SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Xuquuqda Aadanaha & Maamul Goboleedka Puntland

Walaaca laga qabo ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu noqday mid faraha ka sii baxaya ,kaddib markii Maamul Goboleedka Puntland ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Soomaaliya ay Maamulkiisa Sare u Dhiibeen (23 ) Dhallinyaro ah Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya ,Dhallinyaradaasi ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa doonayey inay Gobolkaasi kaga Shaqaystaan Xirfadafooda ay Shaqada u leeyihiin oo aysan ahayn kuwa Nabadgelyada wax u dhimayey taasina ay tahay Xadgudub in ay Maamul Goboleedka Puntland ay ku Xadgudbeen Dhallinyaradaa Soomaaliyeed.

Guud ahaan Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira Xadgudub Aadane oo aad u darran kuwaas oo lala beegsanayo Dhallinyarada maadaama ay yihiin Xoogii Dalka ,Sababtoo ah kuwa Cadowga la Heshiiyey waa Odayaasha isku Tilmaamay Baarlamaanka KMG ah ama Gobol ha joogaan ama Degmo ka joogaane , waxayna Dalkii iyo Dadkii ka Doorteen Madaxtinmo oo uu Gumaysi u horseedeen Dalkii oo dhan ,Shacabkiina waxay badeen Xasuuq, Xarrig, Dhac, Boob iyo Qax iyo Barakicin joogta ah iyo" u dhiibid Gumeysi".

Arrintani waa mid aad u fool Xun oo ay ku Fashilmeen Maamul Goboleedka Puntland waxayna wax u dhimaysaa Mustaqbal iyo Doorashooyinka imminka ku soo fool leh Gobolka Puntland , Sababtoo ah Shacabka Soomaaliyeed waa Ul iyo Diirkeed hase ahaatee kuwa u adeegaya Gumeystuhu waa Qabqablayaasha uu Gumeystuhu ku adeeganayo ,Shacabka reer Puntland arrimahani way ka Carroodeen waxayna ka qaadi doonaan Tallaabooyin Cad.

Waxaannu Maamul Goboleedka Puntland ugu baaqaynaa inay si deg-deg Dhallinyaradii ay u Dhiibeen Cadowga Xoriyadoodii Dib ugu soo Celiyaan iyagoon wax Shuruud ahi aysan ku Xiranayn , isla markaana ay ka raali geliyaan Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed Falkaa Foosha Xun ee ay u geysteen Walaalahooda Soomaaliyeed ee Martida ugu ahaa Gobolka ay Degan yihiin ,Baaqaani, Codsigani, iyo Siidayntu waa mid deg-deg ah oo ficil u baahan

Dhammaan Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ee ka Howlgala Gudaha Dalka Soomaaliya , iyo kuwa Dunidaba waxaannu ka Codsanaynaa inay Saaraan Cadaadis adag sidii Dhallinyaradaa Soomaaliyeed Xoriyadooda si deg-deg ah loogu soo Celin lahaa, Waxaannu Cammbaarayn Dusha uga tuuraynaa Dhammaan Cidii ka Dambeysay inay Dhacaan Falalka noocaan ah ee lagu waxyeelaynayo Ummaadda Soomaaliyeed ee ay Gumeystayaashu u Heshiiyeen iskuguna Dhiibeen Hubka iyo Madaafiicda Waaweyn .

Hay'adda Qaramada Midoobay waxaannu ka Codsanaynaa inay wax ka qabato ku Xadgudubka ay Ciidamada Itoobiya ka Samaynayso Dalka Soomaaliya Gudihiisa iyo Dagaal Oogayaasha u baahan in la soo Qabto Maxkamadna la horkeeno , Maadaama ay yihiin kuwa geysanaya Xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee Dalka Soomaaliya.

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay ka joogaan Dunida ,waxaannu ka Codsanayaa inay ka sameeyaan Falalkani ay ku kaceen Maamul Goboleedka Puntland Banaanbaxyo looga soo Horjeedo ,si aysan u dhicin mar dambe oo aysan ugu dhiibin Dad Soomaaliyeed Gacanta Gumeystaha Itoobiya ,Sababtoo ah Falalkani ayaa waxay yihiin kuwa dhowr goor soo noq noqday waana inaannu badbaadinaa Ummaadeena oo dhan.

Hay'adani oo Xubin ka ah Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda ee Dunida ayaa waxay u digaysaa Maamul Goboleedka Puntland inay joojiyaan Fal-dembiyeedyada ay ka geysanayaan ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika ee ay ka Waddo Dowladda Itoobiya ,isla markaana ay dhowrto Xuquuqda Dadka Deegaanka iyo Deris Wanaaga u Dhexeeya Labada Shacbi ee Walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com


Geeska Afrikada Bari oo ay Dagaalladu ku sii fidayaan.

Dagaalkii labaad ee Dunida 1945-tii kaddib ayaa Gumeystayaasha reer Galbeedku waxay door bideen inaysan Afrika weligeed noqon meel lagu nasto ama ay nabadi ka jirto ,si ay haddaba u gaaraan ujeedooyinka ay Gobolkani Geeska Afrikada Bari ay ka leeyihiin ayaa waxay u adeegsanayaan Maxaysatada Tigreyga ee Dalkeena Maanta Xoogga ku haysta
Taasina waxaa inooga Markhaati ah Xaaladda uu Maanta Dalku ku sugan yahay ,iyo weliba Waddamada Soomaaliya la deriska ah iyo kuwa inaga maqanba ,sida Ereteria,Jabuuti,Soomaali Galbeed(Ogaden).Oramia,Soomaali Kenya ( NFD),iyo Waddanka Kenya oo deris la ah.

Haddaba, soo yaalka taariikhda ee Geeskani Afrika ayaa waxaa ka dhex muuqda Shacabka Soomaaliyeed inay yihiin kuwa aanan jaclayn Gumeysiga iyo Gumeysi Kalkaalka isla markaana kaga horyimi Dagaalo aad u Kulul ,sida Halyeyyadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey Guushii ay kaga soo hooyeen Cadawga iyagoo baday Cadawgii inay Hilbaha Cayriin ay Meherad ka dhigtaan weligood, Xornimadii uu Dalka qaatayna iyagaa horseed u ahaa ,Dagaalkan socda ilaa iyo Maanta waa kuwa ay weli Damac kaga leeyihiin inay Dhulkeena Hooyo ku Milkiyaan ,waxaana ka dambeeya Waddamada reer Galbeedka.

Dagaalada Sokeeye ee Dalka Soomaaliya ka dhacaya waa kuwa ay ka dambeeyaan Waddamada reer Galbeedka ah ee uu Maraykanku horkacayo ,Sabatuna waxay tahay inay helaan Dhul Dihin oo laga heli karo Shidaalka iyo Macaadiinta kale ee ay Warshadahoodu Isticmaalaan ,in ay helaan Bad Biyo Kulul leh oo Kalluunku uusan ka guur guurin,iyo inay u helaan Itoobiya oo ah Saaxiibkooda Geeska Afrika Deked ay Hubka uga dejiyaan ,iwm.
Soomaaliyeey maxaanu u heshiin la'nahay ? Waa Ciil iyo Ciil , Cadaw baa na Cunayee .

Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwii Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Gacanta u geshay Maxaysatada Maanta Dalkeena haysata ,kaddib markii Shirkii Nairobi ee ay Go'aankan Xun ee aan Salka lahayn ku Go'aansadeen inay Dhulkeenii Hooyo Gumeysi Dib ugu soo Celiyaan waa ayaan Darro aad u Xun , iyagoo weli Maanta Xaaladda uu Dalku ku sugan yahay ay tahay mid aad iyo aad u Xun ,Xasuuqa, iyo Nabad gelyo darrida ka jirta ay Mas'uul ka yihiin Ciidamada Maxaysatada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee Soomaaliya oo ay weli ka dhex muuqdaan Qabqablayaashii Dagaalka.

Duqayntii ay Ciidamada Maraykanku u geysteen Gobolo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid ay ka dambeysay Ciidamada Sirdoonka ee Itoobiya oo kaashanaaya kuwa Dabadhilf ah oo u adeega Gumeystaha Naf-lacaariga ee Dalkeena ku Dhuumaalaysanaya iyo kuwa kale, Hase ahaatee Dadka Raydka iyo Maatida ay Xasuuqeen waxay horyaalaan Xafiisyada ku shaqada leh Xasuuqyada loo geysto Bani'aadanka Dunida wixii jawaab ee ka soo baxana waxaa qaadan doona Cidii Falkani amartay ama Fulisay.

Su'aasha soo noq noqota ee ah Ciidamada Itoobiya goormay baxayaan ?ayaa waxay tahay mid Sahlan Ciidamadan Maxaysatadu waxay baxayaan inta ka horeysa Isbedelka Siyaasadeed ee ka Socda Dalka Maraykanka inta lagu Dhawaaqin Natiijada kama Dambaysta ah ee ku aadan bisha November ee Sanadkan aannu ku jirno , si ay isga badbaadiyaan Eedaymaha Culus ee ay ku Hayaan Hay'adaha Xuquuqda Banidaanka u Dooda ee Dunida oo haya Caddaymo ku Filan oo ay kaga Guulaysan karaan Itoobiya.

Muqdisho maxay u degi la'dahay ?Muqdisho waxaa u Heshiiyey Cadawgii Soomaaliya maadaama ay tahay Magaalo Madaxdii Dalka, Ciidamada Maxaysatada oo ka wadda Nabad geyo darro aad u Xun Ciidamadii DFKMG ee Soomaaliya oo ay Hoggaaminayaan Qabqablayaashii Dagaalka iyo Maamulkooda Gobolka Banaadir oo weli ay dhex boodayaan Qabqablayaal Dagaal Oogayaal ah oo Shacabka u naxayn kuna khasbay inay ka qaxaan Guryahoodii , kuna abuuraan welwel iyo Cabsi aad u weyn oo ku khasabtay inay Tahriibaan.

Haddaba, Maqaalkani waxaan ku soo koobayaa Geeska Afrika Dabkan ka Ololaya waxaa Shidaya Dowladahan Reer Galbeedka waxayna u adeegsanayaan Ciidamada Maxaysatada Itoobiya ee Maanta Dalkeena ku Sugan iyo kuwa kale ,Soomaaliyeey waxaad Dib ugu noqotaa Xornimadeenii khaaliga ahayd iyo tan Maanta aannu ku jirno ,waxaanna looga bixi karaa inaannu qabsano dhammaanteen Xarriga Alle kaasaana lagu badbaadayaa oo keliya.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS