SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Kismaayo

Baaqa culimaduna wuxuu u dhiganyahay sidaan:-
BAAQ NASEEXO AH

بسم الله الرحم الرحيم الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على رسول الله وآله وأصحابه وسلم تسليما كتيرا
Muqaawamada gacanta ku haysa Kismaayo waxa la gudboon inay ogaadaan:

1. Inay xambaareen xil culus oo ah ilaalinta masaalixda ummadda oo ay ugu horrayso diintooda, naftooda iyo maalkooda, Ilaahay hortiisna la weydiin doono.

2. In ay dusha u riteen xilka magaalada Kismaayo oo ku caanbaxday fitno iyo dagaallo sokeeye oo is dabajoog ah oo u baahan in si taxaddar leh loo cillad bixiyo.

3. In ay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaan ku dhaqanka shareecada, taas oo ay ugu horrayso in ummadda lagu mideeyo xaqqa, lana joojiyo tafaraaruqa iyo in la ilaaliyo dhiigga muslimka. Waxaa kale oo loo baahan yahay inay naftooda ka billaabaan ku dhaqanka waxa ay dadka kale ugu yeerayaan.

4. In cadaw noocyo badani uu isha ku hayo magaalada istiraatiijiga ah ee ay la wareegeen, ayna dhici karto (xilli kasta) inay iman karaan wax aan lagu talagelin, sidaa darteedna loo baahan yahay in aan cadawgu u adeegsan dadkooda oo iyaga iyo bulshadoodu noqdaan ul iyo diirkeed.

5. In xukunka iyo xooluhu ay yihiin waxa Soomaalidu isku laysay, loona baahan yahay in aysan dadka ahlu-diinka ah marin waddadii qabqablayaasha iyo qabaa’ilka.

Haddaba annaga oo ka duulayna xaqiiqda aan kor ku soo sheegnay waxaan ugu baaqaynaa xoogagga muqaawamada

1. In ay iyagu xaqqa ku midoobaan, kana fogaadaan isku dhac dhexmara iyaga iyo shacabka ama iyaga dhexdooda, iyo u tartanka gacan ku haynta goobaha muhimka ah iwm oo soo dedejin karta shaki iyo ismaandhaaf dhexdooda ka dhasha.

2. In ay Ilaahay uga baqaan dhiigga shacabka muslimka ah ee waqtiga dheer ninkii soo gaaraba xasuuqayey, gaar ahaan dadka ahlu-diinka ah oo bulshada ugu fadhiya qiime weyn, waana in dhiigga muslimku noqdo mid dhowrsoon oo qofna u tillaabi karin.

3. In aysan marooqsan talada magaalada ee ay ka talogaliyaan ahalkeeda, ayna dhisaan maamul iyo garsoor laga soo xulay deegaanka oo leh amaano iyo karti ku filan, ayna u sameeyaan ciidan nabadgalyo oo ku filan, lehna Astaamo wanaagsan. Ka dibna ay ku kormeeraan qolo walba hawsha loo xilsaaray.

4. In ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo in qabaa’ilku isu adeegsadaan awoodda wadaadada.

5. In la joojiyo sii baahinta dagaalka, gacan adagna lagu qabto cid kasta oo aarsi iyo fadqalalo isku dayda, isla markaana dadweynuhu caddaaladda horteeda u sinnaado.

6. In aysan qabsashada Kismaayo noqon dabin lagu dabargooyo dadka ahlu-diinka iyo dadweynaha magaalada.

7. In la hagaajiyo wixii dagaalku bi’iyay intii la awoodo naf iyo maalba.

8. waxaan xusuusinaynaa muqaawamada in aan magaca wadaadnimo Ilaahay agtiisa wax uga tarayn haddii ay xaqa ka leexdaan, taas oo wadaadada iyo dacwadoodaba u keenaysa sumcad xumo aan ka harin. Waxaa iyana xusid mudan in cadawga islaamku ku farxi doono colaadda dhexmarta iyaga dhexdooda ama iyaga iyo shacabkooda; maxaa yeelay colaadda sokeeye waxay galaafanaysaa Umadda iyo awoodeeda.

9. Waxaan ugu baaqaynaa culimada, salaadiinta iyo waxgaradka reer Kismaayo in ay awooddooda isugu geeyaan badbaadinta shacabka iyo xallinta mashaakilka ragaadiyay magaalada iyo dadkeedaba.

10. Ugu dambayn waxaan dareensiinaynaa dadweynaha reer Kismaayo in khayraadka magaaladaan ka badan yahay dadka deggan iyo Soomaali oo dhan, mushkiladduna aysan ahayn ciriiri dhuleed iyo mid khayraad ee ay tahay kaliya dulmiga, jahliga iyo sed bursiga.

Haddaba waxaan ugu baaqaynaa dadku in aysan ku mashquulin yaa leh iyo yaa xukumaya ee ay xoogga saaraan see uga faa’iidaysanaa khayraadka Alle galiyay dhulka.

Culimada Bayaanka saxiixday:
1. Sh. C/laahi Cumar Nuur
2. Sh. C/qaadir Nnur Faarax
3. Sh. Maxamuud Macallin Nuur
4. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan
5. Sh. C/naasir Xaaji Axmad...?

Abdirahman diiriye nuur


Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS