SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

PUNTLAND iyo AFARTI SANO EE LA SOO DHAAFAY

Qore: Abdala H.Mohamed
abdalahaji@gmail.com

Dad badan ayaa ku taamayay in xaaladda Puntland ay isbeddeli doonto ka dib dhibaatooyinkii uu dhaxalsiiyay C/llaahi Yusuf oo Puntland xukumayay lix sano oo saddex ka mid ahi lagu jiray dagallo sokeeye iyo colaado, Cade Muuse waxaa loo arkayay nin oday ah, daacad ah, waddani ah kana faa'idaystay muddadii dheerayd ee uu ku noolaa Canada.

Lakin nasiibdarro, dad badan waxay ka qoomameeyeen dagaalladii ay la galeen C/llahi Yusuf saddexdii sano ee xukunkiisa ugu dambaysay, waxaa la galay xaalad aan horay loo arag taariikhda gobolka xitaa marka lagu daro billowgii burburka iyo fowdada Soomaaliya.

Hadafka Cade Muuse wuxuu noqday '' Maxaan cunaa ama qaataa'', safarkii ugu dambeeyay ee C/llahi Yusuf ku yimi Garowe kulan lagu qabtay xarunta Parlamanka ee Garowe Cade Muuse wuxuu meel fagaare ah ka yiri hadalkan '' Markii aan imi waxan watay hal waliinjo (sanduuq) lakin hadda waxan haystaa saddex walliinjo, oo uu ula jeedo inuu dhaqaale fara badan ka qaatay khasnada dawladda.

Maalin kale oo la furayay dhisme cusub oo ay leeyihiin wasaaradaha kalluumaysiga iyo maaliyada oo laga hirgeliyay dekeda gudaheeda wuxuu yiri '' waxaa la leeyahay lacagtii waa la cunay, war waa la cunayaa lakin wax baa naga haraya intaas baa idinka badan.

Cade wuxuu hadda ku maqan yahay safarkii 33-aad ee uu ku tago dibadda afartii sano ee la soo dhaafay, safar kasta oo dibada u baxana waxaa khasnada dawladda lagala baxayay dhaqaale aad u fara badan, safarkii uu Germany u tegay in kelida laga beddelo oo keliya waxaa khasnada dawladda lagala baxay 5-milyan oo doollar, markii uu yimina isaga laftiisa ayaa idaacadaha ka sheegay lakin hadana waxaa soo baxay markii dambe inuu laftigiisa qayb ku lahaa lacagta la waayay.

Sannadkii hore waxaa la waayay 13-milyan oo doollar, markii Parlamanku damcay inuu arrintaas dawladda kala xisaabtamo,Cade wuxuu dacwad ku soo oogay gudoomiyaha Parlamanka isagoo taas u sii maray guddoomiyahii maxkamada sare ee waqtigaas Qaalli Gurey, safar uu sannadkan kaga soo noqday Dubay kulankii ugu horreeyay ee uu la yeeshay golaha wasiirrada wuxuu ka sheegay in lacag badan la dhacay intii uu maqnaa, lacagtaas wuxuu ku sheegay 40-bilyan.

Markii la xisaabtamay lacagtii inteeda badan waxay ku tagtay Cade, Afqurac iyo Gaagaab, wasiirradii niyadjab aan caadi ahayn ayay meesha kala tageen, qaarkood waxay damceen inay meesha ka cararaan, lakin hadana waxaa istusay yaan dalku burburin ee ha loo kaadiiyo.

Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Parlamanka ee la xiray Ogost waxaynu ogayn in lacago balaayiin ah in loo isticmaalay dano gaar ahaaneed, markii Parlamanku eegay xisaabxirkii Miisaaniyada waxay xubnuhu sheegeen inaysan suuragal ahayn xiridda miisaaniyada maadaama ay laca badani maqan tahay, Gaagaab iyo cade waxay markiiba bilaabeen kala firdhinta Parlamanka.

Taas waxaa ka sii daran, markii uu afka iska mariyay sannadkii la soo dhaafay lacag 3-milyan oo doollar ah oo ay lahaayeen garoonka dayuuradaha Garowe, dekeda L/qoray iyo maamulka dhexe ee Puntland, lacagtaas waxaa dawladda federalka toos u waydistay Isimo iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol, Cade laftigiisana markii lacagtaas uu ka soo qaaday Muqdisho oo uu safar ku tegay meelo badan ayuu ka sheegay mana ahayn mid qarsoodi ah.

Lacagaha hormariska ah ee uu ka qaado shirkadaha tuugada ah ee la sheego inay shidaal ka baarayaanPuntland iyagu hadal ma leh, waxana ilaa iyo haddda lala yaabban yahay inay maqan yihiin mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha sagaal bilood oo xiriir ah iyadoo dakhliga dawladdu aanu mar keliya hoos u dhicin.

Qofku waa dhergaa, ama waa xishoodaa, lakin Cade labadaas midna lagama hayo, arrintuna maaha mid ku kooban keligiis ee waxaa la wadaaga Afqurac iyo Gaagaab, hase ahaatee isaga ayaa masuuliyadda koowaad iska leh waayo hadduu yahay qof masuuliyad leh waxaas oo dhami hoostiisa kama dhaceen.

Marka la eego dhinaca ammaanka maanta waxa la oran karaa Puntland wax dawlad ahi kama jiraan, waana arrin cid walba u muuqata, shaqaalihii caalamiga ahaa waa tan ay ka wada guureen gobolka, waxaa dib u soo nqoday isbaarooyinkii la qaaday 1998 Bosaso ilaa Galkacyo, bishii Ogost ee aynu soo dhaafnay waxaa Puntland lagu dhacay in ka badan 40 baabuur oo isugu jira kuwa xamuulka iyo kuwo yar-yar.

Markii maalin dhowayd la damcay in la qaado isbaarooyin yiillay Burtinle waxaynu ogayn in dablaydi ay afduubtay gudoomiyihii gobolka Nugaaleed oo markii dambe waanwaan beeleed lagu soo daayay, aaway habayddii dawladeed ee lagu yiqiin Puntland, sheekada yaabka lihi waxay tahay in la xaqiijiyay in Cade iyo maamulkiisu ay qayb ka yihiin burcad-badeedka iyo burcada kale ee berriga.

Laga yaabee inay taasi dad badan ku noqoto filan waa, lakin horay ayaanu ula yaabnay, waxaa la ogyahay qaybtii ay Cade iyo wasiirka caafimaadka Dhegawayne ka qaateen lacagtii laga qaaday laba gabdhood oo Spain iyo Argentin u dhashay oo Bosaso lagu afduubay lana siidaayay bishii Janawery ee 2008.

Dadka u dhashay gobolku waxay si wayn uga walwaleen markii Gaagaab,Afqurac iyo Cade ay damceen inay Itoobiya ka iibsadaan dadka Ogaadeenka ah ee goboka ku nool ama ka shaqeysta, dad badan ayay dhiibeen, lakin waxgaradka gobolka ayaa si toos ah taas uga dhiidhiyay, waayo arrintani waxay taabatay nolosha iyo ammaanka gobolka maadaama gobolku ku xiran yahay Kililka 5aad ee Itoobiya.

Waxaynu ognahay wax ka dhacaya Galkacyo, ilaa iyo haddana aan cidna loo hayn dadkii faraha badanaa ee lagu laayay gudaha Galkacyo, markii ay Caasha Geelle damacday inay saxdo dhibaatada ammaan ee G/kacyo waxaynu ognahay wixii uu Cade ku sameeyay taas oo keentay inay iska casisho xilkii uu u magacaabay maalmo ka hor iscasilaadeeda.

Ganacsatada Puntland ayaa isku dayday inay maamulk kabaan dhinaca ammaanka markii ay arkeen sida xaalku yahay, waxay soo iibiyeen baabuurta booliska, dharka ciidanka, qalab isgaarsineed, iwm, xafladdii ay ganacsatadu ku wareeninayeen qalabkaas oo ka dhacday gudaha dekeda Bosaso oo dadkoo dhami maqlayaan Cade wuxuu ka yiri '' annaga ciidanka lacag uma hayno, waxana ku dhahay askarta toban-toban isu raaca oo tujaarta ka dhaca lacagta ay haystaan'''

Waxaa la garan waayay ninku inuu waashay oo wax u dhinmeen iyo inuu sida ku fayow yahay, sababtoo ah tujaarta uu leeyahay ha la dhaco waa kuwa uu ka guddomaya qalabka ciidan ee ay nabada gobolka ku xoojinayaan.

Sannadkii 1999 waxaa Puntland ka dhacay hub ka dhigis dadban, maamulku wuxuu la wareegay hubka tiknikada ah ee ay beeluhu haystaan oo ka iibiyay, lakin hadda waxaa gobolka si wayn ugu soo kordhay hubka waawayn iyo kan yar-yar ka dib marakii beeluhu ay arkeen inuusan jirin maamul ay isku hallayn karaan, beel kastana iskeed ayay hadda isu hubaysay, waana arrin ammaanka khal-khal ku ah mustaqbalka.

Gobolka Sool xaalkiisu waa mid gooniya oo u baahan in keligiis laga qoro faallo u gooniya, lakin waxaynu xusi karnaa in Cade, Afqurac iyo Gaagaab ay si ulakac ah u dhiibeen gobolkaas,subaxdii la qabsaday Laascaano, Afqurac ayaa joogay Garowe, afarti saac aayaa si dhib leh hurdo looga toosiyay, weliba lama toosine wuuu ku toosay xabbado ay ilaaladiisu ku rideen dad caraysan oo aqalka uu deggan yahay ku soo qamaamay sidaas ayuuna ku ogaaday in ay wax soo kordheen oo loogu sheegay in L/caano la qabsaday.

Intii la qabsaday gobolkaas, maamulku marna isuma taagin, odayaasha dhaqanka iyo dadwaynaha ayaa isu xilsaaray inay iskood isu maamulaan lakin ciidamadii ay ururiyeen waxaa kala daadiyay Cade, Afqurac iyo Gaagaab, laakiin waxaa yaab leh inay haddana leeyihiin waanu soo celin gobolkaas inaan la gaarin xilliga doorashada, waana la garan karaa waxay taas ula jeedaan.

Waxaa kala daatay isku xirnaantii toddobada gobol ee ay ka kooban tahay maamul goboleedka Puntland, gobol walba maanta iskiis ayuu u taagan yahay, waana gar inay taasi timaaddo mar haddii ay meesha ka baxeen wixii asaaska u noqon lahaa maamul dawladeed oo ay ka dhalan lahayd isku xirnaan dad iyo gobollo.

Arrimaha bulshada ee caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha waxaa dadku ku tiirssan yahay goobaha gaarka loo leeyahay maadaama uusan jirin adeeg bulsho oo dawladeed, hadii dadku waayo dhaqaale, nabadgelyo iyo adeeg bulsho maxay tahay waxa laga sugayo Cade Muuse.

Waxaa kaloo la yaab leh aflagaadada Cade Muuse la horfadiyo qof walba oo isku daya inuu u tilmaamo sida xaalku yahay, cayda afkiisa ka baxdaa uma kala soocna waxgarad, aqoonyahan, cullimada diinta iyo xitaa Isimada, waxaa taas barbar socda daciifnimada qof ahaaneed ee Cade, caqli xumida iyo weliba karti-xumida maamul ee lagu beeray.

Dadka ku dhaqan gobolku markay dhinac walba ka eegeen maamulka ka jira Puntland waxay go'aansadeen inay adkaystaan inta ka hartay xilliga maamulka loo doortay oo ku eg 08/01/09, markii waqtigaas la gaarana laga tashado, waxase yaab leh in Cade mar kale hunguri ka hayo in dib loo doorto oo uu tartamo, waa dhab in Cade doonayo inuu iibsado Parlamanka cusub ee soo socda mana mid uu la gabbado ama uu qarsado, laakiin waxaa la hubaa dadka gobolku aanay marna aqbali doonin Cade Muuse xitaa haddii uu Parlamanka iibsado oo la doorto.

Sidaas awgeed dadku wuxuu walwal xoog leh ka qabaa doorashada soo socota inay ka dhashaan dagaallo sokeeye oo lagu hoobto, lakin Cade iyo labada nin ee kale taas dan kama laha, gar iyo gardarana waxay rabaan inay sii wadaan nuugusta dhiigga dadwaynaha oo ay ka dhergi waayeen si walba oo ay dhaqaale u boobeen.

Dadka intiisa badan waxay la yaabeen qiimaha iyo dun wanaagga ay leeyihiin dadka ku dhaqan Puntland, sababtoo ah dulmi walba oo dhacay waxay ka doorbideen nabadda iyo wadajirka, lakin markaad dadka kala sheekaysato xaalka hadda jira qof walba waa yaabban yahay.

Si haddaba arrimahaas looga gudbo waxaa dadka gobolka u muuqata in iyagoon u kala harin inay mar keliya oran doonaan ''Maya Cade,Gaagaab iyo Afqurac'' waxa la ogyahay in saddexda nin ay helayaan hiillo beeleed lakin waxan hubaa in la xoog iyo xeelad lagu muquunin doono cid walba oo wanaagga wax ku qaadan waayda oo ay u muuqan waydo in dadku ka dhamaaday dulaaqdkii.

Qore: Abdala H.Mohamed
abdalahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 5, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS