SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq ku wajahan Puntland!          Arbaco, May 14, 2008 
 
KU:  DAWLAD GOBALEEDKA PUNTLAND      FADHIGOODA 

      :   ISSIMADDA PUNTLAND      FADHIGOODA

      :   SHACABKA REER PUNTLAND     FADHIGOODA                                                           

Annaga oo ah Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan Carriga Marakanka, waxaan  codkayaga  ku biirinaynaa inta ka xun dhibaatooyinka sii xiddideysanaya ee ka taagan dawlad goboleedka Puntland. Eedana waxaan dusha uga tuuraynaa hogaanka Puntland. Waxaan dalbanaynaa in la helo isbedel deg deg ah si loo badbaadsho bulshada Puntland. Hoggaan xumada maamulka Puntland wuxuu abuuray:

  • Nabadgalyo xumi;
  • Deegaannada Puntland oo qaarkood gacanta ka baxay;
  • Sicir barar heerkii ugu sareeyay;
  • Lacago been ah oo la daabaco;
  • Lunsasho hanti ummadeed;
  • Burcad badeedka oo sii kordhaya;
  • Mawaadiniin Soomaaliyeed oo loo dhiibay dowladda Ethiopia iyo inkiraad bareer ah oo laga muujiyay dhacdooyinka foosha xun,  iyadoo lagu xadgudbay xuquuqda qofka mawaadinka ah;
  • Hanaanka dowladda iyo sharciga u dagsan Puntland oo la hareer maray ama aan lagu dhaqmin;
  • Khayraadkii dabiiciga ahaa oo lagu raadsaday kobcin hanti khaas ahaaneed;
  • Caburin xorriyadda  Saxaafadda; iyo
  • Hanjabaad  joogta a oo lagu hayo waxgaraddka, aqoonyahannada, odayaasha, iyo isimada Puntland.

Haddaba , waxaan ugu baaqaynaa ummadda reer Puntland in ay isu taagaan kana shaqeeyaan:

  • Soo celinta midnimada iyo sharafta shacabka  Puntland
  • In laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonidda gobolka
  • In si dhab ah loo sameeyo isbadel dimuquraadiyeed oo ka tarjuma rabitaanka shacabka;
  • In doorka odayada iyo isimadda Puntland la dhowro, lana tixgaliyo taas oo caawinaysa kala danbaynta nidaamka dawladnimada puntland;
  • In maamulka jira ee Puntland dhowraan hanaanka dowladdnimo, iyagoo ilaalinaya qawaaniinta iyo shuruucda u yaal Puntland;
  • In dowladda Puntland dhowrto karaamada, sharafta, iyo xuquuqda qof ahaaneed, taas oo la ilaalinayo sharciga u yaal Puntland haddii ruux ama koox ay fal dambiyeed gasho lala tiigsado sharciga noo yaal ee aan gacanta loo galin dawladdo shisheeye.
  • In la ilaaliyo daris-wadaaga, ehelnimadda, dhaqanka suuban ee Islaamka, shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Baaqaan waxaa saxiixay xubnahan:       

  1. Cabdiraxman Dalmar Cabdiraxman
  2. Cisman Yuusuf Maxamuud
  3. Cabdirashiid Barre Muuse
  4. Yaasiin Maxamuud Jaamac (yabarag)
  5. Liibaan Baddal Maxamuud
  6. Gurxan Huruuse Maxamuud
  7. Cismaan Maxamuud Maxamed (tirika)
  8. Burhaan Cabdulqadir Xaashi
  9. Cabdicasiis Maxamuud Sugule
  10. Cabdiwali Ciise Xaaji Cumar
  11. Bille Maxamuud Sugulle
  12. Cali Nuur Jarafle
  13. Cabdullahi Cali Hayaan
  14. Yasiin  Saalax Ducaale
  15. Ibraahim Maxamed Huruuse
  16. Faysal Faarax Xirsi
  17. Cali Maxamed Jaamac (cali computer)
  18. Cabdiqani Axmed Tuure
  19. Cabdixabiib Yaasiin Warsame
  20. Cabdicasiis Axmed Jaamac
  21. Cabisalam Cali Cabulle
  22. Cabirahman Warsame Wayrax
  23. Maxamed Cabuqadir Maxamed
  24. Maxamuud Ibrahim Ruush
  25. Axmed Cali Shire
  26. Mire Maxamed Sheekh
  27. Cadaawe Cabdirashiid Xaaji Xusseen
  28. Maxamed Maxamuud Diiriye (burci)
  29. Xuseen Cabdi Ciise
  30. Daahir Nuur Cali
  31. Cabdiqani Maxamed Faarah
  32. Cabdikaafi Maxamed Geele
  33. Axmed Siciid Axmed Xaaji
  34. Daahir Sheekh Maxamed Xirsi
  35. Maxamed Cali Food
  36. Cabdikaafi Dhoore
  37. Cawil Yaxye Ashkir
  38. Cumar Aw Axmed Guuleed
  39. Ali Jaamac Yuusuf
  40. Maxamed Xaashi Faarax
  41. Cabdirasaq Cali Iniin Cigal
  42. Xabiib Xasan Xaaji Cisman
  43. Cabicasiis Yuusuf Guure
  44. Cabdirisaq Cabdulaahi Urur
  45. Cabdiraxman Maxamed (lafoole yare)
  46. Ciise Axmed Maxamed
  47. Xasan Cabdisalam Maxamed
  48. Maxamed Cabdiqadir Guled
  49. Cabdicasiis Cali Mire

La xiriir: gudigaminnesota@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

:::Beesha Warsangeli ee ku dhaqan wadamada Austalia iyo New Zealand oo cambaarayn xoogan u diray Mamul Gobeleedka Puntland

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS