MADAXWEYNE CADDE MUUSE MEXEY REER PUNTLAND KU XASUUSAN DOONAAN ?
'Qofweliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noogeystay
Diiwaano-qaran baajiroo loogu qorayaaye,
Intaad qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda"
Nin gabyaa ah ayaa hadda ka hor ku gabyay, qofkasta oo bini aadamka ka mid ah
labo midkood ayaa lagu xasuustaa, ama waa qof wanaagiisa iyo waxtarkiisa
bulshadu waaya dambe ka sheekayso, ama waa Alla-kad dhibaatooyinka iyo lugooyada
uu mujtamaca u geysto iyo tahluukooyinkiisa waayadambe laga sheekeeyo.
Ma ahan oo keliya dadka siyaasiyiinta ama madaxda dawladda balse qofku xitaa
hadii uu kamidyahay bulshada caadiga ah waa kii weligiis la qiimeeyo, waxaa
qiimeeya dadka uu wadida la yahay, saaxiibadiisa iyo deriskiisa... Balkawaran
qofkaasi hadii uu yahay madaxweyne ama mas'uul sare oo bulsho iska dhan
hogaankeeda loo dhiibo?
Dabcan waxaa sii badanaysa waxka sheegiisa iyo hadal hayntiisa, mudane Cadde
Muse (madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland) bal hadii aynu is weydiino
maxaynu ku xasuusandoonaa, wanaag iyo xumaan, maxay dadka hadda jooga iska daaye
kuwa dhalandoona iyo kuwa hadda yar-yarka ah oo aan weli garaadkoodu garashada
siin marka ay waxgarad noqdaan loogu sheekayn doonaa.
Hadda waxa jira dad badan oo ka soo jeeda gobolada Puntland oo dibadaha kunnool
abidkoodna aan iman Puntland, kuwo mar hore dibadda uga baxay oo qurba joog ah,
hase yeeshee dhamaandoodba waxay indhaha ku hayaan waxa ka dhacaya gudaha dalka,
waxay dhegaha u taagayaan wararka shaamareerka leh oo maalinkasta war-fidiyeenku
ka soo tebinayaan.
Waxaa laga yaabaa akhriste marka aad cinwaanka maqaalkan aragtid in ay
maskaxdaada ka guuxayaan waxyaalo badan oo madaxweynaha lagu xasuusan doono oo
aad adiga keli ah ogtahay, dabcan qofkasta waxaa u gaar ah garashadiisa iyo
xogta uu hayo, aniga aad ayay u yartahay xogta dhabta ah oo aan dhacdooyinka
jaahwareerka iyo fajacisada leh oo gudaha Puntland ka socda ka ogahay.
Hase yeeshee, wararka ka soo duul-duulaya ma ahan wax qarsoomi kara.
Kahor inta aynaan ka jaqaabin su'aasha cinwaanka kore, waxaa isweydiin mudan
sida uu madaxweynuhu kurisaga madaxtooyada kuyimid iyo wadooyinka uu u soo
maray.
Waxaynu ognahay kursi madaxtooyo waxaa lagu gaarikaraa saddex midood:-
1. Boqortooyo (kingdom), oo ah nadaam dhaxaltooyo.
2. Keligitalis, (dectatorship), nadaam keligi talis ah oo inta badan xukunka
kuqabsada afgembi mulateri sida dawladaha dunida sadexaad ( third world) intooda
badan ka jirta gaar ahaan Africa.
3. Doorasho xor ah (Democracy), nadaam ay shacabku doortaan cidda hogaanka u
noqonaysa oo xukunkiisa shacabku iska leeyahay, badanaa dawladaha horumaray
(developed countries).
Hadaba midkee sedexdaas ka mid ah oo madaxweyne Cadde kursiga madaxtooyada
Puntland ku yimid? Waxaa laga yaabaa dadka qaarkood inay ku jawaabaan ( doorasho
baarlamaani ah !!!).
Qofba wax ha kujawaabo, dadka badankoodu waxay u arkaan in doorashadii January
2005 ay ahayd masraxiyad dadka reer Puntland lagu indha daraandarinayay,
doorashada ka hor waxaa la ogaa cidda ku guulaysaneysa, taasi waxa ay ku cadayd
heshiiskii ay kala saxiixdeen C/laahi Yusuf (madaxweynihii markaas Puntland ka
talinayay) iyo Cadde ( hogaamiyihii jabhaddii GBP oo markaas mucaarad hubaysan
Puntland ku ahayd).
Gen. Cadde ma ahayn shakhsi ay si fiican u garanayeen bulshaweynta reer
Puntland, markii ugu horaysay oo magaciisa si fiican u shaaco waxa ay ahayd
maalmihii is riix-riixa siyaasadda iyo dagaaladii sokeeye ee taariikhda Puntland
markii ugu horaysay uguna dambaysay ka dhacay, waxaa xusid mudan inuu ahaa
hogaamiye jamhadeedkii ugu horeeyay oo gabbaad u gala xadka Somaliland,
Puntland waxay soo martay saddex waji oo kala ah:-
· Wajiga kowaad oo ahaa xiligii la dhisay maamulkii ugu horeeyay oo
madaxweynihiisa loo doortay mudane C/laahi Yuusuf Axmed, maamulkaas oo lagu
xasuusto kala dambayn iyo amni wanaag.
· Wajiga labaad oo ahaa xiligii kala guurka ahaa oo uu Puntland ka jiray jaah
wareerka siyaasadeed kaas oo ka dhashay kadib markii isimada Puntland qaybtood
xilka u siyaadiyeen maamulkii markaas jiray, taas oo ay ka hor yimaadeen qaybo
kale oo kamid ah isimada ayna qaban qaabiyeen shir markaasi lagu dhisay maamul
uu madax ka yahay Jaamac Cali Jaamac, taas oo dhalisay iskudhac iyo dagaal
dhexmaray maamulkii hore iyo kii cusbaa, khilaafkaas oo lagu xaliyay heshiis iyo
awood qaybsi dhexmaray labadii garab oo siyaasadda isku hayay, fursadna siiyay
Cadde Muuse inoo siyaasadda Puntland markii ugu horaysay ka dhexmuuqdo.
· wajiga sadexaad oo ah kan ay hadda Puntalnd ku jirto, maamulkiisana uu madax
ka yahay Gen. Maxamud Muse Xirsi (Cade), waxaa muhiim ah in aan waxka sheegno
dhacdooyinka ugu waaweyn oo lagu xasuusan doono maamulka Cade oo hadda mudadiisu
sii dhamaanayso.
. DHACDOOYINKA UGU MUHIIMSAN OO LAGU XASUUSAN KARO MAAMULKA CADDE:-
-Gobolka Sool oo ka mid ah shantii gobol oo Puntland lagu aas-aasay oo uu ka soo
jeedo mas'uulka labaad ee ugu sareeya maamulka
Puntland oo mudo sanad ku dhowaad ah ka maqan gacanta maamulka Puntland.
-Nabadgelyadii iyo amnigii oo faraha ka baxay.
-Sicir barar iyo maciishaddii oo cirka isku shareertay.
-Qiima dhac ku yimid lacagtii shilinka Somaliga kadib markii makiinado ay
leeyihiin shakhsiyaad gaar ah ay suuqa ka soo buux dhaafiyeen lacago been abuur
ah.
-Baddii iyo berigii oo shirkado maafiyo ah macdantii ka dhurteen.
-Burcad badeed iyo kooxo argagixiso ah oo amni darada ka faa'iidaystay dawladuna
gacan saar la leedahay.
-Police-kii iyo ciidamadii Daraawiishta oo hawshoodii qaban waayay kadib markii
ay waayeen mushaharadoodii iyo bajad kii loo qorsheeyay.
-Hay'adihii caalamiga ahaa iyo ururadii aan dawliga ahayn oo dalkii iskaga baxay
ka dib markii ay waayeen wax amaangelyadooda damaanad qaada.
-Ganacsigii xoolaha nool oo si xilkas la'aan ah gacanta loogu geliyay ganacsato
Carbeed.
-Madaxweynaha oo cabsi uu ka qabo in kursiga laga qaado darteed si toos ah ugu
dhawaaqay inuu heshiis lagalay qaybo ka mid ah ururkii maxkamadaha oo markaas
awood mulateri iyo taageero kulahaa koonfurta Somalia.
-Golayaasha deegaanka oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay degmooyinka
qaarkood
-Mashruuca dhismaha garoomada diyaaradaha Bosaso iyo Garoowe oo weli qabyo ah.
MAXA FASHILIYEY SIYAASADDA GEN. CADDE?
Marna ma orankarno guusha ama guul-darrada ku timaada siyaasadda Puntland waxa
masuuliyadeeda qaadi kara hal shakhsi oo keli ah, guud ahaan golaha fulinta
(Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa) iyo golaha sharci dejinta (Baarlamaanka) waxa ay
si wada jir ah u wadaagaan fashilka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amaan-darro ee ku
yimid DGPL, haseyeeshee waxa uu madaxweynuhu leeyahay masuuliyadda koowaad
waxkasta oo dhacay.
Fashilkiisa ugu weyn waxaa keenay khibrad la'aan iyo isaga oo si kama' ah ku
hantay hogaanka Puntland, indheer garad fara badani waxay ku tilmaamaan Gen.
Cadde inuu yahay shakhsi aan marna hanan-karin masuuliyada intaasi le'eg, iyadoo
sabab looga dhigo,
-Karti-la'aan: Go'aan iyo talo jilicsanaan.
-Caafimaad-darro: inagoo la socona in ayka badantahay inta madaxweynuhu dalka
dibadiisa isku daaweynayo inta uu dalka joogo, shuruuruudaha ugu muhiimsan oo
looga baahanyahay qofka hogaan dawladeed qabanaya waa inuu caafimad yahay.
-Ballan-qaadyo aanu fulin: munaasabad kasta Madaxweynuhu waxa uu ka sheegaa
ballan qaadyo iyo fulinta mashaariic horumanineed, "marla arko shirkado
maalgeshi iyo sugidda amniga" waa halhayska madaxweynaha.
-Madaxweynaha oo la tashada rag gaar ah oo ka mid ah jifidiisa: waxyaalaha ugu
badan oo fashiliyay siyaasadda Cadde Muuse waxaa ka mid ah isaga uu arintii iyo
taladii dalka gacanta u geliyay shakhsiyaad yar oo ka mid ah qoyska uu ka soo
jeedo ku waas oo sida ay doonaan ugu tasarufa hay'adaha iyo hantida dalka.
-Cadaadis weyn oo kaga yimid dhanka Dawladda Federalka.
-khibrad la'aan: Cadde Muuse waxa uu ka mid ahaa Soomaalidii qurba joogga ku
ahayd wadamada galbeedka, taas oo saamayn weyn kuyeelatay sidii uu ula
qabsanlahaa siyaasadda iyo wacyiga dhabta ah ee ka jira dalka.
-Dhaqaala urursi: Waxaa lasheegaa in dhaqaalaha ugu badan oo dalka soogala uu si
toos ah jeebka madaxweynaha ugu dhaco, taas oo kaliftay in shaqaalaha dawladda,
ciidamada police-ka iyo daraawiishtaba ay mushaharla'aan la gedoodeen, Cadde
intii uu talada hayay waxa uu heshiisyo badan la galay shirkado maafiyo u badan
wuxuuna isku deyay inuu waxkasta lacag ka dhigo heer uu gaaray inuu dhagxaantii
iyo ciiddii dibadda dalka u qaaday.
Ugu dambayn, Cadde xumaantiis iyo wanaaggiisba hadda waxa uu ku jiraa xilli gaba
gabo ah oo mardhow doontiisa mid shiraacaneysa ayay u muuqataa, Puntand waxa ay
soo martay tijaabooyin badan oo kala ah talis mulateri iyo qurba joog dibadda ka
yimidba, hadda ka dib dadka reer Puntland maxaa idiin daw ah, Cadde ka dibse
yaad dooraneysaan? Miduu noqdoba Alle ha ka dhigo mid waxkabedela marxaladda
qalafsan ee maanta aynu ku jirno, ogaaadana inuusan qofkeli ah oo madaxweyne loo
doorto isbeddel iyo horumar toona keeni doonin hadii aan dadka reer Puntland
dhamaantood dantooda si wada jir ah isugu gacanqabsan.
C/laahi Ciise Yuusuf
Khartoum, Sudan
abdalleisse@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2008