SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowladda Mareykanka oo kashiftay qorshaheeda ay ku kala dhantaaleyso kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya .

ninka mareykanka ee arrintan shaaciyay waa ku xigeen-ka
condaleeza rays


Dowladda Mareykanka ayaa bilowday inay shaaciso sirta qorshaheeda cusub ee ay ku kala dhantaaleyso Islaamiyiinta ka dagaalanta Soomaaliya sida ay horey ugula dhaqantay dadka carabta, Suniyiinta , iyo shiicada ee ka dagaalama Gobolo ka mid ah Ciraaq sida Gobolka Alanbaar .

Xukuumadda Washington ayaa bilowday isku dayo ay ku ceejineyso kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya oo la sheego inay yihiin kuwa mayal adag , iyadoo taageero siineysa koox ay ku sheegtay islaamiyiinta dhex dhexaad-ka ah , taasoo ay ku dooneyso inay ku kala qeybiso labada dhinac , uuna bilowdo howlgalo guryaha loogu galayo hogaamiyaasha dagaalka iyo halka ay ku dhuumaaleysanayaan sida kol hore ay u sameeyaan hogaamiyaal beeleed-ka Ciraaq oo gabdho ay dhaleen markii hore u guuriyay rag ka tirsan Alqaacidada Ciraaq ka dagaalanta .

James Glassman oo ka mid ah kaaliyaasha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ujeedada istiraatiijiyadaasi ay tahay sidii looga faa’ideysan lahaa loolan-ka fikradeed ee ka dhex aloosan garab-yada kooxaha islaamiga , loona taageeri lahaa kuwa dhex dhexaad-ka ah , waxa uu tilmaamay in kooxaha mayalka adag aanu shacabka jecleen soona dhoweyneyn fikiradda iyo waxa ay aaminsan yihiin .

Mr. Glassman oo ugu waramayay warfidiyeen-ka Magaalada Washington warkiisana ay soo xigteen dhowr wakaaladood oo ajnabi iyo wargeysyo carbeed ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda Washington ay ku gacan siin doonto kooxaha qunyar sococ-ka ah ee loo yaqaan islaamiyiin-ta dhex dhexaad-ka ah fursado waxbarasho iyo shaqooyin loo abuurayo kooxo dhalinyaro ah oo aad adeegsadaan kuwa Mayal-ka adag waa sida uu hadalka u dhigaye mas’uulkani ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka .

Hase ahaatee Frank Martin oo ah cilmi baare ka tirsan Xarunta “ Ibnu Khalduun” ee jaamacadda Mareykanka ee Washington ayaa cadeeyay in istiraatiijiyadaasi ay huwan tahay , kuna qarsoon tahay qataro , ayna ku dhiiri gelineyso kooxaha mayal-ka adag inay ku sii fogaadaan sii wadida rabshadaha ka aloosan dalka Soomaaliya .

Prof. Ibrahim Xasan Cadow oo ahaa Mas’uulkii hore arrimaha dibadda u qaabilsanaa Maxkamadaha islaamiga , hadana ka mid ah hogaanada muuqda ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka dalka Jabuuti oo helaya taageerada dowladaha reer galbeed oo ay ugu horeyso Mareykanka oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay inaaney soo dhoweyn doonin fikirkani oo uu ku sheegay inuu yahay mid aan guuleysan doonin .

Prof. Ibraahim Xasan Cadow ayaa beeniyay in garabka jabuuti ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu xiriir kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka , waxaana uu carabka ku adkeeyay in kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee mucaarad-ka ah ujeedkooda uu yahay mid qura , ayna ku saleysan tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen Maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed .

Dowladda Mareykanka ayaa ugu guuleysay hore in kooxaha mayalka adage e ka dagaalama Ciraaq la go’doomiyo , kadib markii Maleeshiyooyin-ka Suniyiinta ay dagaal ku bilaabeen Alqaacidada Ciraaq si ay uga taqalusaan awooda ay ku leeyihiin goobaha ay degaan dadka carabta suniyiinta , waxaana Maamulka Madaxweyne Bush uu isku dayayaa in si fudud talaabo noocaas u eg uga hirgeliyo Soomaaliya iyadoo hal askari Mareykan aanu ku waxyeeloobin.

warka oo af ingiriis ah halkaa ka gal

( http://www.state.gov/r/pa/ei/biog/105829.htm )

af carabi isagi oo ah

( http://www.aljeeran.net/wesima_articles/index-20080902-126635.html )


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 3, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS