SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kacaankii 21 Oktoobar & Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado siyaasadeed oo aad u adag tan iyo intii ay xorimadeedii ka qaadatay gumeystayaashii reer Yurub ee Talyaaniga iyo Ingriiska bishii July . 07/01/1960-kii Dowlado kala duwan ayaa Dalka ka talinayey tan iyo waqtigii Xornimada la qaatay oo ay ugu horaysay Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ,waxaa ku xigay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke oo doonayey in Dalka lagu Xukumo Diinta Islaamka markii ay ogaadeen Waddamo fara badan oo Soomaaliya Siyaasadeeda lug ku lahaana waxay door bideen inay Shirqool u dhigaan si ay awood ugu helaan inay ujeeddadoodu u hirgasho.

Waxaa Dalkii gacanta ku dhigay Xukun Melatri ah oo uu Hoggaaminayey Madaxweyene Mudane Gen. Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu Xukunka Dalka gacanta ku dhigay Oktoobar 10/21/1969-kii , Xukuumadan loo yiqiinay Kacaanka 21 Oktoobar ayaa waxay la timi Siyaasadii Shuuciga ahayd ee Ruushka lagaga dhaqmi jiray Howl iyo Hantiwadaag Shacabkii oo markaa aan lahayd foojignaan Siyaasadeed oo buuxda ayaa hobooday waxayna noqotay in Dalka oo dhami ay gacanta ku dhigaan iyagoo kaashanaaya Dhallinyarada Soomaaliyeed ee firfircoon qaarna ay isla markiiba Waxbarasho ugu dirtay Dowlada Dowlahii ay Saaxiibka la ahayd ee Ruushka iyo Bariga Yurub oo dhan.

Dhallinyarada oo ah laf dhabarka bulshada Soomaaliyeed ayaa Kacaanku wuxuu u gartay in ay la shaqeeyaan wuxuuna u abuuray Ururkii la oran jiray Ururka Dhallinyarada Kacaanka Soomaaliyeed Dhallinyaradani waxaa loo tababari jiray inay u noqdaan Kacaanka Madaxdii Berrito loo magacaabi lahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga Kacaabka Soomaaliyeed iyo Golayaasha kala gedisan ee Dalka markaa Xukumayey ,Sababtoo ah Mabda'a uu qofkani Dhallinyarada ahi uu aaminsan yahay ayaa ah mid u bisil Siyaasadda Kacaanka ee Dalka Xukuma.

Kacaankii 21 Oktoobar ee Dalka Xukumayey ayaa 10-kii Sano ee ugu horaysay abuuray bulsho aan Qabiil lahayn oo loo arkayey inay yihiin kuwa ku socda Waddo waxtar leh ,hase ahaatee waxay ahayd mid aan si hoose looga war hayn Qabiilka iyo Gobolaysiga ayaa maallinba maalinta ka dambaysa sii baahayey oo markii ugu dambaysay gaaray heerkii ugu Xumaa oo abuura Dagaal Sokeeye oo aan joogsi lahayn ilaa iyo maantana Xalkiisii la waysan yahay Shacabkiina ay noqdeen kuwa Qaxooti ah, kuwa Tahriib ah ,kuwa Tarxiil ah ,iyo kuwa lagu Xasuuqayo guryahoodii iyo Dugsiyadii ay wax ku baranayeen, Madaxdii Dalkuna uu khilaaf dhexyaallo maallin walba , Xalku wuxuu ku jiraa oo keliya in laysku Xukumo Kitaabka Alle oo keliya .

Dowladii Madaxweyne Gen. Maxamed Siyaad Barre ayaa waxay bilowday inay ka Xorayso Gumaystaha Itoobiya, Gobolka S/Galbeed ee (Ogadenia) iyo Gumeystaha reer Galbeedka Faransiiska ee gacanta ku hayey Jabuuti oo labaduba ka mid ahaa Shanka Qaybood ee Gumeystayaashu u Qaybsadeed Dhulka Soomaaliyeed go'aankani ayaa wuxuu ahaa mid aad u adag hase ahaatee waxaa markiiba u istaagay Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Ciidamadii Qalabka siday ee Dalka ,Gumeystayaashiina baday inay Kabahooda ka Cararaan , Maxaysatadii Itoobiya ayaa waxaa loo gaystay Jab iyo Halaag aad u weyn kaddibna Dunida ayaa waxay la noqotay Huwan maadaama ay Itoobiya ahayd Dowlad Masiixa oo Wakiil uga ah Afrika .

Taariikhda ayaan Illoobayn kaallintii ay ka qaateen Dhallinyarada Soomaaliyeed oo u kala qaybsanaa Dhammaan Ciidamadii Dalka waxaa kaloo Xusuus mudan inay la Dagaalameen Huwan Maxaysata ah sida ay Weedhu u dhacayso "Galbeed waa la Xorayey ee Waarsaa Gaagixisay" Halgankani wuu soconayaa Weligii Ilaa iyo Dhammaan kuwa ay Maxaysatadu gacanta ku haysato iyo kuwii ay hore u haysatayba laga Xoreeyo.
Nasiib wanaag ayaa waxay Dowladii faransiiku markii ay u adkaysan weyday Dagaalka iyo Halganka Dadka Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti waxay garatay inay Jabuuti Xornimadeedii Siiso sidaana ay Jabuuti Xor ku noqotay ,waxaad arkaysaan inay yihiin kuwa u gargaaraya Shacabka Walaalahooda ah una taagan Nabadda.

Kacaanku wuxuu kaloo dhallinyarada u jeheeyey Ciyaaraha iyo Wax soo saarka sida beeraha iyo kalluumaysiga sababtuna waxay ahayd wuxuu ogaa inay yihiin Xoogga keliya ee Dalka uu leeyahay haddii ay ka horyimaadaana uu Xukunkiisa uusan Guulaysanayn ,Kacaanku wuxuu ka dhisay Degmo walba oo Dalka ka tirsan Xarun looguna magacdaray Degmada oo la oran jiray Xarunta Degmada , taasoo ay ka socon jireen Shirar iyo kulamo looga hadlayey barnaamijyo ay Dowladu abuurtay oo loo yiqiinay "Iskaa wax u Qabso "iyo NABADGELYDA, Ammaanka ayaa wuxuu ahaa mid aad u sugan Hubka ayaa laga Ilaalin jiray inuu gacanta u galo Shacabka Muqdisho waxay ka mid ahayd Meelaha ugu Nabadda badan Dunida Dhallinyarada ayaa horseed u ahayd Horumarkii uu Kacaankii 21 Oktoobar uu gaaray burburkii ku dhacayna waxaa Sabab u ahaa Madaxdii Dalka oo Shacabkii ku kala dilay Gobolaysi ,Qabiil, Dhaqaalihii iyo Nabadii oo Xumaaday.

Gabagabadii iyo Qoraalkani Dhallinyadii hore ee Soomaaliya kuwii dhexe iyo kuwa maanta waxaa u dhexeeya farqi aad iyo aad u fog kuwii S.Y.L waxay ahaayeen kuwii keenay Xornimada aannu maanta Gacanta Cadawga gelinay iyaguna waxay ahaayeen kuwa naftoodii u huray ama Xabsiyo u galay ama u dhintay oo u dhamaaday , farqiga kala gedisan ayaa kuu markhaati ah ,kuwa maanta jira waxay isu Dilayaan Qabiil iyadoo uu Dalku ku jiro Gacan Gumaysi oo weli ah kii ugu Xumaa oo Cadaw u ah Dadka Dalka iyo Diintaba,waa inaannu noqonaa sidii Dhallinyaradii S.Y.L kuna midownaa Dib u Xoraynta Dalkeena Hooyo ee Soomaaliya.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS