SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

Hambalyo bisha ramadaan - Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye

War saxaafadeedkii

Halkaan ka daawo cajalada fiidiyowga ha

http://www.youtube.com/watch?v=LZxPdMcJkpQ


Bismillaahi Alraxmaani Alraxiim
Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh

Waxaan jeclahay inaan hambalyo ku aadan dhalshada bisha barakeysan ee Ramadaan halkaan uga diro guud ahaan dadka muslimiinta ah iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna walaalaha reer Puntland. Hambalyo dabadeed, waxaan Ilaahey ka baryayaa in aynu noqonno kuwii waajibaadka Alle saarey siduu yahay u guta.

Waxaa la inooka baahan yahay in aynu isu naxariisanno oo keena baahan quudinno, oo kan socdaalka ahna martigelinno.

Sidoo kale waxaa inala gudboon in aynu bisha barakeysan ka faa’iideysanno oo Allaha awooda leh weydiisanno dembidhaaf iyo inuu inaka saaro oo inaka dulqaado dhibaatooyinka faraha badan ee ina haysta sida: colaada, abaarta, caddaalad la’aanta, maamul xumada iyo sicir bararkaba.

Waana inaan ku dadaaalo iskana xilsaarno ammaanka, xasiloonida iyo midnimada bahweynta reer Puntland taas oo gogoldhig u ah midnimada iyo iskuduubnida dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waad mahadsan tihiin. Ramadaan Kariim

Nuuradiin Aadan Diiriye
Murashaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 1, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS