SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Lacago sako ah oo laga qeybiyey qaar ka mid ah dagmooyinka gobolka banadir

Sawirada Halkan ka daawo...

Qaar ka mid ah gabdha jaaliyada somaliyeed eek u dhaqan dalka Uk oo sakadoodii siiyey danyar ,baarkacayaal, agoomo , dad waayeelo ah, cuuryaamin ,Indhoolayaal kuwo qaba cuduro kala duwan sida dhig kar iyo sokorow


Intooda badan dadkaan aya aku nool duleedka Magaalada muqdisho geedo hoostood mana laha wax tadcab ah sida beero , xoolo , iyo goobo ay ka shaqeystaan .

Habada dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah duleedka magaalada ayaa maanta la gaarsiiyey $3700 oo ay soo dhiibeen muxsiniin gabdho somaliyeed oo ku nool dalka ingriiska gaar ahaan London south east ayaa loo qeybiyey kuwaas oo ka mahad celiyey kalamadii loogu geeyey geedaha hoostooda ,

Sh Cabdulaahi Ibraahin Dhagay oo loo so wakiishay meel marinta sakadaan ayaa saxafada u sheegay in ay soo gaarsiisay Raxmo Maalin Shaaciye oo wakiil ka aheyd gabdhihii iska soo uruuriyey deeqda gaaraysa $3700 ,

Sh Cabdulaahi Ibraahin Dhagay ayaa u mahadceliyey dhamaan gabdhihii is xilqaamay isla markaana iska soo uruuriyey soona gaarsiiyey walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka somaliya gaar ahaan dadkii ka barakacay guryahodii kuwaas oo maciin biday in ay ku noolaadaan geedaha hostoda ,

Kaalmadaan sakada loo dhiibay ayaa meelihii la garsiyey waxaa ka mid ahaa xaafadaha howlwadaag ,barmuudo, wardhiigleey , iyo dayniile goobe ka mid ah waxaana ay gaarayaan qeysaskii ka faaidaystay ilaa 500 qoys kuwaas oo qoyskiiba la gudoonsiiyey lacg graysa 200.000 ,

Isniino raagi cabdi oo ka mid aheyd barakacayaashii markii hore daganaa xaafada xararyaale ee dagmada wardhiigley hadana ku sugan dagmada dayniile oo geed hoostii ayaa sheegay in ay hooyadeed oo cad ah la joogto ,

Isniino raagi cabdi :dadka halkaan joogo waxaa cuanaya bood dhamanatoodna waa cadhobeen waa isxogeynaa hoyadey oo cad ahna oo lug ka jaban ayaa ii taal buusj yar oo aan u dhisay oodo iyo maryo calalo ah oo aan calineyn biyaha robka ,qaraxda , dabeysha , iyo miwi ka mid ah waxaana na heysto dhibaato xoogan iyad oo ay noo sii dheertahay biyo la.aan waxaana jira dadkale oo qaba cuduro kala duwan “

Isniino Raagi Cabdi waxay intaa sii racisay hadii ilaahey uu Ciidamada Ethiopia ka dulqaado ay guryahoodii dib ugu noqon doonaan

Ugu danbeyntii ayaa waxaa iyana qeyb ka mid ah lacagtaan la geeyey xafada howlwadaag qeybta barmuudo oo qoysas gaaray 65 lagu gudoonsiiyey qeyskiiba 100.000 waana ka mahadceliyeen intii ay gaartay ,

Xaafadaan ayaan kula kulanay dadweyne aad u farabadan oo aan heli Karin nolol maalmeedkooda waxaana u si dheer in ay ka ganbanayeen rasaasta ay isku ridayeen kooxaha dagaalka isaga soo horjeedo meel aan ka fogeyn guryahay ay dagan yihiin waana kuwo baqdin ku nool ah

Gabdhihii deeqdaan soo dhiibay ayaa loogu duceeyey in ilahay deeqdii ay soo dhiibeen miisaanka ugu kabo ilaahayna sadaqadooda in uu ug adhigo tii la aqabao ,

Qoysaskaan ayaan heysan cid soo caawiso iyo meelo ay u shaqo tagaan sidoo kala ma jiraan cid ay sugayaa ilaahey mooyee


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Shirka ururka Jamhuuriga Marakanka oo lagu mudaharaaday - Sept 3

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS