DHALINYARDA IYO DOWRKOODA DALKA
wadan waliba waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan dhalinyarada ayaa dawr weyn ka
ciyaarto muujinta bilicda dalkooda hadey ahaan laheed dhinaca waxbarasha ama
dhinac kasta ee hormarineed
SYL IYO DHALINYARADA MAANTA
sooyaalka taariikeed ee wadankeena somalia hadaad dib u raacdid waxaad
ogaaneysaa
in sacabku ahaa mid aad ugu kalsoon ama rajo weyn ka qabay dhalinyarada waagaas
SYL waxey garbaha is qabsaden waqti uu u baahnaa wadanka samata bixin dag dag ah
iyagoo hadafkooda 1aad uu ahaa in dhalinyarada mustaqbalka ey wado ku dayasho
mudan u xaaraan iyadoo aanu wada ogsoonahay horumarka eey inoo horseedeen balse
ey muuqato in dhalinyarada maanta jirtyaayi aad moodid in ey sanba aheyn
dhalinyardii ey SYL u soo halgantay ama ey rabeen in ey halgankooda sii wadaan
hadaad daba gal ku sameysid dhalinyarada somaliyed ee maanta joogto ama aad la
sheekeysatid qaar ka mida waxaad dareemeysaa in eysan wax xanuun ah ama dareyn
eysan ku heynin marxaladda cakiran ee dalka uu marayo ,ama ey qaar kood aamineen
in oday dhaqameed ama hogaamiye kooxeed maahane eysan wax door ah ku laheyn
dhalinyarada dib u dhiska iyo dib u walaalenta qaranka somaliyed.
arintan heysata dhalinyarada somaliyed ayaa waxaad dareemeysaa marka aad
dhaba gal ku sameysid wadamada nidaamka dawliga ah uu kajiro dhalinyradooda sida
ey isugu xiranyihiin ama wazaaradaha dhalinyarada dawrka ey ku leeyihhin.
DAWRKA URURADA DHALINYARADA
waxaa soo ifbaxay waayadan danbe dhalinyaro wax xoogaa dareen ah iska dareemay
dhalinyaradaas oo dhisay ururo ey ku mideysanyihiin ururadaas in kasto oo wax
qabadkooda uu yar yahay iyada oo ey sababta tahay xagga dhaqaalaha .
hadana ururo badan ayaa ka jiro gobolada somaliya in kasta oo ey ku
guuldareesteen ama awoodi waayen xitaa in ey sameystaan dalad mideysa ama is
dhaxgalka dhalinyarada gobalada,ama ey hubka ka dhigaan dhalinyarada, hadeysan
awoodine ey isku dayaan kuwa ey heebyaqaanaan in ey ka dhigaan qoriga qalinkana
u dhiibaan si uu uga baxo jahliga.
balse aad arkeyso in ey xoogga saareen sida ey ula xariiri lahaayeen hey'adaha
samafalka si ey wax xoogaa sahlo arimahooda uga helaan
RAJO IN TEE LA EG AYEY KA QABAAN IN EY HOGAAMIYAAN QARANKA
su'ashani jawaabteedi waa mid aad u culus marki si loo eego hadana fudud marki
si kale loo eego hogaaminta ama jagada ugu sareysa ee qaranka somaliyed yeelan
doono mustaqbla ayaa ah mushkilada keentay in malaayin somaliyed dhulka ka
hoosmaraan qaarna ka qaxaan dhulkooda hooyo marka
aad arinkaas eegtid waxaad yara dareemeysaa in aanan si sahlan loo hanan kareyn.
hadii aan si kale u dhigno maanta qaranka somaliyed waxa uu sugayo waa
dhalinyarada somaliyed gaar ahaan kuwa wax bartay inta dagaalka sokeye socday
waayo waxaa la gaaray waqtigi uu qalinka shaqeyn lahaa qorigana la dhigi lahaa
waxa inta badan dhalinyarada niyada ka dilayo ama eey uga gabanayaan dawrkooda
dalka waxaa u sabab ah ayaga oo aaminsan (HOOBIYE NIN HEESTAA WAX HOGAANSHO)
waana arin ey shacabka dhamaan wada aamin samyihiin
SIDEE LOO WACYI GALIN KARAA DHALINYARADA?.
dhalinyarada somaliyed ee maanta badankooda waxaa lagu tilmaami karaa in ey
suuxsanyihhin ama eysanba la socon dawrka looga baahanyahay
waxaadna arkeysaa dhalinyaro waqtigooda ku luminaya daawashasada ciyaaraha
noocyadooda kala gadisan ama ka sheekeynta kooxaha .
dhalinyaro kale ayaa jirta kuwaas oo xoogga saaray sida ey shahaado jaamacadeed
gacanta ugu dhigi lahaayeen kuwaas ayaa dhaamo wax badan kuwa waqtigooda ku
lumiyo faa'ido darada
dhalinyarada wax barata ayaa ah kuwa maanta shacabka uu ku tashanayo ama ah
hogaamiyayaasha mustaqbalka
somaliya waxa ey u baahnatahay maanta dhalinyaro qalbi saafi ah,wadan
jaceyl,qabil la dagaalan,iyo diin jaceyl uu ku abuuranyahay qalbigooda
waxaana haboon si loo waci galiyo dhalnyarada somaliyed in marka hore lagala
dagaalamo qabiil si xun u adeesiga ey aaminneen qaar kood .
waana in si loo wacyi galiyo dhalinyarada ey WEBSITE-yada ama idaacadaha eey
sameeyaan barnaamijyo ku saabsan doorka dhalinyarada ey ku leeyihhin dalka
waxaana allaah ka baryeynaa in dhalinyarada somaliyed uu dareensiiyo tusana sida
dhalinyarada dunida ey uga dhax muuqdaan shacabkooda dawrkoodana ey ka qaataan
dib u midenynta shacabka gaar ahaan sidi ey isugu keeni lahaayeen dhalinyarada
kala firidhay .
By:
HASSAN ISAM'ILYARE (HASSAN NUUR)
CHAIR ,SOMALI COMMUNITY CENTER
SEATTLE,WASHINGTON
xnuur11@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2008
|