SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

"Dalka Allaha dejiyo.."

Dalku waa hooyo, waana dhab marka aynu leennahay "Dalkii hooyo". Waa Xaruntii, Xudduntii iyo hoygii Soomaaliyeed. Qofka Soomaaliga ahi, meel kastoo uu dunida ka joogaba, ugu dambayntii waa u soo hoyanayaa, higsanayaa oo u hiranayaa dalkii hooyo. Soomaaligii la arkaba, wuxuu jecel yahay inuu Qabrigiisu ahaado dalkii hooyo.

Dhibkiisu waa dhibkeenna, waana uu na dhibayaa. Waan ku dhalannay, u dhalannay,ku dhaqannay, u dheelmaneynaa, dhib kastaa u mareynaa, oo weliba u dhimaneynaa, oo dhiigga u qubeynaa dartiis; ee dalka Allaha noo dejiyo.

Isaga un baa na deeqa, oo na wada dabooli karaya. Waa kan kaliya ee aan gudihiis na lagu weydiineyn Warqad-dhalasho(Teesaro), Baasaboor iwm. Aanna nala warsaneyn halka aannu ku soconno ama ka soconno ,ee Allaha noo dejiyo dalka.

Aroortii kastaa, markii aan ka soo dhaqaaqo Aqalka aan ka degganahay bariga magaalada Sanca(Yemen), waxaannu waddooyinka ku soo wada lugeynaa tobannaan Gabdho iyo Marwooyin Soomaaliyeed, oo u soo foofay Aqallada Carbeed, oo ay ka yihiin "Adeegtooyin".

Inta badan Haweenkaasu, waxay hawshoodu tahay "Nadaafad" iyo fogeynta Gudaafadda(Wasakhda). Mushaarooyinka ay bishii qaataanna waxay u dhaxaysaa konton ilaa boqol Doollar/qofkiiba. Waxaan Haweenkaas sii kallahaya wejiyadooda ka akhristaa "Dalka Allaha noo dejiyo".

Hay'adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah ee reer Yemen, waxaan ku soo ag-maraa Barbaar Soomaaliyeed, oo ay da'doodu u dhexeyso labaatan ilaa afartan jir, kuwaas oo boorka ka bi'inaya(masaxaya) Gaadiidka hor-yaalla Hay'adahaas.

Waa dhallinyaro xoogsaneysa, muruqooda maalaya oo xalaashooda cunaya. Biilkooda ayay la soo baxaan oo baahidooda ayay daboolaan badankood, marka laga reebo kuwa uu Qaadku dilooday iyo kuwa gacna-gacneeya Gaadiidkii lagu aminay, sumcadda guudna halleeya.

Marka aan soo hor-maro Xarumaha laga dirsado Telefoonnada, durba waa aan gartaa, haddii ay meesha ku jiraan dad Soomaaliyeed,waayo, waxaa dhegaheyga ku soo dhaca:-"Deg-deg wax iigu soo dir waa sii tahriibayaaye'","Leynkii waa igu qarxaday","Kuwii is-xambaarkaa I sugaya","Xaalku waa igu xun yahay","Caruurtaa iga biil la' "Wax igu soo tuur Abbaayo/Abboowe" iwm.

Mar-mar waxaan isku deyaa, in aan u caqli-celiyo dhallinyarada joogteysatay Tahriibka iyo Socdaalka qarda-jeexa ah. Waxayse iigu jawaabaan:-"Adeer, arrintu waa Shul ama Shal ee shaahid ka noqo; kala-baxna Kitaabkaa qaba".

Bartamaha magaalada Sanca ayaan soo gaaraa. Xarumaha Xawaaladaha ayaan soo ag-maraa. Waxaa hor-dhooban tiro aan yarayn oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo gaadaya oo kaliya, cid wax lagu soo tuuray. Shaxaad ayay meesha u dhooban yihiin. Ayaan-darro, qaarkood ilaa heer Agaasime ayay ka gaareen Xafiisyadii Dawladda ee "Beri-samaadkii".

Meel ay ugu magac-dareen "Tarbuunaha", ayay kooxo fadhi ku-dirir ahi dhooban yihiin. Dood aan dhammaaneyn, fara-isku-fiiq iyo buuq ayaa soconaya. Kooxaha Siyaasadda dalka isku haya , ayaa lala kala safan yahay. Qaarkood, fadhiyo-Qayilaad ayay isu sii ballansadaan, si ay u sii wadaan "Mergiyo-taagga". Waa la xiiqayaa, la qola-qoleynayaa oo laysku qeylinayaa.

Haddii uu dalkii degganaan lahaa, waxay kooxahani sal-dhigan lahaayeen fagaarayaasha: Ceel-gaab, Yoobsan, Siinaay iwm. Waa ay shaaheyn lahaayeen, kala showri lahaayeen shiddo la'aan, haddey rabaanna waa ay is-shushumin lahaayeen, ee allow noo deji dalka.

Fiidyadii, waxaa soo hor-maraa derbi saddex-geesood ah, oo ku yaalla agagaarka Fagaaraha "Taxriir" ee bartamaha Sanca. Waxaa meesha fariista Hawlwadeennadii Hay'adihii Qaranka iyo adeeggii bulshada ee beri-samaadkii. Macallimiin, Takhaatiir, Injineerro, Shaqaalihii Bankiyada, Diplomaasiyiin ,Saraakiil iyo Taliyayaal Ciidan iwm. Dhammaantood shaqo kuma hayaan halkan ee Allow noo deji dalkii.

Ma xuma in la yiraahdo"Allow noo deji dalka",waayo, isaga ayaa qaadirkii ah, amarkana leh, laakin, waa in aynu annaguna la nimaado "Asbaab". Waa in loo noqdaa Rabbiga, lana towbad keenaa, isagana cafis la weydiistaa. Isa-saamaxaad dhexdeenna ah ayaa la rabaa. Niyad-sami iyo midnimaa loo baahan yahay. Qabyaalad iyo qola-qolayn meelna laguma gaaro. Dib u soo nooleynta Qarannimadii waa in loo wada guntadaa. .

Qori,qori ku-taag iyo isla qab weyni meelna lagu gaari waa. Aynu qoriga ku baddalno qalinka iyo qalabkii tacabka. Qayilaad, Qax, Qurba-joognimaba iyo anaa kaa qab weyn, waa ay na diloodeen.Cidda kaliya ee faa'iideysana waa "Cadowgeen", ee taas ha la ogaado.

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
raqaylow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 1, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS