SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxtinimada maamul goboleeddka puntland oo booqasho kumarahaya waqooyiga america

Nuuradiin Aadan Diiriye
waa musharax u taagan madaxtinimada maamul goboleedka puntland sanadkan fooda nagu soo haya ee 2009,waa musharaxa ugu caansan musharaxiinta madaxtinimada dadkuna ay u hanweyn yihiin in uu kusoo baxo noqdana Hogaanka puntland.

Puntland waxaa la aasaasay 1998 waxaana markaas madaxweyne kanoqday kornayll c/laahi yuusuf axmed madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya wuxuuna xukumahayeey lix sano.

Waxaa asna madaxweyne kanoqday General maxamuud muuse xirsi(General cade) oo asagu ilaa iyo iminka xukunka haya,Hadaba tobankaas sano ee kasoo wareegtay wakhtigii layagleelay maamul goboleedka puntland ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan.

Hadaba Nuuradiin Aadan Diiriye waa aqoonyahan dhalinyaro ah una qalma madaxtinimada maamul goboleedka maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah maskax fireesh ahna wata garanahayana sida adduunyadu ay u shaqeyso maanta, ayaa loo arkay Nuuradiin in uu yahay kan kaliya ee badali kara xaalada ay kusugantahay maamul goboleedka puntland.

Mudane Nuuradiin aadan diiriye waa musharaxa kaliya ee kasocda gobolka mudug una tartamahaya jagada madaxtinimada maamul goboleedka puntland,ayna isku raaceen dhamaanba dadka kasoo jeeda gobolka mudug sida waxgaradka.isimada,aqoonyahanada iyo dhamaanba bulshada rayidka ah.

Hadaba dhamaan dadka reer puntland ayaa waxay aaminsan yihiin in uu aqoonyahan badalo karo marxalada qalafsan oo ay kusugan tahay puntland,maadaama ay isaga dambeeyeen laba ruugcadaa xukunka puntland.

Maadaama ay tobankii sano ee lasoo dhaafay ay kasoo talinahayeen puntland(labo Ruugcadaa lana so shaqeyeey dowladii hore ee maxamed siyaad barre kana qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee soo maray dalka somalia),hadaba shacabka reer puntland ayaa waxay leeyihiin(we need a change)waxaanu rabnaa isbadal.

Nuuradiin Aadan Diiriye
kama uusan qeyb qaadan dagaal sokeeye dhiig soomaaliyeedna ma uusan daadin marwalbana wuxuu diyaar u yahay samata bixinta shacabka iyo badbaadadooda waana waxa ay kucodsadeen shacbiga reer puntland in uu Nuuradiin isu soo taago doorashada sanadkan 2009.

Waxaa masuuliyiinta hada xilka haya ay kahor balanqaadeen Baarlamaanka,hey,adaha ammniga iyo kuwa samafalkaba in aysan wax xil kororsi ah aysan samayn doonin, Halkaas oo uu joogay amaba uu xaadir aha Hogaanka ciidamada daraawiishata puntland.

Waxaa lafilahayaa sanadkan bilowgiisa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada kanadhacdo caasimada maamul goboleedka puntland una dhacdo siwanaagsan oo aysan kujirin musuqmaasuqnimo,isdabamarin iyo kushubasho toona ayna u dhici doonto si daacad ah.

Waxqabadka Nuuradiin Aadan Diriye.

1:Badbaadinta reer puntland.
2:soo celinta cududii ciidamada daraawiishta puntland.
3:Waxkaqabashada ammniga iyo soo celinta nabada.
4:kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadida ganacsiga.
5:kahor tagida sicir bararka kubaahay dhamaanba gobolada puntland.

Mudane Nuuradin Aadan Diiriye waa nin ay bulshada reer puntland ay horay usoo arkayn waxqabadkiisa wanaagsan oo laga dheehan karo Hufnaan,cadaalad,sinaan iyo maamul wanaagsan.

Nuuradin Aadan Diiriye
waa nin bulshay ah oo ay dadku u siman yihiin dhalinyaro iyo waayeelba waana nin aan hab qabiil aan kushaqeyn waa nin dhexdheexaad ah markastana jecel ama kuhamiya in uu shaqeeyo codka shacabka iyo rabitaanka shacabka reer puntland qof kastana uu xor u yahay xoriyatul qowlkiisa.

Nuuradiin Aadan Diiriye
wuxuu dalka tagay bishii agoosto oo aynu so dhaafnay waxaana loogu soo dhaweyeey wadanka si aan waligeed aan loogu soo dhaweyn qof reer puntland ah,madxweyne hanoqdo ama musharax kale intaba,waxaana kamid ahaa gobolada sida aad ka ah loogu soo dhaweeyeey Gobolka Mudug,Bari iyo Nugaal.

Waxaa sidoo kale mudane Nuradin Aadan Diiriye si wanaagsan loogu soo dhaweeyey wadamada ay kunool yihiin soomaalida Qurba joogta ah gaar ahaan dadka reer puntland,waxaa kamid ah meelaha sida aadka ah loogu soo dhaweeyeey magaalada lusako caasimada dalka Zambia,magaalada Ohio caasimada gobolka columbus ee cariga maraykanka,minisota iyo meel kale oo aad u fara badan.

Waxaa maalmaha fooda nagu soo haya uu kusoo fooleeyahay mudane Nuuradiin Aadan Diiriye wadamada iskaandaneefiyaanka sida ay sweden,denmark iyo meel kale oo badan meelkastana ay diyaar u yihiin jaaliyad kasta oo reer puntland ah ayna kumashquulsan yihin sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen.

Gabagabadii iyo Gunaanadkii .

Gobolada puntland waa gobolo Barwaaqo ah ayna dagan yihiin dad walaalo ah oo is jecel Nabadana aad u taageera jecelna hormarka wadanka,Balse dhibaatooyinka soo wajahay ayaa ah kuwo ayagu kayimid dhanka masuuliyiinta talada haya,Hamiga Nuuradiin ayaa ah sidii uu u hor marin lahaa puntland ugana shaqeyn lahaa nabadgalyada Badda iyo Birigaba

Rujaal jaamac xasan sheekeeye
rujaljamac20@hotmail.com
rujaal07@yahoo.com
254720095166
NAIROBI KENYA

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS