha jireen ama jihada koonfureed ha jireene oo ay noqonayaan
qabaa'illo Soomaaliyeed oo is dilayey sidii ay isu dileen qabaa'ilka wada dega
Woqooyiguba sanadihii sagaashanaadkii oo dhan. Oo Profosayrku waa naga maqnaaye
aannu 1994kii illaa 1997kii iyaga oo aan reer Boorame iyo reer Baydhabo toona
noo iman aannu anagu haddaanu reer Hargeysa nahay is dilaynay, magaaladuna
haawanaysay. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa erayga koonfur baa woqooyi
gumeysanaysay ee Ibraahim farta waaweyn ku qoray. Sagaashan sano ka hor
Gabayaagii Gammuute wuxu yidhi "Dalka waanad joogine tolkaa waa dagaalamaye,
malahay adiga dabadaa rag badan buu dugaag cunay"
Qodobka saddexaad qoraaga dhambaalku markii uu ka hadlayey suurta galnimada
midowga ummadda Soomaaliyeed wuxu isticmaalay erayga impossible oo ah calaacal
tima ka soo bexeen. 18kii May sanadkii 1999kii Maxamed Ibraahim Cigaal wuxu
fagaaraha khayriyadda ka yidhi 50 sanona ha qaadatee Soomaaliyi mar uun way isu
iman doontaa waanay midoobi doontaa. Waqtiga ayaynu u deynaynaa labadaa
hawraarood ta rumowda inkasta oo Napoleon Bonaparte hore u yidhi impossible is a
word to be found only in the dictionary of fools. Oo macneheedu yahay kelmadda
suurta gal ma'aha (impssobile) waa kelmad laga helo qaamuusyada dadka ma'kasta
ah.
Profaysarku waxa kale oo uu inoo sheegay in aynu xorriyadda ka hor Ethiopia
xidhiidh la' lahayn ee aynaan Soomaalida xagga Koonfureed inaga jirta xidhiidh
lahayn, mudane arrintaas Faysal baa kaaga horreeyey oo ceebi ka raacday ee maad
iska deysid. Midda kale xidhiidh ganacsi gartay, ee tolow waa maxay xidhiidhida
kale (other relations) ee Xabashida inaga dhaxayn jiray ee aad sheegaysaa,
malahay isku Gobolo Woqooyi ayaynaan ka hadlayn.
Ibraahim Meygaag mar uu dhambaalkiisa kaga hadlayey in qabyaaladdu weji fiican
leedahay ama ay tahay soodh laba af leh oo marna wax lagu dhiso marna wax lagu
dumiyo. Ma garanayo profaysarku meesha uu ka eegay ee wanaagsan ee qabyaaladdu
leedahay. C/Laahi Suldaan muu ahayn profaysar, manuu ahayn siyaasi ruug caddaa
ah, manuu soo marin wasiir iyo ambaasaddoor, dal aan Soomaaliya ahayn muu arag
noloshiisa, inta badanna wuxu ku qaatay dhul beereedka u dhexeeya Jifo-Mici
dheer iyo Caadda haddana wuxu gartay in qabyaaladdu tahay hooyada burburka
waxaanu yidhi DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.. Ibraahim Meygaag
Samatar oo leh taariikh nololeedka (CV) ugu culus siyaasiyiinta Soomaalida
aqoon, waaya aragnimo iyo ilbaxnimo isna wuxu yidhi "clanism can be a good tool
for peace, reconciliation and progress" oo macneheedu yahay reernimadu
(qabyaaladdu) waxay noqon kartaa qalab wanaagsan oo loo isticmaali karo nabadda,
dib u heshiisiinta iyo horumarka. Haddii aan kala xukumo labadaa hawraarood
shaki la'aan waxa xaq ah ta Timacadde, sababta oo ah waxay waafaqaysaa xadiiskii
rasuulka (C.S.W) ee ahaa "Dacuuhaa fa'innahaa muntinna" oo macneheedu yahay
iskaga taga qabyaaladda way uraysaaye.
Arrinta dhaqaalaha ee Ibraahim k hadlay waxba ka odhan mayo, fikrika the Third
Way ee Ibraahim ayidayna waxa asalkiisa iska lahaa Profaysar Anthony Giddens,
waana fikirkii ay ku shaqeeyeen dhammaadkii 90aadkii Ra'iisal wasaarihii hore ee
ingiriiska Tony Blair iyo Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Henrique
Cardoso. Laakiin Ibraahim waxan xusuusin lahaa ummadaha barnaamijyadan loo
sameeyey in aan miisaaniyaddoodu ahayn 25 milyan oo dollar oo ah miisaaniyadda
hal iskuul oo hoose (Primary) oo ku yaalla Bariga London, ee loo baahan yahay si
dhaqaale qorshaysan loo abuuro in dad la' raadiyo oo indhaha iyo caqligaba kor
loo qaado.
Ugu dambayntii adeerkay Ibraahim Meygaag wuxu deggan yahay magaalada Tokyo oo ay
habeenkii u soo hoydaan illaa iyo 15 milyan oo ruux, hal maayarna xukumo, ma
garanayo aragtida siisay Soomaalida oo dhan oo marka la isku wada daro 5 milyan
ah in uu 5 dal u qaybiyo, La mood noqonse weyday.
Waxa Qoray
Cismaan Abokor
London
heemaal@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2008
|