Dilka Nabaddoon Dacar Xirsi: Dareen iyo DabinMaalmo ka hor, nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow (AHN) ayey
gacan-ku-dhiigleyaal hubeysani ku toogteen bartamaha magaalada B/weyne,
sidii ay horayba ugu khaarajiyeen boqollaal xulkii iyo tiirarkii ay
ummaddaan tabaaleysani ku taagneyd ahaa. Geeridu waa lama huraan.
Geesiga iyo fulayguba wey wada dhiman doonaan. Kan la jecel yahay iyo
kan la necebyahay midkoodna ma waari doono. Laakiin geeridu kala qurux
iyo qiimo badan, waxayna ila tahay in ay nasiib leeyihiin doorarkii uu
nabaddoon Dacar (AHN) ugu dambeeyay ee la bartilmaameedsaday iyagoo
diintooda iyo dadkooda u adeegaya. Dhammaantood Rabbi ha u naxariisto,
intii tabeysa ee ay ka tageenna samir iyo baddal khayr qaba Alle ha
siiyo.
“Libaax nin ganay og, nin galladayna og” ayaa horay loogu
maahmaahaye, dareenka ay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka
Hiiraan ka muujiyeen geerida nabaddoonku waa mid qiimeyneysa kaalintii
waxtarnimo ee uu bulshada ku dhex lahaa. Waxaa haddaba is weydiin leh:
Dhiigga uu nabaddoonku dadkiisa u huray, sidee looga dhigi karaa mid la
dheefsado ? Sidee looga hortagi karaa in uusan horseedin dhibkii iyo
dhiilladii uu Nabaddoonku ka dhiidhiyay? Sidee ayaase looga gaashaaman
karaa gacantaan qarsoon ee gumaadeysa waxgaradkii ummadda?
Runtii, marka la qiimeeyo xaaladaha iyo xilliga adag ee lagu jiro,
jawaabuhu ma aha kuwo fudud, waxayse aniga ila tahay:
- In laga digtoonaado in dhiigga nabaddoonka (AHN) loo adeegsado
barnaamijyo iyo borobagaando siyaasadeed oo uu daneysi gaar ahi
hagayo. Taas oo marinhabaabin ku keeni karta dadaallada loogu jiro
in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiigleyaashii dilka geystay.
- In laga digtoonaado dibindaabyada iyo dabinnada cadowga ay
guushiisa koowaad tahay dhabarjebinta iyo iskahorkeenka ummadda ,
isla markaana aan lagu degdegin falcelis taban oo liddi ku ah
ujeeddadii uu Nabaddoonku naftiisa u huray. Degdegsiinyo door ma
leh!
- In guud ahaan shacabka oo ay horkacayaan waxgaradkiisu ay u
gurmadaan baadigoobka gacan-ku-dhiigleyaasha, si degdeg ahna loo
abuuro guddi naftood- hureyaal ah oo karti iyo aqoon fiican u leh
baaritaanka faldambiyeedkaan u dambeeyay iyo kuwii ka horreeyayba.
- In loo midoobo wax ka qabashada ciddii ay ku caddaato in ay ka
dambeysay gumaadka waxgaradka, lana marsiiyo ciqaabta ay mudantahay,
si ay cashar ugu noqoto dambiileyaasha, gaashaanna ugu noqoto
waxgaradka gumaadka lagu hayo.
- In loo hoggaansamo Rabbigii na abuuray (SWT), oo laga fogaado
wixii xumaan ah ee uu naga reebay, laguna dadaalo wixii uu na faray
oo hubaal ah waxa ay badbaadadeenna adduunka iyo liibaanteenna
aakhiraba ku jirto.
Ugu dambeyntii, waxaan Rabbi (SWT) ka rajeynayaa in dhiigga nabaddoonka
ee xaqdarrada lagu daadiyay uu ka dhigo nuur iftiimiya qoborrada mugdiga
ah ah ee ay ku dhuumanayaan gacan-ku-dhiigleyaashii muddada dheer
waxgaradkii ummadaan gumaadayay.Waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhiigga
nabaddoonku noqdo mid keena midnimo,isfaham iyo iney ummaddu danteeda
garato cadowgeedana meel uga soo wada jeesato insha-Allaah.
Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2008