SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gacan Ku dhiiglayaashii u dhashay dalka K/Afrika oo dil u geystey muwaadhiniin Soomaaliyeed ayaa noqdey kuwii ugu horeeyey ee lagu xukumey xabsi daa’in.

Muddo 10 sanno ah waa markii ugu horeyesey oo gacan ku dhiiglayaal u dhashay dalka K/Afrika oo dil u geysta muwaadhiniin Soomaaliyeed la xukumo, xukunka waxaa ridey maxkamada sare ee Port Elisaberth kadib sanooyin ay jiitamaysay dacwada, raga la xukumey oo 3 ah ayaa waxa ay dilleen nin Soomaali ah, halka 2 kalena ay dhaawaceen, midkood ayaa dhaawicii soo gaaray dartiis uu la curyaamay.

Cabdi macalim Ibraahim, waa 27 jir, waa nin dhalinyarro ah, waliba meesha dhalinta ay ugu xooga badneyd, uguna firfircooneyd, waa da’dii nolosha loogu rajada badnaa, waa ubaxii qaran idil oo Soomaaliya la yiraahdi, waa xoogii dalka difaaci lahaa, waa xoogii naftiisi anfici lahaa, waalidkiisa waxtari lahaa, diintiisa difaaci lahaa, laakiin maanta wuxuu ku aruursaday birraha curyaamiinta lagu riixo, qaarka dambe oo dhan ayaa baralaati ah, wax dareen ah oo ay leeyihiin ma jirraan, waxaaba kasii murugo baddan dhaqaatiirta waxay u sheegeen in uusan rajjo lahayn, laakiin isagu wuxuu leeyahay “rajo ayaan ka qabaa in aan dib u socdo”.



Kolka aan la kulmayay wuxuu dul fadhiyey dhalo kumputer ah meel internet Café ah oo ku taala Johannesburg oo uu usoo qaxay, wuxuu ka daalacanayay warka ku saabsan xukun xabsi daa’in ah oo maxkama ay ku ridey burcadii noloshiisa curyaamisey, warka waxaa soo daabacday jariidada maalinlaha ah ee kasoo baxda magaalada Port Elisaberth ee THE HERALD kuna baahisey webkeeda.



http://www.epherald.co.za/herald


Sida ay jariidadu qortey maxkamada sare ee Port Elisaberth ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridey 3 nin oo kala ah Bonga Mountain, 21, Mzukisi Yoyo, 23, and Siyabonga Oliphant, 21, waxaa kale oo isla ragani burcada ahaa ay ku xukuntay 12 sanno oo xabsi ah oo ku saabsan isku day dil , iyo 7 sanno oo ah isku day dhac midkiiba, ragani ayaa lagu heley in eey dil u geeysteen Cabdullaahi Saneey, dhaawacna u geeystey Cabdi iyo cabdi Macalim Ibraahim oo ah ninka baraleeska noqdey, dhacdadani waxay dhacday 18 bishii Juun sanadii 2006 goortaas oo muwaadhiniinta Soomaaliyeed ey ku sugnaayeen dukaan ku yaala tuulada Wolmer ee duleedka Port Elisaberth, dacwada ayaa socotey illaa xiligasi oo iminka laga joogo labbo sanno.

Xaakimka dacwada ridey oo lagu magacaabo Xaakim Jeremy Pickering ayaa ka hor inta uusan dacwada ku dhawaaqin waxa uu yiri “ran from a bullet in Somalia, only to find it here”.”wuxuu kasoo cararay xabada Soomaaliya, halkan ayuuna ugu yimid”.

“Cabdi Macalim oo noloshiisa ay ku aruurtay gaari gacanada curyaamiinta, ma heysto waddo uu ku hello gunada curyaamiinta ee dowlada ay bixiso, wuxuu codsaday in dib u dejin laga siiyo wadanka Canada isagoo noloshiisa u cabsi qaba, ugu yaraan Cabdi iyo Cabdiraxmaan macalin nolosheedo ayay heystaan, kan dhintey oo noloshiisa ugu cabsanayay Soomaaliya, halkan ayuu ku waayay” ayuu yiri xaakimka Pickering.

Waa markii ugu horeysey oo dambiilayaal dil u geysatay muwaadhiniin Soomaaliyeed oo xukun ceynkan oo kala ah uu ku dhaco, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee dalkani lagu dilley muddo 10 sanno ah ah ey kor u dhaafayso 500 qof, todobaadkan oo kaliya waxaa la diley 3 Soomaali ah, oo midkood toori lagu diley tuulada Paarl ee duleedka Cape Town, waxaana la dhaawacay 2 Soomaali ah.

Xukunkan ayaa waxaa soo dhaweeyey jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkani SASA, agaasimaha guud ee SASA Mudane Axmed Dawlo oo ka Hadley ayaa ku tilmaamay arrin hormar leh, ayna tahay markii ugu horeysey oo dhibane Soomaaliyeed xaqiisa lagu siiyo xukun maxkamadeed, wallow uu ka deeyriyey xaalada mururgsan ee Cabdi Macalim uu ku suganyahay, oo uu sheegey in ey aheyd in dowladu ay xittaa siiso qarash uu ku noolado.

Cabdi Macalim wuxuu dacwadiisa u gudbiyey UNHCR , oo iyaduna dhawaan u sheegtey in dacwadiisa ay u gudbisey safaarada Canada halkaas oo laga yaabo in dib u dejin looga sameeyo, laakiin Cabdi Macalim wuxuu ii sheegey in wali safaarada Canada aysan lasoo xariirin, mar aan weeydiiyey cidda nolol ahaan uu ku tiirsanyahay wuxuu ii sheegey in aysan jirrin cid uu ku tiirsanyahay, isagana uusan shaqaysan Karin noloshiisa inta ka dhiman, halka ay xabadu ka haleeshey waa xangulaha (laf dhabarta iyo halka dareemayaasha bartamaha u ah ee afka qalaad lagu yiraahdo Spinal Code=xangule).

Mar aan sidoo kale wax ka weeydiiyey sida uu u arko xukunka ku dhacay dambiilayaasha noloshiisa qaribey wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay, laakiin waxaan ka jeclana lahaa in dil lagu xukumo, taas oo ah waxa aanan dalkani ka jirin , waxaa iiga sii murug baddan wax magdhow ah ama saacido ah oo aan dowlada ka heley ma jirraan, dhowr jeer ayaan maxkamada ka hor muuqdey, nimankana ku cadeeyey dambigooda, nolosheeyda Qatar ayay ku jirtaa, ragani waxey leeyihiin ehelo iyo qaraabo, haddii rafcaan ay helaana waaba kasii darantahay” . walwalka Cabdoow waxaa la qaba inta Baddan Soomaalida oo inta baddan ka baaqsada in ay daba galaan dacwooyinka dadka dhibaatada u geysta, iyagoo ka baqaya in ragaasi lagu soo siidaayo, ama ehelkooda ay waxyeeleeyaan, cilada koowaadna wa anidaamka dabacsan ee xeerbeegtida dalkani oo gacan ku dhiiglayaasha u asxaan fala.

Cabdinaasir Axmed SH. Bashiir (Saxansoxo). Email.com: saxansoxo1@hotmail.com. Johannesburg.

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 1, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS