Suleymaan Colaad Rooble "dadka i aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan
sheegay waxaa iiga keenay karka"
Suleymaan Colaad Rooble oo ah Siyaasi ka soo jeeda Beelaha Jareer weyne oo
aan ku kulaney fadhiga Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana
aan ka sheekeysaney qaybo ka mid ah, dhacdooyinkii ugu dambeeyey Gobolada
Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan magaalada Kismaayo, waxna ka weydiiyey sida uu u
arko shekh-siyan dagaalada ka dhacay jubooyinka iyo isbadaladii kala duwanaa ee
aysoo martay Magaalada Kismaayo intii uu bur-burka dalka uu ka jiray ayaa wada
sheekeysigeenii wuxuu u dhacay sedan:-
S:-Suleymaan bal kawaran (adigaa Jareer weyne ahaaye) waxa ka dhacay
Kismaayo?.
J:Beryahaan waxaa dhegeheena maqalkooda ku batey maalmahaan, iyadoo laga hadlaya
Magaalada Kismaayo iyo gebi ahaan gobolada jubooyinka, in siyaasiin,
horjoogayaal beelo, iyo dad kala duwan ay ku doodayaan wax aan garan waayey,
laakiin iila ekaatay doodo ku salaysan beel beel yacni qabaa’il nimo ,fiiri waxa
jubooyinka ka dhacaya durba waxaad dareemeysaa quus, yacni sida loo dhaqmo iyo
sida aan loogu naxayn dadka aan wax iska dhicin Karin bal waa uun isu
muruq-sheegad marba qolo ayaa loo muruq sheegtaa markaasay intay dibadaa
istaagto, dib u soo qaabaysaa intay doonta haku qaadatee, way soo noqdaan intaas
dad ayaa lagu tuntaa oo la dulmaraa marka la cararayo iyo marka la soo galayo,
laakiin sidaa dow maha, Aan isku dayo inaan dib u qooraansado wixii dhacay
sanadahii bur-burka, fiiri marba qolo ayaa isasoo maqiiqaysay, iyagoo magac ka
dawun kuwa markaa jooga sita. Dadka reer gosha qadyaan ayey ka taagan yihiin
waxaas, Waxayna doonayaan inaysan sidaan ku khaatimaysan oo ay si uun dhahaan.
S:-Maxay tahay waxa ay dhahaan mudane?
J:-Annaga, yacni siyaasiyiinta beelaha jareerweyne wax badan ayay dadka u
diideen inay u jiheeyaan inay bunduq isticmaalaan si ay wax isaga caabiyaan
anagoo ka fakarayna wax aanay qolooyinkaan walaalaheena ah aysan ka fakarin.
S:-Wax inooga sheeg arinkaas?
J:-Runtii haddii aan haa iraahdo waxaad ka warqabtaa Soomaalida qabiil ayay isu
dishaa in mudda ahna isu dilaysay laakiin dagaalkii uu jareer ku lugysheego waa
ka duwanaanayaa kan manta socdaa ama lagu dhexjiray muddooyinkaan marka annaga
waxaan garawsanahay in kaas qatyaan laga taagnaa marka mid ka culusna aysan
ummada xanbaari kari sidaa ayaan uga gaabsanaynay laakiin waxaa loo qaatay kuwa
aan micno lahaynoo aanba awoodaa lahayn laakiin jareer manta iyo shalayba wuu
sameenkari lahaa waxa ay samaynayeen dariskooda.
S:-Waa maxay waxa aad damacsantihiin?
J:-Ee runtii walaal, ma rabo inaan ka hordhaco laakiin inay qaybaha kale ee
soomaalida ay haystaan dhulalkooda kuna nabdoon yihiin oo waxa laysku dilaya
layskuna gaashaan buuraysanao bari gashoow uu yahay dhul jareer ayaan qirayaa.
S:-Haddiiba sidaa aad aaminsantahay sidee looga gudbi karaa ayaad isleedahay?
J:-Dhageyso digil iyo mirifle ayaa ugu danbeeyay wax gacantooda ku soo noqsada
deegaanadooda., dadkoodana ku naaloodaan waxa ay xaqa u leeyihiin inay
helaan,adeer iskamana imaan ee duurka ayaa loo galay wiilal badana waa lagu
wayay.
S:-Maloo qaadan karaa inaad addigu wax aad kicinayaso xili aan loo baahanayn?
J: Addiga fasiraada ha bixin, aniga waan garwaaqsanahay inuu dalka gumaysi uu ku
jiro halgana loogu jira sidii loo xoreyn lahaa, qeyb baanu ka nahay waa
waxyaabaha aan doonayno inaan doorkayaga ka qaadano oo nalagu dhaliilayo, nalagu
quursanayo bari kamaalina aan filayno inay caqabad nagu noqoto, haddaanan u
istaagin waxaa imaankarta in dadka loo istaajiyo inay u istaagaan difaaca
diintooda dalkooda iyo karaamadooda.
S:-Mala dhihi karaa waa howl aan waqtigeeda la joogin waxa aad ka hadlayso?
J:-Waxa waaye ma jiraan wax waqtigeeda aan la joogin, waa la joogaa waqtigeeda
maantana waxaan kuu sheegayaa dadka reer jareer meelkastoo ay joogaa wacyigooda
waa ka duwanyahay kii hore tusaalle maalin dhaweyd waxaan qad isgaarsiin kaga
qayb galay kulan ka dhacay manisooto oo cara maraykan ah waxaa halkaa fadhiyay
dad aad u tira badan waxay ka arin sanaayeen side suuratagal ah ee arinkaan
looga gudbi karaa runtiiana waxbaan mel isla dhignay waana lagu dhaqaaqayaa
haddii Eebe idmo.
S:-Waa maxay waxa lagu dhaqaaqayo?
J:-Dadkaas aad ayay u qiiraysnaayeen waxayna ii sheegeen in tirikoob ahaan ay
maraykanka iyo kanada ay ku nooshahay 50 kun qoos oo reerahaa ah aniga waxaan ku
iri qooskiiba ha iibiyo hal qore Ak 47 ah waayna qaateen waxayna isu saareen
guddiyo ka shaqeeya arinkaa oo gaarsiiya yurub iyo khaliijka.
S:- Mala oran karaa waxaad u soo tafa xeedanaysaan inaad ummadaas hadda
nabada u degan dagaal gelisaan iyo qax?
J:-Wallaahi anaga wax badan ayaan ka warwareeganay horeyna waan kuugu sheegay
jareerta ayaa ku maahmaahda ku qabsatay iyo qadar alle waa qeebsadaa marka waxaa
nagu qasbaya waxa nahaysta ayaa xun waxa aad ka hadlayso.
S:-Ugu danbeyn maxaad u soo jeedinaysaa dadka ku aqrisanaya?
J:-Waxaan leeyahay dadka I aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga
keenay karka .
dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2008
|