SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Curashadda bisha Ramadan iyo khilaafka Dalalka Islaam-ka.!!

Sanad walba biloowga Bisha Ramadan waxaan la wada soconaa in ay dalalka Muslimiinta ah ay isku khilaafaan maalinta ay tahay kowda bisha Ramadan. Arrintana dalkeena Somalia waxa ay ku yeelataa saameyn aad u balaaran inkastoo Somalia inta badan ay ku xitantahay dalka Saudi Arabia oo ah xarunta dadka Muslimiinta ah xaramkii Makkana uu ku yaal. Inkastoo la soo sheegayo in inta badan Gobaladda dalka Somalia si wadajir ah looga soomay.

Inta badan dalalka Islaamka iyo Muslimiita dalalka aan Islaamka aheyn kunoolba waxa ay bishan Barakeysan ee Ramadan ay biloow u tahay September 1, 2008. inkastoo dowladaha ka ah Libya iyo Nigeria ay bisha Ramadan u bilaabatay August 31, 2008 kuna beegan maalinimadii Axada aheyd.

War Murtiyeyd ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Islaam-ka ee dowladda Morocco ayaa lagu sheegay in maalinta biloowga Bisha Ramadan ay tahay September 2, 2008 kuna beegan Maalinnimada Talaado ah. Iyadoo sababta ku sheegtay in aan la hubin bishan Ramadan curashadeeda. Sidoo kalle arrintaas waxaa ku raacsan dowlada Maqrib Wargeeysyadda ka soo baxa dalkaaasi Iran oo ku sheegay in bisha Ramadan ay biloowgeeda ay tahay maalimada Talaadada ah September 2, 2008. dhinaca kalle Marjaca shiicadda dalkaasi Iraq ugu sareeya Aaytulaahi Ali Sistaani ku sheegay in biloowga bishan Ramadan ay tahay maalinta Talaadada ah September 2, 2008 balse Culumadda ugu sareeysa ee SUNIYIINTA dalkaasi Iraq ayaa sheegay in maalinta ugu horeeysa ee bishan Ramadan ay tahay September 1, 2008 oo ah maalinimo isniin ah inta badan dadka Muslimiinta ahna ay soomanyihiin.

Mohamed Muusawi oo ah Gudoomiyaha Golaha Muslimiinta ee dalkasi France ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool dalka France in ay bisha Ramadan ay bilaaban doonto September 2, 2008. kuna beegan maalin Isniin ah.

Sicirka Cunadda oo kor u kacay.!

Marka laga tago Khiilaafaadka ku aadan curashadda bisha Ramadan waxaa qaar ka mid ah Dowladaha Muslimiinta dhibaato ka soo waajaheeysa cunada oo qaali noqotay xilliyadii ugu danbeeyay iyadoo dhibaatadda ugu badan ay taabaneeyso dadka Faqiirka ah ee xitaa nolal maammeedka uu ku adkaan jiray balse Bisha Ramadan Fadliga ah leedahay wax badan oo dhibaato ah dadka Muslimiinta ah Alle ayaa u sahli doona.

Iyadoo ay dadka ku kalla duwanyihiin Cunooyinka la quuto ayaa haddana dalalka Muslimiinta ah qaarkood waxa ay horay u sheegeyn in aan wax lacago ah lagu dari Karin waxyaabaha daruuriga ah sida dowladaha Pakistan iyo Algeria ay sameysay oo kalle.

Dhinaca kalle dalka Indonesia oo ah dalka ugu badan ee dadka Muslimiita ah ee caalamka ay daganyihiin ayaa waxaa laga soo sheegayaa dhibaato sicirka Cunadda oo sara kac xoogan uu ku yimid tusaali ahaan Saliida, Burka iyo ukunta ayaa la sheegayaa in 25% uu saro kac ku yimid maalmihii ugu danbeeyay.

Balse guud ahaan xaalku sidaa wuu ka duwanyahay Somalia, ma jirto dowlad awood u leh in ay ka hortagto dhibaatadda ay ganacsatada bulshonyinka ku hayaan arrintaasoo Somalia ay u sii dheertahay Cadow dalkii ku soo duulay iyo badihii oo ay burcad taaganyihiin iska dhaaf beer la beerto. Inta badan dad hada ku sugan gudaha Somalia waxa ay ku noolyihiin shilimaadka looga soo diro dibadaha inkasto dad badna oo gudaha dalka Somalia jooga xitaa aysan dibada wax ka hali Karin. Runtii Somalia wixii laga sheegaaba ay tahay dhibaato aan dhamaan.

Balse guud ahaan dadka somaliweyd ee wanaaga jecel waxaan u soo jeedinaya in dalka iyo dadkaba in loo soo duceeyo si dhibaatadda jirta looga baxo. Allow dalkeena inoo hagaaji.

Wabilaahi towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"

sayfudiin@gmail.com
sayfudiin@journalist.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS