Kaalmo dhaqaale gaareysa 1865$ iskana soo uriiriyeen muslimiinta u
dhashay dalka turkiga oo maanta la gaarsiyey haweenkii nadafada ee
qaraxu ku waxyeeleeyey wadada maka mukarama
Saweiada Halkan ka daawo....
Xaliimo Cisman Ibraahin Macalin”lugtaana waa la iga jaray tane waa
jabsan tahay waxaana ahaa aroos cusub oo todobo ayaan ku jiray markii
qaraxu igu dhacay oo lug iga jaray midna iga jabtay ayey ku catowday
iyada oo loo sii wado saalada qaliinka mar aan kula kulmay isbitaalka
madiina oo hada lagu baxnaaninayo ,
Somali Woman agenda (swa ) swa, waa urur ay ku bahoobeen ururada
bulshada kala ah iida,fatxa,swea kalsan,inxa,kawo, buurfuule, ismaaciil
jimcaale, sswc, hinna,fatma , iyo delfia oo dhamaantood ka dhisan
magaaladda Muqdisho
Dalada haweenka ee Somali Woman agenda (swa ) oo kaalmo ka timid
muslimiin u dhalatay dalka turkiga kana mid ah jaaliyada dalka Sweden
gaar ahaan Magaalada Gothenburg kana damqaday dhibaatadii baaxada laheyd
ee gaartay haweenkii nadafada gobolka banadir ayaa maanta la gaarsiisay
62 qof oo ku waxyeeleebay qaraxii dhawaan ka dhacay wadada maka al
murama xaafada waaberi Magaalada Muqdisho ,
Marwo Caasho Shaacuur oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tiri
Marka waxaan u mahad celinayana dhakhaatiirta isbitaalka Madiina gaar
ahan Maxamed Yuusuf oo mar kasta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo
guud ahaan maamulka isbitaal Madiina oo ah isbitaal ay aad u kaalmeeya
dadka danyarta ah ee dhaawacma, waxaana Ilaah ka rajaynaynaa inuu
jannada ugu bishaareeyo.
Waxaan rabaa inaad u mahad celiyo Jaaliyadda Turkiga ee deggan magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden qaas ahaan jaamacadda Meldgrad oo u soo
dhiibtay haweenka masaakiinta ahaa ee dhaawacyada halista ah ka soo
gaaray qaraxa lacag dhan $1852 (Kun sided boqol konton iyo labo dollar)
lacagtaas oo uu na soo gaarsiiyeen wiilal Soomaaliyeed, runtii dadkaasi
Muslimiinta Turkiga ah aad ayaan uga mahad celinaynaa, ILaahayna waxaan
uga baryaynaa inuu Jananada FArdowso ka waraabiyo.
“Waxaan sidoo kale dadka Soomaaliyeed guud ahaan meel walba oo ay
joogaan waxaan uga mahad celinaynaa sida ay ugu soo gar-gaareen
haweenkan Soomaalida ah ee horayba u ahaa dadka danyar oo nolol
maalmeedkooda la rafanayay oo haddana ugu sii darsamay dhaawac, waxaan
kaloo u mahad celinayanaa wariyayaasha oo taagan mar kasta iyo goob
kasta oo ay dhibaato ka dhacdo”
“Waxaan rabaa inaan ugu baaqo ummadda Soomaaliyeed in laga daayo dadka
shacabka maatida ah xabbadda iyo qaraxa, wixii aad kala tabanaysaan
miiska wada hadalka isugu imaada oo ku xalliya, dadku waa dhamaaday…
dhibaato fool xunaa ku dhacday, waxa miino lagu qarxiyay waa haween dan
yar ah, maantay waxaan halkan isku keenay oo aan wax ku siinay haweenkii
danta yaraa ee dhaawacmay ama dhintay caruurtoodii oo dad aad u liito ah
, waxaan ka baryaynaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in
lagu ddaalo in la heshiiyo oo aan dadka la dhamayn, sharafta dalku waa
dadka, haddii dadku dhamaado yaa la maamulaa oo yaa la xukumaa oo dowlad
loo noqonayaa, waxaan codsanayaa in la heshiiyo oo miiska wada hadalka
laysugu yimaado.
Dadkii ka faaiidaysta kaalmadaan gaaraysa 1852$ oo ay soo direen
jaaliyadaha Muslimiinta turkiga ku nool dalka Sweden gaar ahaan
Magaalada Gothenburg iyada oo ay gacan ka geysteen soo gudbinta
dhaqaalahaan dhalinyaro somali ah oo ay isla dagan yihiin kuwaas oo
suurta galiyey in ay soo gaarsiiyaan ururka Somali Woman agenda (swa )
si ay ugu qebiyaan dhibanayaashii qaraxu waxyeeleeyey iyaga oo ku guda
jira howlo nadaafadeed kuwaa oo dhamaantood ka mahadceliyey intii kasoo
gaaratay waxaana la siinayey qofkiiba halmalyan sh:som: ah in ka badan
62 ruux ayaa ka faiidaystay kuwaas oo u kashanaya qarasha bisha ramadaan
waxaana jiray 13 geeriyoday oo bedelkoodii la siiyey ehelkii iyo
caruurtii ay ka geeriyoodeen.
Xaliimo Cisman Ibraahin Macalin”lugtaana waa la iga jaray tane waa
jabsan tahay waxaana ahaa aroos cusub oo todobo ayaan ku jiray markii
qaraxu igu dhacay oo lug iga jaray midna iga jabtay ayey ku catowday
iyada oo loo sii wado saalada qaliinka mar aan kula kulmay isbitaalka
madiina oo hada lagu baxnaaninayo ,
Xaliimo ayaa intaa sii raacisay in maalintaa hooyadeed oo xanuunsan
bedelkeedii ay u shaqeyneysay sidaana dhulka u xaaqeysay waxayna la
kulantay qaraxii haweenka badani ku waxyeeloobeen waa gabar 25 sano jir
ah kana dhalatay qoys danyar ah hadana aan waaxba heysan oo liita
Dhaqtarka qaliinka ku sameeyey ayaa saxaafada u sheegay in uu ka
xumaaday markii uu lugta cilaanka leh ka jarayey gabdha arooska aheyd
sida uu ug naxayna uusan uga weligii qof uga nixin uu qaliin ku
sameynayey
Dhaqtarka qaliinka ee isbitaalka madiina Maxamed Yuusf ayaa ka hadlay
xaalada ay soo mareen iyo sida loogu gurmaday haweenkaas wuxuuna u
mahadceliyey dhamaan intii ka qeyb qaadatay samafalka iyo wax u
qabashada haweenka qaraxu ku waxyeeleeyey wadada maka mukarama ,
Gabdhihii soo dhawacmay 3 dii august iyaga oo ka qeb qaadanayey howlaha
nadaafada ee bulshada loo haayo bambadu ku qarxatay isaga oo mahad
balaaran u jeediyey dhamaan dadweynihii u soo gurmaday gaar ahaan
ururada haweenka TV_ga Raad oo dunida ku baahiyey muuqaalka dhibka
gaaray haweenkaan iyo dhamaan umada somaliyeed ee u so gurmaday sidii
lagu yiqinay marka ay dhacaan masiibooyinka noocaan oo kale ah dhaqtraku
wuxuu sheegay in dhaawcyada badidooda lagu guuleystay qarkoodna ay
guryahoodii dibugu laabteen halka hada ay jiifaan qaarood uguna sii
daran yihiin 4 ka tid ah oo hada ay saran yihiin wax uu ku sheegay
taragshan xaalkooda waa bariga dhexe, mudna waa saarnaananayan, waxaa
nooj iifta gabar kale o iyadoo aroso bamboo ku qaraxday lug ayay ku
go’day , gabar yar oo 17 jir ah, lugta kale ayaan ku dadaalaynaa iyo
qaar kale oo xubno gudaha u dhaawacmay oo aysan xaaladdooda fiicnayn
laakiin anaga aan doonayno inaan la tacaalno oo aan wax u qabano.
“Waxaan rajaynayaa dadkii taakuleyn iyo gacan qabasho u fidinayay
dadkaasi inaan wixii la siin karo la siiyo, wixii caafimaad ah iyo talo
bixin ahna annaga naloogu yimaado haddii xitaa la heli karo in caafimaad
ahaan dibadaha loogu qaado, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa marwo
Caasho shaacuur iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee isku xilqaamay inay wax soo
taraan walaalahooda dhibaataysan.
Dhakhtarka oo la waydiiyay qalliinadii ugu adkaa ee soo maray intii uu
hawlaha ku jiray ayuu sheegay “qaliimada aan samaynayany qaarkood waxay
ahaayeen badbaadin oo waxaan ku dadaalaynay sidii aan u badbaadin lahayn
xubnaha haray, marka qaliinka waxa uu dhib yahay markii uu hawl qabasho
u baahan yaay, laakiin marka qofka bam uu ku qarxo oo firir soo gaaro
sidaas uma sii cusla oo qaliino yar-yar oo firirka looga saarayo ayaa
lagu sameeyaa.
Dhakhtarka oo la waydiyay sida uu u arko dadka ajaanibta ah ee u dhashay
dalka Turkiga ee kaalmada soo gaarsiiyay haweenkan Soomaalida ah ayuu
sheegay inuu uga mahad celinayo walaalahooda u dhashay dalka Turkiga ee
Muslimiinta, “waayo diinta Islaamka ayaa na walaalaysay, waana uga mahad
celinaynaa Muslimiintaasi ka shacab ahaan iyo kan isbitaal ahaan
kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Dhakhtarka oo sidoo kale la waydiiyay inuu wax talo ah ku bixinayo in
gar-gaar loo sameyn karo qof bam ama miino ku qaraxday ayuu yiri
“gar-gaarka aan ku talinayno waxaa ka mid ah in marka ugu horreysa la
xiro xubinta uu qaraxu waxyeeleeyay waa haddii aad hubto inaad
isbitaalka geysneyso si dhaqsi leh, in mar inta la fidiyo qofkii
bukaanka ahaa kaddibna marada afarta gees laga qabto oo la soo qaado.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666