SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorasho Puntland ma ka qabsoomi kartaa?

mar ka hore waxaan ku bilaabayaa magaca alle (SWT) ka dib waxaan ku saliyayaaa nebigeenii suubanaa naxariis iyo nabad gelyo korkisa ha ahaatee.

intaa ka dib hadaan ka hadlo ujeedka maqaalkaygan oo ku saabsan doorashada Puntland ee la hadal hayo waxaynu intaa aragnaa musharraxiin hor leh oo is sharraxaysa waxaase is weydiin leh maadaama Puntland aysan ka jirin nidaamkii diyaarinta sida (Election commission still not nominated) lama magacaabin iyadoo taas aynu ognahay ayaa musharraxiinta jecel yihiin inay dooraashadaasi dhacayso maamulka haatan talada hayana maynaan maqal wax diyaar garaw ah oo uu barnaamijkaas ka qabtay waynu ognahay maamulka la deriska ah ee Somaliland hawlaha ka socda ee la xidhiidha (Strengthening Governental institutions) sida nidaamka asxaabta badan miyaanay haboonayn inaynu walaalaheen deriskeenna ah kaga dayanno qaabkaas waa hadaynu doorasho rabno cid ha la doortee horto saan sankeedu ma ka muuqdaa maamulka Puntland.

waxaynu la soconnaa in dawladda puntland jirtay muddo (10) sano ah xiliga intaa le'eg ma ku diyaarin kari weyno nidaam dhaxal gal oo bulshadeennu aynu ku hagno si aynu u helno mustaqbal wanaagsan oo bulshadeennu ku horumarto, waxaase aan is weydiiyaa musharrixiinta is sharraxaysaa ma qaar baa uga jeeda ana waan idhi nin baa la yidhi caruur ma dhalay markaasaa la yidhi wixii laga dhali lahaaba ma guursan, markaa doorasho ha ka dhacdee qaab iyo sansaan doorasho ma muuqataa, dawladda puntland ma waxay ku qanacsan tahay xoojinta dawladda federaalka ah intay gudaheeda nidaamin lahayn dadka u dhuun daloola arrimahaasi waxan weydiin lahaa arrimahaas igu dhaliyay su'aalaha badan bal sxbyaal iga siiya xogta aad ka haysaan.

anigan qoraya maqaalkan oo ka mid ah raga aqoonyahanada soomaaliyeed ee aan ka qayb gelin dagaaladii sokeeye dalkana xabashida keenin kuna taageersanayn hadaan is sharrixi lahaa maxaan is sharraxaa san saankeedu ma muuqdee ma rabo inay ujeedaday noqoto hadalkii uu yidhi abwaanka soomaaliyeed ee caanka ah Mustafe Sheekh Cilmi (Kursigaasaan caashaqayee madaxweyne bal i dhaha eey).

Waxaa jirta in beesha caalamku u han qal taagayso doorashooyinka ka soconaya soomaaliya ha ahaadeen kuwa Somaliland oo ugu horreeya xaga doorashooyin maadaama ay soo qabteen doorashooyin hore amaan aan u hayo maaha balse waa wax jira, waxaan marar badan is weydiiyaa General ka ka taliya maamulkaasi iyo asxaabtiisa la wadaagta nidaamkaasi ma ka rraali yihiin in doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo Puntland.


Ugu dambayn waxaan ku soo gunaanadi lahaa in aynu ka hadalno waaqica jira oo aynu fahanno sida wax inoogu qabsoomi karaan.

Mufakar soomaaliyeed:

Maxamed Xaaji

E-mail : Gurey762@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS