Waa sidee xaalka soomaalida ku nool Malaysia guud ahaan
Wadanka malaysia waxaa sanadahaan dambe ku soo badanaya soomaali, kuwaas oo
intooda badan ka yimaada dalka soomaaliya , kadib markii malaysia ey noqotay
dalka kaliya ee passaport somaliyeed visa la'aan lagu gali karo .somalida
malaysia ku nool waxa ey dalkaan ujoogaan siyaabo ama ujeedooyin kala gadisan
hadaba waa maxay ujeedooyin ka soomaliyda malaysia joogta ? . majirtaa
dhibaatooyin ey ka cabanayaa ama ey la kulmaan, mise jirtaa cid usoo dhicisa
xaquuqdooda hadii ey wax lakulmaan ? dhamaan jawaabaha su'aalahan waxaan ku xusi
doonaa maqaalkaan anaga oo qeeb qeeb uga hadli doona
Ujeedooyinka somalida malaysia joogaan
Soomaalida malaysia joogta waxa ey u kala baxaan ama ey kala yihiin sababaha ey
halkaan ujoogaan waa saddex qeybood ,
- Qeybta kooowaad waa dhalinyaro ujoogta tacliin iyo sidii ey u kordhin
lahaa yeen heerarkooda waxbarasho kuwaas oo markoodii horeba dalkoodii kaga soo
safray ujeedo tacliin kororsi ah, dhalintaa intooda badan jaamacaddo ayee kuwada
jiraan waxa ey mashquul ku yihiin daruustooda, halka kuwa kalena ey sugaayaan
aqbal ka jaamacadaha qudhoodu waxey dhigtaan collage englisha ah oo ey ku sii
suganayaa in ta ey ka aqbalayaan jamacadaha
Dhamaan heerar ka tacliinta ayee ardeydaan dhigtaan sida degree ga
(undergraduates) iyo waliba tacliinta sar(postgraduates) oo kale ah Master iyo
PHD oo ey ka diyaariyaa inta badan jaamacadaha kala gadisan ee malaysia, ayaga
oo kala dhigta kuliyado kala duwan sida computer science ama Informatoin
tecnology, Engineering (qeybihiisa la duwan ), Accounting and management iyo
faculty yo kale oo badan.
Wey jiraan ama wey dhacdaa in lahelo ardey soomaaliyeed oo laga soo eryo
jaamacaddaha dalka malaysia kadib markii ey ku dhaceen maadooyinka ey
dhiganayeen balse ma badana marka loo eego tirada ardeyda soomaaliyeed ee
waxbarata, sanadkii ugu badnaa ee tiro ardey soomaaliyeed hal jaamacad mar qura
laga soo eryo oo la siiyo warqada eryida (Dismiss litter ) waxa ey gaareyeen 7
ardey oo isugu jira wiilaal iyo gabdho sanadkaan mid kamid ah jaamacaddaha ey
ardeyda soomaaliyeed kubadan tahay, sidoo kale waxaa dhacda in la arko ardey
isga soo tagta jaamacada ha kadib markii ey ku atkaato sida ey ula jaan qaadi
lahaayeen ama ey ula qabsan lahaayeen faculty yada ey dhigtaan oo intooda badan
aan ku imaan dooqooda balse ey ku yiraah daan waalikood ama saaxiibadood waxaa
iyo waxaa ama maada iyo maadaa baro taa uuna ardeygu fahan ka haheesan waxa ey
tahay ama ardeyga aanu ka bixi karin, taa oo marka dambe keenta in uu ardeyga
isaga soo hayaamo jaamacada.
Qarashka waxbarshada dalka malaysia waa mid aad usareya marka loo eego dalal
badan ey ardeyda soomalida wax ka bartaan iyado oo taa eyjiro ayaa hadana
intabadan ardeyda soomaaliyeed waalidiintooda ka dhiibaan qarashakaan xoogan
iyaga oon laheen dowlad gacan ka siisa ama uraadida deeqooyin waxbarasho bilaash
ah marka laga reero ardey fara ku tiris ah oo ey jaamacaddaha qaar siiyeen deeq
waxbasho (Scholarship)
Sida daraaded waxaa dhacda in ey qaar ardeyda kamid ah jaamacadaha isga
sootagaan ama iska dhaafaan xili ey waalidiintooda ey dhiibayaan qarashkaan
xoogan kadibna ey walidkood ugu sheekeeyaan in ey dhigtaan jaamacad aadna
arkeysid ayaga oo gawaari ku kaxeynaya wadooyinka kuala lumpur kuna qarash
gareynaya wax bilaash ah lacagta waalidood ugu tala galay in ey wax ku bartaan
isku soo wada duub, ardaydaan dhamaantood marka aad la sheekeysato waxaad ka
dhehaneysaa in ey daacad uyihiin tacliinta iyo in ey mar uun waxbarashadooda ka
gungaaraan balse yaga qudhooda kala ah kuwa had iyo jeer ku dadaala ama maanka
ku haya sidii mar uga muuqan lahaa yeen jaamacaddaha oo ey uheli la haayeen
darajooyin sar sare iyo kuwa dadaalkoodu liito balse ey kujirto habi waxbarsho
iyo in ey heer ka gaaraan tacliinta
ugudambeyntii guud ahaan rajada ardeyda soomaaliyeed ee malaysia wax kabarata
intooda badan waa mid aad usareysa marka laga reebo tira yar oo ardeyda
eyliidato dadaalkooda tacliineed .
- Qeybta labaad ee soomaalida malaysia joogta waa dhalin iyo qoysas
uyimid halkaan arimo qaxootiga UN ka kuwaas oo intooda badan lagu soo qalday
imaatinka dalkaan oo markii hore ey soomaaliya joogeen loogu soo sheekeeyay in
uu UN ka malaysia ama Thailand ey si fudud ku qaadaan dadka soomaaliyeed balse
markii ey halkaan imaadeen la kulmeen wax kaduwan wixii ey soo maqleen eyna
xaqiid dhabta ah iyo waxa halkaan kajira uu qof kasta uu arkey.
Dadkaan dhammaan tood waxey UN ka uga diiwaan gashan yihiin in ey yihiin qaxooti
soomaaliyeed oo ku nool malaysia hadana badan kood ma helaan xaquuqaha ey helaan
qaxootiyada kale ee ku dhaqan dalkaan malaysia hadey ahaan la heed dib udajin,
shaqo u abuurid iyo inla siiyo lacag ey ku maareeyaan noloshooda.inta badan UN
kaan waxa uu qaadaa qaxootiyaha kayimid dalan kale aad iyo aad ayee uyar tahay
in laqaado dad soomaaliyeed.
soomaalida waxaaba adag sida lagu siiyo ama sida ey ku heli lahaayeen kaarka
aqoonsiga qaxootinimada, markii ayaan la iska daba wareejiyo ayaa ugu dambeyntii
la siiyaa, dhamaan somaalidaan ayaga ayaa iska dhiiba dhamaan waxyaabaha ku baxa
noloshooda hadii ey ahaan laheed cuntadooda iyo kiradooda, ayaga oo qaxooti guga
diiwaan gashan UN ka
Shirar iyo kulamo ey lahaayeen malmahaan gudiyo soomaalida ka socda ey soo
dirsadeen iyo UN ka ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii ey qaxootiga
soomaaliyed ey uheli lahaayeen dhamaan xaquuqaha qaxootinimo eyna ula mid noqon
lahaayeed dadka kale ee dalkaan qaxootiga ku ah .
kulamadaa oo waxa yaabihii inta badan looga hadlayey sida dib udajin in lasiiyo
soomaalida, shaqooyin in loo abuuro iyo in ey helaan lacago ey ku maareeyaan
qutul yoomkooda ayaana ilaa hada wax natiijo ah oo lataaban karo ey ka soo bixn
iydoo wali soconayaa kulamada ey gudiyada soomaalida la leeyihiin UNka iyo
kulamo ayaga dhaxdooda qaadanayaa. la arki doono wixii ka soo baxa kulamadaan .
Dhanka kale waxaa jira dhalin ayaga qudhooda UNka kamid ah kuwaas oo dalkaan
kusugnaa mudo aad ubadan balse ilaa hada aan wax natiijahay ka helin UN ka .
dhalintaa badan kood quus ayee ka muujinayaan UN ka waxa eyna bilaabeen iney
dalkaan ka ababaxaan iyaga oo intooda badan qabta dalalka suuriya, tukeyga iyo
gariiga si ey aga sii talabaan dalalka yurub uu taargadkoogu yahay .
Ayadoo ey sidaa tahay xaalada soomaalida qaxootiga ku ah malaysia eyna liidato
wax uqabadka UN ka ayaa hada waxaa wax lala yaabo ah in ey maalinba maalinta ka
dambeyso soo badanayaan soomaalida lagu soo qaldayo in halkaan dhaqso la iska
qaadayo .
Ugu dambey waxaan dhalinta iyo qoysas ka soomaaliyeed u sheegayaa in ey
lacagtooda iska ga soo qasaarin dalkaan eyna dhagta udhigin warar ka kutira
kuteenta ah halkaan ma joogo UN dadka soomaaliyeed wax uqabanaya ama wax ku
taraya ..
-Qeybta sadaxaad oo ah qeybta ugu dambeysa ee soomaalida malaysia joogta
waa dad uyimid arimo caafimaad iyo sidii looga daweyn lahaa xanuuno ey ka
cabanayaan .
dadkaan oo intooda bada xanuunada haya ey ubadan yihiin kuwa wax looga qaban
waayey gudaha dalka eyna adkaatay galida dalalka kale ayaa sidaa lagu soo
gaarsiiyey dalkaan oo ey fudu dahay gali taankiisa.
Bukaanadaa ayaa waxa dhibaato kala kulmaan sida ey ugu sheegan lahaayeen
xanuunada haya dhaqaatiirta ama dadka wada qudhoodu ayaan luqada aan si
hagaagsan ugara neyn taa oo sababi karta in uudictor garan waayo halka rasbiga
ah iyo waxa uu ka sheeganayo bukaan ka, marka ey usoo idlaadaa adeegyadooda
caafimaad dadkaan intooda badan wax ey dib ulaabtaan goobihii ey ka yimaadeen
halk kuwa kale ey sii joogaan ayaga oo visiha ka dhacsan yahay .
Hadaba akhristayaasha sharafta badan ee shabadkada SOMALITALK.COM waxaa idiin
soo gudbin doonaa maqaalo ka hadli doona dhibaatooyinka ey la kulmaan dhamaan
soomaalida kunool dalka malaysia hadii ey ahaan lahed ardeyda ,qaxootiga iyo
waliba dadka arimaha caafimaad ka ujooga iyo hadii ey jiraa cid xalisa
arimahooda hadii ey wax loogeysto iyo hadii qudhooda wax geystaan.
Wariye: saciid xuseen cabdi (macruuf)
E-mail: macruuf09@hotmail.com /
macruuf09@gmail.com
tel: +60173257590
kula lumpure - malaysia
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2008