SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cumar Abshir Aboole "Waxa Farxad ah in Cumaan iyo Imaaratka ay dib u Fureen Xoolaheena"

Cumar Abshir Aboole oo ah Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee Shirkada ugu badan Xooaha ka dhoofisa Puntland ee Somali Livestock ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Boosaso shaaca kaga qaaday in lagu guuleytay in Wadamada Cumaan iyo Imaartka ay dib u qataan xoolaheena.

Mr: Aboole waxa uu sheegay in labadaasi wadan ay soo sareen qoraalada ogolaanshaha ay ku qadanayaan xoolaheena, kuwaasi oo ay aad u soo dhoweyeen Ganacsatada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ee Xoolaha dhoofiya.


Ogolaanshaha Wadamada khaliijka ay ku ogoladeen xoolaha soomaliya ayaa waxa ka danbeeyay dadaal ay sameyeen inta badan Ganacsato soomaliyeed iyo Maamulka Puntland sida uu sheegay Mr. Aboole.

Xoolaha Dalka Soomaliya ayaa xanibaad saarneyd sanooyinkii danbe kadib markii lagu tilmaamay kuwo qaba cuduro kala duwan tasoo kentay in dib u dhac ku yimaado ganacsigii iyo dhaqaalihii guud ahaan wadanka soomaliya.

Sikastaba, Hadii ay toos u hirgasho ogolaanshaha wadamada khaliijka xoolaheena ayaa waxay noqon dontaa culeys weyn oo ka kaca shacabka soomaliyeed ee sicir bararka iyo dhaqaale xumada la degtay.

Cawaale Jaamac
Boosaso

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS