SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kulanka Ciyaaraha ee u Bilowday Gobolada Puntland, tillaabo soo dhaweyn iyo Qadarinba mudan 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ( A.C.W.W ). 

Kadib bur burkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka oo dhan ka dhacay, waxyaalaha laga dhaxlay waxaa ka mid ahaa iyadoo la waayay nidaamkii iyo kala danbeyntii Bulshada dhexdeeda, taasoo wax baddan lagu arkayay magaalooyinka waaweyn iyadoo ay dhalinyaradii  u xuubsiibteen mar walba arimaha fowdada ah ama ku taxluqa shuftanimada iyo boobka. Waxaa la waayay ciddii dhalinyaradaas hagi laheyd ama maamul wanaagsan u sameyn laheyd. Dhalinyaradu meel walboo ay joogaanba kama soo haraan abaabul iyo iskudubaridid, waayo waa xoog jiraa oo soo kacaya, haddii aynan helin cid u hagta xagga wanaaga, waxaa ay gacanta u galayaan kooxo kale oo dariiq qaldan isugu dubaridata. 

Haddaba maamul goboleedka Puntland, oo runtii 10kii sano ee lasoo dhaafay isagu helay fursado baddan ayan nasiib u helin goboladii kale ee dalka oo dhan, ayaad moodaan inaanay ka faa’ideysan fursaddaas, oo haddii fursaddii ay heleen ka faa’ideysan lahaayeen, gaar ahaan xagga Isboortiga ama ciyaaraha, maanta waxey matali lahaayeen Soomaaliya oo idil, iyagoo uga qeyb gali lahaa ciyaaraha caalamiga ah.. Xitaa wax baddan waxeynu isku daynay inaanu si toos ah iyo si dadbanba ugu tusaaleyno sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen fursadaha jira, laakiin nasiibdarro cid dheg jalaq noo siisay ma aanay jirin. 

Haddaba maanta haddii la gartay bal in boorka leyska jafo, oo wax uun isboorti ah la bilaabo, waa Allaah mahadii, oo waxaan leenahay hambalyo wasaarada isboortiga ee Puntland iyo weliba ururka PDRC, oo runtii aan oran karo waa hay’ad iyadu mar walba u taagan horumarka Puntland, una baahan in lagu dhiira geliyo laguna abaalmariyo. Waxaan mahad gaar ah aan halkan uga soo gudbinaynaa wasiirka isboortiga Mudane Cabdinuur Cilmi Biindhe, oo runtii wax baddan ka qabtay sare u qaadida iyo horumarinta ciyaaraha Puntland. 

Run ahaantii ciyaaruhu ahmiyad aad iyo aad u weyn ayeey u leeyihiin Bulshada, oo waxey sare u qaadaan xiriirka ka dhaxeeya Bulshada dhexdeeda, oo sidoo kale waxa ay wataan caafimaad iyo ummadda oo wacyigoodu uu sare u kaco, sidoo kale waxaa laga sameeyaa dhaqaale aad iyo aad u baddan. Sidoo kale hadba inta meel ciyaaro laga qabto, ayeey hadba yaraadaan tirada danbiyada ama fal danbiyeedka ay ku kacaan Dhalinyarada iyo dadka kalaba. Ahmiyadda ay ciyaaruhu leeyihiin maaha wax halkan lagu soo koobi karo, oo haddii la yiraahdo halaga hadlo waa wax u baahan in laga qoro buugaaga fara baddan. 

Haddaba waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa,  reer Puntladow ka faa’ideysta waqtigiina oo kala shaqeeya wasaaradda ciyaarha sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha. Sidoo kale wasaaradda Ciyaaraha waxaan kula talin lahaa in la abuuro xiriiraddii ciyaaraha kala duwan Sida { Xiriirka Puntland ee Kubbadda cagta, Xiriirka Puntland ee Ciyaarha fudud, Xiriirka Puntland ee Kubadda koleyga i.w.m. }, runtii waa sida ugu fudud ee sare loogu qaadi karo ciyaaraha, loona soo saari karo tiro aad u faro baddan oo ciyaaro ah. Ogow mar walba ciyaaruhu iyagaa abuurta dhaqaalahooda, oo waxey u baahan yihiin oo kaliya maamul wanagaasan iyo in loo kaco. 

Hadalkeygii waa iga Intaas, ujeedadeydu maaha inaan cid gaar ah ku weeraro ama aan arimo kale ka wato, ee waa istusaaleyn iyo anigoo ay igu weyn tahay inaan arko Puntland oo heysa waddadii horumarka. 
 

Wabilaahi Yowfiiq 
 

Qalinkii: - Cabdixakiim  Jaamac jooje

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS