SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xarunta Madaxtoonyada ee Villa Somaliya oo laga weeraray saddex goobood.
  • Xoogaggii gacanta ku dhigay Magaalada Kismayo oo u soo jiheystay dhinaca Magaalada Muqdisho.
  • C/qaadir Xaaji Dhaqane “Ciidamada qabsaday Kismaayo waa kuwo meesha ka saary dhibaatadii uu Barre Hiiraale ku yahay shacabka Reer Kismaayo”.

    Waxaa isku soo dubaridey:
    W/D AmiinYuusuf Khasaaro
    E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xarunta Madaxtoonyada ee Villa Somaliya oo laga weeraray saddex goobood. (Sept 3, 2008)

Tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa sii xoogeysay dagaalada looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ah, waxaana saakay aroornimadii ayaa ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen xarunta madaxtoonyada oo ay haatan ku sugan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuuusuf iyo Ra’isul Wasaare Nuur Xasan Xuseen.

Xarunta Madaxtoonyada ayaa laga weeraray saddex jiho, dhanka iskuulkii hore ee 15-May, dhanka Jidka ka taga Aadan Cadde ee gala Madaxtoonyad iyadoo dhanka saddexaadna uu ahaa Sayidka, waxaana dagaalkaas la isku adeegsady hubka culus iyo midka fudud ayaa si weyn looga maqlayey magaalad Muqdisho.

Intuusan bilaabn dagaalka ayaa xarunta Madaxtoonyada waxaa lagu duqeeyey madaafiic, kadibna waxaa bilowday dagaalkii kafool ka foolka ahaa.

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay qarka u fuuleen xarunta Madaxtoonyada, waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Dowladda ay ka dileen ilaa iyo 18 askari, sidoo kale Gaari Cabdi-Bile ah ayay wararku waxay sheegayaan in ay la qaraxday Miino mar uu marayey Wadamada Makka Al-mukarama gaar ahaan Sayidka.

Af$hayeen u hadlay Ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Daahir Dheere ayaa waxa uu qiray in uu jiro dagaalkaasi, ahse yeeshee waxa uu sheegay in ay iska caabiyeen ayna ka dileen iyo 8 askari.

Dagaalkii saakay waxa uu sababy qax aad u fara badan, sidoo kale madaafiic laga soo tuuray xarunta madaxtoonyada ayaa waxa ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha halkaasi oo ay ku dhinteen labo ruux.

Afhayeenada Maxaakiimta iyo Al-Shabaab ayaa waxa ay dagaalada bilowday ku tilmaameen kuwo barakeysan maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xoogaggii gacanta ku dhigay Magaalada Kismayo oo u soo jiheystay dhinaca Magaalada Muqdisho.


Xoogga Islaamiyiinta ah ee horey gacanta ugu dhigay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho, inkastoo aan la faahfaahin sababta ay dagaalyahanadaasi ugu soo dhaqaaqeen dhianca Magaalada Muqdisho ayaa haddana wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in Ciidamadaani la doonayo in ay ka qayb-qaataan dagaalada looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaan la sheegay in xoogagaani yihiin kuwo aad u hubeysan waxayna isugu jiraan Maxaakiimta Islaamiga ah, Al-Shabaab iyo Guutada Qaalid-Bin Waliid.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay xoog isugu geyn doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Warshaddii hore ee Baastada, Isbartiibada, Xaruntii hore ee Gaashaandhiga iyo waliba xarunta Madaxtoonyada, waxaan laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda uu laba lixaadsado dagaalka looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya, iyadoo ciidamada Islmiinta ay dagaalkaan ku tilmaameen xiligaan mid Barakeysan, maadaam Bisha barakeysan ee Ramadaan lagu guda jiro.

C/qaadir Xaaji Dhaqane “Ciidamada qabsaday Kismaayo waa kuwo meesha ka saary dhibaatadii uu Barre Hiiraale ku yahay shacabka Reer Kismaayo”.


C/qaadir Xaaji Max’ed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah ka mid ah Guddiga fulinta ee Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Asmara oo haddana ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu si kulul u weeraray hadaladii ka soo yeeray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka C/risaaq Ashkir Cabdi oo ahaa in Dowladdu ay dib ugu laaban doonto Magaalada Kismaayo.

“Niman guryahoodii iyo xarumahoodii la weerarayo suuragal ma ahan in ay Kismaayo soo weeraraan ayuu yiri C/qaadir Xaaji oo intaa ku daray “Waxay isaga gudbi la’ yihiin Muqdisho iyo Baydhabo.

C/qaadir ayaa ka dhawaajiyey in dagaalka Kismayo uu ku yimid markii sida uu tilmaamay Maleeshiyadii Xildhibaan Barre Hiiraale ay dhibaateeyeen dadka ku nool gobolada Jubooyinka, isagoo sheegay in ay u gaysan jireen dil, dhac, boob iyo isbaaro joogto ah, waxaa kale oo uu sheegay in xitaa ay shaqeyn kari weysay dekedda Magaalad Kismaayo.

C/qaadir waxa uu sheegay in dagaalkii Barre Hiiraale looga saaray Magaalada uu ahaa mid ku yimid rabitaanka Shacabka, isagoo sheegay in Barre ay halkaasi ka saareen shacabka Reer Kismaayo oo isku duuban oo ay ku jiraan beesha uu ka soo jeedo Barre Hiiraale.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wasiirkiisa Dib u heshiisiinta ay sheegeen in ay dowladu ku laabn doonto Magaalada Kismaayo, hase yeeshee waxay dadku isweydiinayaan halka laga keenayo xoogagga dib u weerari doona Magaalad Kismaayo, wuxuuse C/Risaaq Ashkir sheegay in ay adeegsan doonaan cid kasta.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS