SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdul waaxid Khalif Dibir kama Daalo

Waxaa waayahaan saxaafada ku soo biray kooxo aad modo in shaqo la’aan uun ku kalifatay in ay qoraalada sameeyaan oo aysan jirin wax khibrad ah oo ay u leeyihiin Saxaafada maxaa yeelay waxaa batay dad Soomaliyeed oo ku nool Dalka dibadiisa oo qaato lacagaha loo yaqaan Ceyrta, taasoo ku dhiiri galisay ma shaqeestanimada, waxaana dadkaas qaar bilaabeen in ay Mihnado Madadaalo ahaan u abuurtaan sida in qaarkood isku dayaan in ay ku biiraan Caalamka Saxaafada, taasoo keentay in buuq fara badan ku abuuraan dadkii akhrisan jiray Jaraaida iyo webabka afka Soomaliga lagu qoro, waxaana intaas u dheer in ay weliba kooxahaan Shaqo la’aanta ku kaliftay in ay dhex dabaashaan Caalamka Saxaafada isku dayaan in ay marar badan ka hadlaan arimo Xasaasi ah Sida Diinta Dalka iyo Dadka soomaliyeed oo aysan ku ekeysan qoraalo madodaalo ah maadaama waxa ay wax u qorayaanba ay tahay waqti dhameys uun .

Hadaba kooxahaas waxaa ka mid ah C/waaxid Khaliif ninka la yiraahdo oo ay ka muuqato in Shaqo la’aan badani ku heysato Qurbaha waxaana horey ugu Jawaabay dad faro badan qoraaladiisa aan kala joogsi laheyn ee iska soo daba qubanaaya, waxaan bal jecleestay inaan talooyinkii hore loo siiyay ugu sii biiriyo xoogaa talooyin ah bal hadii u ka faaiidi doono.

Waxaan Akhriyay Maqaal uu ugu Magac daray Ma Dr Cumar Baa Maxkamadihii loo Caleemo Saarayaa? Kaasoo uu kusoo bandhigay feker ahaa inuu taageeri lahaa hadii ayba suuro gal noqoneyso ismagacaabitaanka Dr Cumar…. Maqaalkaas waxaa uu ahaa laba qeybood tan hore waxaa uu kaga hadlay tageero inuu u ahaayo arinta ismagacaabida Dr Cumar , tan labaadna waa kalimad gabo gabo aheyd oo uu kaga cudur daaranayay hadalo uu ka sheegay wadamada Reer Galbeedka,waxa uuna sheegay inuusan wax Col ah ama Neceyb u heyn Shucuubta Galbeedka ku nool oo waxa uu wax ka sheegay yihiin kaliya Madaxda Reer Galbedka , kalimadaas oo u muqatay inuu iloobi la’ayahay lacagaha Ceyrta ah oo uu ka qaato wadamadaas iyo nolosha qaboow oo uu kula dhex nool yahay Galbeedka, waxaa uuna Maqaalkaas kusoo gaba gabeeyay sidaan soo socota:

(F.G. Yaan la is dhihin dadka Soomaaliyeed abaal ma leh. Shaki ma leh in dadka qurbaha jooga gargaar ka helay waddamo badan oo qarbi ah. Waxaana taa kuu caddeynaya sida dadka Soomaaliyeed intooda badan u rabaan iney yimaadaan qarbiga. Laakiin waxaan ka hadlayaa xukuumadaha jira oo intooda badan dibindaabyo ku wada muslimiinta oon u ogoleyn iney diintooda isku dhaqaan.)

Waxaa C/waaxid u haboonaaan laheyd maadaama Cilmiga Diinta uu u leeyahay intaas uun uu la eg yaay inuu ka gaabsado arimaha xasaasiga ah, maxaa yeelay waxa uu iloobay abaalka uu u ogol yahay Shacabka Reer Galbedka inuu yahay abaal uu u ogol yahay Madaxda Reer Galbeedka, waayo Madaxda waxaa soo doortay Shacabka, Xumaanta uu u qiray Madaxdoodana mecnaheedu waa Xumaan uu u qiray Shacabkooda waayo Shacabka Galbeedka aygaa doortay Madaxda xun , ee hadii ay wanaagsan yihiin ama Gaalo wanaag ka imaanaayo waxa ay dooran lahaayeen Madax wanaagsan, waxaana la yiraahdaa (Gaalnimo wax wanaaga kuma lamaana ), waxaana uu illaah(cw) Qur’aanka ku tilmaamay in dhulka xun uu soo bixiyo miro xun.

Hadii aan faahfaahiyo hadalkaasna waxaan ula jeedaa inuu C/waaxid ogaado lacagaha uu ka mahad celinaayo ee Ceyrta ah ee la siiyo Qaxootiga Caalamka Islaamka ka yimid ma aha mid loo bixinaayo Illaah (cw) daraadiis ama lacago loo bixinaayo in adiga iyo kuwa kula mid ah la siinaayo in ay tahay mid Ixsaan ah , maxaa yeelay illaah (cw) kitaabkiisa ayuu noogu cadeeyay sababaha ay u bixinayaan lacagaha iyo dan ta ay ka leeyihiin , waxaa uuna noo sheegay in ay u bixiyaan si dadka Diinkooda uga leexiyaan ee ma ah Qalbi jileec iyo Raxmad gaar ah oo ay Insaan ahaan ugu hiilinayaan dadka Soo qaxay

Tan kale ee loo bahan yahay C/waaxid inuu ogaadaa waa inuusan noqon kuwii ay soomalida ka maahmaahaday oo ay tiri (doqon waa la dilaa lagana Duceestaa) waxaan ula jeedaa waxaa wax laga xumaada ah nin marar badan aan ku aragnay inu ka hadlaayo arimo waa weyn hadana aqoontiisa Diineed ay intaas la egtahay, waxay ay aheyd C/waaxid inuu aad u baarbaaro Qur’aanka intuusan Gaalo Galad uga heyn wax yar oo Ceyra ah oo ay Siiyeene, waxa ay aheyd inuu bal aad u akhriyo Qisadii Nabi Muuse iyo Fircoon markii uu Fircoon ku Galad Sheegtay Nabi Muuse (Cs) asaga oo leh soow kumaadan barnarin agteena adigoo wiil yar ah oo mudo soow nama dhex joogin… maxaa u diiday C/waaxid inuu aad ugu fiirsado jawaabta uu bixiyay Nabi Muuse (cs) oo ah inuu yiri:taas waa nimco aad iigu galadeysaneyso inaad reer banuu Israaiil gumeysatay daraadeed, maxaa yeelay reer banuu Israaiil waxaa Cadaabi jiray Fircoon oo ka dili jiray wiilkii u dhashaaba sidaas daraaded ayuu Nabi Muuse(cs) ku soo galay gacanta Fircoon markii hooyadiis ka baqday in laga dilo oo uu illaah(cw) ku ilhaamiyay ina ay bada ku rido.. arintaas waxa ay ku timid dhibaatada uu fircoon ku haayay Banuu Israaiil ee kuma Imaan hooyadii Dhashay Nabi Muuse(cw) iyo Banuu israaiilba in ay waayeen wax ay Caruurtooda ku barbaarsadaan…

Taasna waxaan filayaa inaad aad u fahamtay oo waxaan ula jeedaa Dadka Soomaliyeed ee u qaxay wadamada Galada aad u heeyso uguma Qixin jaceyl ay u qabaane waa lagu qasbay marka hore dhulkoodaa la Gumeestay, marka labaadna waxaa looga tagtay kuwa Galbeedka u adeega , marka sadaxaadna waxaa laga huriyay Dhulkooda Colaado si ay uga soo Cararaan…

Hadaba Waxaan dhihi lahaa C/waaxid qaxa loo qaxay Galbedka iyo Nicmada ay ku Galadeesteen Muslimiintaba waxaa sababay in ay ayaga u diideen Nabad iyo Nolol in ay ku joogaan Dhulkooda taasna ay kaliftay in dadkii Musliminta ahaa nolol bidaan in ay u cararaan meelo loo diyaarsaday si Caruurtooda iyo Mustaqbalkooda loo dhalan rogo ee kuma imaan in Muslimiinta Dhulkooda laga waayay wax la Cuno ama la Cabo ama Dhul la dago, sida Nabi Muusaba (cs) inuu ku hoos noolaado cadawgiisii Fircoon uu ugu qasbanaaday, waxaan filayaa hadaad waansameyso in ay waano kuu noqon karto intaas waxaanan kuugu naseexeyn lahaa inaad waqti badan ku bixiso Barashada Diinka halkii aad Ahlu diinka afkaaga ku taagi laheyd, kuwa aad eedeysaa waa kuwa Dalka iyo Dadka Soomali wax u soo bartay in ay isqilaafaana waa u Bani aadam waxana rajeyneynaa in ay timaado maalin ay heshiiyaan inshaa allaah (cw) ogoowna inaad hadasho ama wax qorto waxaa ka horeysa inaad wax barato.

Waxaan intaas kuu raacin Lahaa Nicmada laguugu Galadeestay ama aad sheegtay wanaaga ka jira Galbedka Daraadiis in ay dadka ugu soo qaxayaan wadamada Reer Galbeedka in arintaasna wax ku jiraan waxaana haboonaan laheyd inaad bal wax ka aqriso webabka aad wax ku qorto waxa ay ka qoreen dhibaatada Soomali gaar haan ku heeysaya wadamada Reer Galbeedka ee aysan taas kaa mashquulin hadii naftaada ay nabad kuu heshay ayadoo walaalahaa dhibaato ku heysato hareerahaaga.

Tusaale ahaan webka la yiraahdo www.somalitalka.com ee aad wax badan ku qortaa waxaa ku jira bagag dhan oo uu kaga hadlo dhibaatooyinka Soomalida ku heesta Caalamka ay u qaxeen oo ay ugu horayaan kuwa Reer Galbeedka hadii aad waqti ku bixin laheyd inaad akhrisato bogagaas waxaa hubaal ah inaad ka soo Guuri laheyd adigoo la baxsanaaya Naftaada iyo Caruurtaada hadii aad Caruur leedahay .

Weli magashay boga ah http://somalitalk.com/qurbe/index.html  ee ma tirisay inta ruux oo Soomali ah ee lagu wax yelay Galbeedka ama ku wax yeloobay markii la badalay Aadaabtii Diintooda iyo Dhaqankoodii wanaagsanaa ee Soomali, hadii aadan weli fiirin intii aad ku mashquulsaneyd wax ka sheegida Culimada iyo aflagaadeyntooda waxan kuugula talin lahaa inaad wax badan akhriso intii aadan wax badan ku hadlin ama qorin.

Waxaa lagu Maahmaaha (Aamusku waa nabad) waxaa qof walbaa u wanaagsan intuu Ceebo dad tirtirin lahaa ama dad Ceeb u raaraadin lahaa aan wax gaar ah oo lagu ceeeeyo ka muuqan inuu marka hore Ceebihiisa fiiriyo, marka C/waaxid waxaan isleeyahay waxaa ku wanaagsanaan lahaa intaadan dad ceeb ka Sheegin inaad Ceebahaaga ku mashquusho, wax badana waxaan arkay dad kuu naseexeeyay oo kuu tilmaamay gafaf aad ku gashay qoraaladii aad iku mashquulineysay intii aad howl la’aanta aheyd ee ku waano qaado hanoqon kuwii Soomlida ku tilmaantay doqonta oo ay ka tiri:(Doqon Dibir kama Daasho).

Waxaa Soo Diyaariyay Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com 


Hadii Culimada Gurbaanka Garaacato (DrCumar)

Caamaduna Waa in ay Qoobka ka Ciyaartaa

Maqaalkaan waxa uu Jawaab u yahay ninka la yiraahdo C/waaxid Qaliif oo buunbuuniyay Ismagacaabitaanka uu sameeyay Dr Cumar Iimaan oo Shegatay inuu yahay Gudoomiyaha Goloaha Maxaakiimta......

Waxaa waayahaan dad badan oo aad ula socda xaalada ka jirtay Soomaliya mudooyinkii la soo dhaafayba indhaha aad ugu hayeen kooxaha Culimada eek u soo biiray Saaxada Soomaliya sanadihii la soo dhaafay iyo sida ay u dhaqmayaan, waxaana dad badan maleeyeen in Culimada wax badan kaga badalnaan doonaan kuwii hogaamiya kooxoodka, laakin malahaas waxa uu noqday mid lagu hungoobay markii guulaha isdaba jooga ahaa illaah gaarsiiyay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed, waayo waxaa soo ifbaxay in Culimada ku bahoobay Golahaas aysan wax Nidaam ah laheyn ama Siyaasad guud oo mideysa , taasna waxaa tusaale fiican loogu qaadan karaa hadaladii isgafgafsanaa iyo dhaqamadii isqilaafsanaa ee ay kooxahaas ku kici jireen ka hor intii aysan Xabashida Caasimada Soomaliya qabsan.

Waxaana tusaale labaad loo qaadan karaa kala jabkii ku yimid Maxaakiimta markii dalka la qabsaday ka hor intii aan la dhisin Isbaheysiga Asmara lagu dhisi jiray ee loo yaqaanay Isbahesig Dib u Xoreynta kaasoo ay ku bahobeen qeybo badan oo ka mid ah Bulshada Soomaliyeed, xiligaas waxaa soo muuqday maxaakiimta in ay u kala jabtay Alshabaab iyo Maxaakiimta taasoo ka yaabisay dad badan oo aaminsanaa in ay Culimada ku waansamayaan Khaladaadkii ka dhacay intii aan Dalka Gumeysiga qabsan, laakiin waxaa ka muuqatay in aysan wax Caqli iyo khibrad ah ka kororsan …

Waxaase layaabka kii ugu weynaa la arkay Marakii uu qilaafka soo kala dhex galay hogaankii sare ee Golihii Maxaakimta ee wada joogay Magaalada Asmara kana wada tirsanaa Isbaheysigii Dib u xoreynta, waayo waxaa la aaminsanaa in Hogaanka sare ee Maxaakiimta wax badan ka duwan yahay kooxda Alshabaab oo aheyd koox dhalin yaro ah oo aan laheyn Cilmi iyo Khibarad ku filan la yaabna ma laheyn in ay ku dhawaaqaan in ay ka baxeen Maxaakiimtii oo ay dhisteen Kooxda ay u bixiyeen Alshabaab, laakiin waxaa wax laga naxo lalana yaabo noqontay Dad Cilmi iyo Cimriba illaah siiyay hadana aan marna ka faaiideysaneyn, waxaa la yaab noqotay in ay xalin waayaan Qilaaf ka dhashay kala aragti duwanaansho kaliya ee aan Diin ahaan wax gaf ah oo xaga Manhajkaa leesku Qilaafin, waxaa la yaab noqotay habkii ay u buunbuuniyeen Qilaafkaas oo ay u gaarsiiyeen in ay qaarkood qaarka kale tuhunsadaan Diinkooda ayadoo aysan muuqan wax Diinka wax u dhimay oo leesku qilaafay, waxaa layaab noqotay inuu Sh Xasan Daahir Sheegto inuu eryay Sh shariif isla markaana asaga la wareegay xilkii uu uammada u haayay…..!!

Waxaase waxaas oo dhan ka sii yaab badan inaan aragno Caalimkii Ummada Dr Cumar Iimaan oo arinta Qilaafka la tarax tagtay, inaan aragno Caalimkii Ummada oo fatwadiisii ka dhigay mid u dhiganta shrjaraaid oo ay soo saareen Garabka Asmara , waxaa la yaab iyo dhakafaarba noqotay in hadana uu Caalimkii Ummada noqdo wakiil ka socda labadii garab ee isqilaafsaneyd mid ka mid ah halkii looga baahnaa inuu kala dhex galo oo kala saaro waxaa la arkay Dr Cumar oo Hogaaminaya Kooxdii Asmara ku hartay wafdigii uga qeyb galayay Heshiiskii Sanca ee lagu dhex dhexaadinayay labadii garab, waayo waxaa loo heestay marka u fatwooyinka ka soo saarayay Kooxda Jabuuti u guurtay inuu ka yahay Qilaafkooda dhexdhexaad oo Fatwooyinka isdaba jooga ah uu soo saarayay ula jeeday inuu Cadeeyo Diin ahaan Cida ay ula muuqatay in ay qaldan tahay asaga oo dhexdhexaad ka ah labada Qoloba, maxaa yeeley suura gal maha inuu ruux isku noqdo Xakam(garsoore) oo fatwooyin qolo ka soo saaro iyo inuu noqdo khasam (Mudac) oo ka socda qolo ka mid ah kuwa la maxkamadeynayo hadii xal la raadinaayo ama Muslimiin isqilaaftay lakala Xukminayo..

Wax aan la fileynin waxaa noqday Xakamkii(garsoorihii), Khasamkii (mudacii)inuu hadana noqdo Murashax jago uu heesto ruux uu ka fatwoonayay si uu u muujiyo inuu Diin ahaan gafsan yahay, waxaana dadbadan anfariir iyo la yaaba ku noqotay in ay maqlaan kooxdii uu sheekha u fatwoon jiray ayaa u dooratay inuu la wareego jagadii Sh Shariif oo u marar badan ka soo saaray fatwooyin uu ku dhaliilayo Heshiiska jabuti oo uu horkacay Sh Shariif, waxaa la yaabka ugu weyn ah sidee ruux aad mar ku noqotay Garsoore, marna ku noqotay Mudace hadana ugu noqon kartaa mid isu sharaxa jago uu ku magacaaban yahay?!!

Waxaan suaali lahaa Dr Cumar weligaa ma maqashay ruux hal mar isku ah Garsoore, Mudace hadana Murashax booska ruuxa uu maxkamadeynayo?

Hadii ay arintaas shareecad meel ku leeahay waalagaaga fadhiyaa inaad Diinta meel uga raadiso, hadii kale waxaad ogataa Fataawidaada oo la tixgaliyo maantaa u dambeysa maadaama Cidii aad isqabataan aad rabto inaad Garsoore iyo Mudacba adiga ku noqoto kadibna aad jagadiisa isu sharaxdo.

Waxaa lagaaga fadhiyaa bal inaad nagu qanciso hadii adigoo Caaliimka ummada laguu heestay aad saas u dhaqmeysid maxaa laga sugaa Caamadana in ay sameyso, waxa carabta ku maahmaahdaa Hadii kan guriga u weyn Durbaanka tumo Caruurtana waa in ay Dheeshaa, taas macnaheedu waa in Soomalidii ku tartami jirtay Aduunka ee Caamda aheyd ay gar u leeyihiin in ay ku tartamaan maadaama Aduunyada xataa Culimadii wareerisay oo ay ku tartankeeda Caamada ka daran yihiin

Waxaa lagaaga fadhiyaa inaad noo faahfaahiso sidii looga badbaadi lahaa waxii aad ku qortay kitaabkaagii aad ugu magac dartay Ciziga Ummada waxa uu ku jiraa Kalimadooda oo Midoowda,waayo waxaad kitaabkaas ku cadeysay Ummad hadii ay isqilaafto waxaa ku xiga in ay isdisho oo dagaal ka dhex dilaaco...

Waxaana lagaaga fadhiyaa inaad noo sheegto Afarta qolo ee aad ku sheegtay kitaabkaaga in ay u qebsamaan dadka marka ay isqilaafaan adiga qeybta aad ka tahay.

Hadii aan qaar kaa xasuusiyo Cinwaanada Kitabkaagaas waxaa ka mid ahaa :

1-Hadaf jihaadka ma xaqiiqoobo ayadoo lees qilaafsan yahay bog 37

2-Anaga waa isqilaafnaa Cadawgeenana waa midoobaa Bog 42

3-Faaiido lagama doono shey khasaariya maalka Asalkiisa Bog 46

4-In la sii joogteeyo qilaafka waa Macsiyo kale(dambi kale o qilaafka la mid ah) 47

5-Naftaada ha u qirin in ay kuwa kale ka fadli badan tahay 49

6-Qilaafka gudaha Ummada waxa u ka weyn yahay kan dibada Bog 68

7-Qilaafka ma wax aan Dagaal aheyn ayaa ka dambeeya Bog 71.

Ma is leedahay waxaad qilaaftay waanadii aad ku qortay kitaabkaagii oo ad kaga digeysay qatarta qilaafka leeyhay iyo Natiijada ka dhalan karta?

Mise waxaad ku qortay kitaabkaas qaarkood waxa ay kaa aheyd fekrad aadan adiga aaminsaneyn laakiin aad soo bandhigeysay kaliya?.

Diyaarse ma u tahay in illaah hortiisa laguugu weydiiyo talabooyinkaan aad qaaday wixii ka dhasha?

Maxaa yeelay qilaafkaan aad horjoogtaa hada waa ka gun weyn yahay kii u dhaxeeyay Isbaheysiga hogaankiisii, maxaa yeelay Isbaheysiga waxaa qilaafkiisa ku koobnaa Dalka dibadiisa oo waxa uu ahaa mid siyaasadeed, qilaafkaan aad hada abuurtayna waxaa muuqata inuu u gudbi doono Dalka gudihiisa sida aad sheegteena waxaa gudaha ku qaban doontaan Shir aad ku sheegteen Shirweyne ay yeelaneyso Maxaakiimta, marka ma dareensan tahay qatarta aad horjeegaha u tahay iyo miraha kazoo bixi kara?

Hadaba madaama aad sheegatay inaad adiga Gudoomiyihii Golaha Maxaakiimta tahay waxaa lagaa sugaa inaad badalaad ku sameyso labadii Gudoomiye ku xigeen Sh C/maan janaqoow iyo Sh C.qaadir Cali Cumar, waayo waxaa uu Sh C/maan janaqoow si toos ugu feker yahay Sh Shariifka aad adiga booskiisa isu magacaawday, Sh Caqaadirna waxaad aad ula socotaa mowqifkiisii ku aadanaa qilaafka iyo go’aanadii uu ka soo saaray Shirkii Jalalaqsi in ay ka muuqatay inuu si dadban ugu feker yahay Sh Shariif , hadii aad talabooyinkaas qaadana waa inaad u bareetay dhibaato kale oo kasii weyn tan aad hada faraha la gashay inaad abuuri doontid.

Mida kale uu ku saabsan Shirweynaha uu sheegay Xasan Mahdi(afayeenkaaga Mustaqbalka) muxuu kaga duwan yahay ama kaga fiican yahay kii ay isugu yimaadeen madaxdii Mujaahidiinta Maxaakiimta oo gaareysay 58 fadhiyayna 5Maalin oo uu soo abuubulay Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Maxaakiimta Sh C/qaadir cali Cumar, isla markaana ka soo sareen qodobadii wax ku oolka ahaa waloow ay muuqato inaad derbiga ku laadeen?

Muxuuse soo kordhin karaa Shir noocaas ah hadiiba uu kuu qabsoomo oo aan aheyn inaad kala jebin ku sameyso Mujaahidiinta safka ku wada jira?

Mise Shirkaas waxa uu noqon doonaa mid la mid ah kuwa aad hada ku magacaawdeen Sh Xasan Daahir iyo kana aad hada adiga isku magacawday oo ah shir ka dhacay meel aan loo jeedin ayna ka soo qeyb galeen dad aan la aqoonin ka dibna warbaahinataad u sheegi doontaan inu qabsoomay shir aad u weyn oo u ka dhacay gudaha Soomaliya?.

Marka ma is weydiisay hadii Cilmigaagii Mansabkaagii iyo Jagadii Gudoomiye ku xigeenka Golihii Shuurada iyo Khibradaadiiba wax wanaag ah keeni waayeen maxey soo kordhin kartaa Gudoomiye Maxkamadaha oo ismagacaabay adigoo ah oo wanaag ah?!!

Waxaan kugu waanin lahaa warkii xalay ka soo yeeray Sh maxamaed Maxamuud Cali taliyaha kooxda Raas Kambooni bal inaad si fiican u dhuuxdo, oo aad isweydiiso yaa Mujaahidiinta niyad jabkaas iyo kala burburkaas ku keenay hadii aysan ismagacaabidaada aheyn iyo buunbuuninta aad buunbuunisay qilaafkii kaala dhexeeyay Gudoomiya Isbaheysiga Sh Shariif Sh Axmad…..

waxaa diyaariyay Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com


Magaca Maxaakiimta Kooxdiii Ka tagtaa

Waa Diin Qolofkiisii ka Dhex Baxay

Maxaakinta islaamiga Soomaliyeed marka la maqlo dadka Soomaliyeed waxaa xusuustooda usoo daddaga dadaalkii ay ku bixiyeen la dagaalkii Isbaarooyinkii Mooryaanta ku kala xirantay sanado faro badan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaa kaloo aad dadku u xasuustaan Lixdii Bilood ee ay ka talinayeen Magaalada Muqdisho iyo Howlihii taariiqiga ahaa ee ay ummada u qabteen sida Nadaafinta Magaalada, Furitaanka Dekeda ,Furitaanka Erebooeka, Dib u Dhiska Xarumihii Dowlada, Furitaankii Wadaooyinkii xernaa 16ka Sano, iyo hogaan u qalma hogaamin oo horjooge u ahaa Maamulkii Maxaakiimta kaasoo soo jiitay Shacabka Soomaali meel walba ha joogaane, iyo Jihaadkii ay la galeen Gumeysiga Xabashida, arintaasoo sababtay Maxaakiimta in ay noqoto Maamulka kaliya ee ama Kooxda kaliya ee Soomali u dhan tahay heeystana kalsoonida Shcabka Soomaali.

Sidaa darteed Magca Maxaakiimta waxa uu noqday Magaca ugu taageerada badan ugu wanaagsan ee looga rajo qabo in ay Soomaali Dib u Xoreeyaan kana Dul qaadaan heeryada Gumeysiga, hase yeeshee waxaa muuqaneysay in Magacaas Caanka baxay uu dhibayay qaar ka tirsanaa Kooxihii ku bahoobay Golihii Maxaakimta Islaamiga Soomaliyeed oo ka koobnaa ilaa 12Kooxood , waxaana lix ka mid ah ahayeen Maxaakiimtii ku midowday Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Muqdisho kuwaasoo ahaa laf dhabarta ay ku taagan tahay Maxaakiimta Islaamiga ee Maanta Jihaadka ku jirto, lixda kalana waxa ay ka yimaadeen kooxo ay ka mid yihiin AlShabaab oo ahaa xiligaas hadaf Sahlan u ahaa kooxaha Ashaado la dirirka waxaana Maxaakiimta u noqotay gabaad ay kaga gabadaan cadawgii kusoo dhiibay Qandaraaska iyo kii kusoo qaatay Qandaraaska lagu ugaarsanayay, waxaa kaloo ka mid ahaa Mucaskarka Raas Kambooni oo xiligaas ka hor ahaa Mucaskar gaar u go’an oo asagana hadaf kale u ahaa Cadawga Muslimiinta taagnaana meel cid la ah….hase yeeshee markii ay kusoo biireen Golihii Maxaakiimta waxa ay heleen hiil iyo Gaashaan ay kaga gabadaan Cadawgoodii ugaarsanayay waayo Maxaakiimta waxa ay heysatay taageerada Shacabka Soomaliyed weyna ka gun weyneed hal koox iyo kooxo yaryar , xaga siyaasadana waxa ay heysatay hogaan aad loogu qanacsan yahay oo si wanaagsan ula tacalay warar ay faafinayeen Cadawga Muslimiinta si ay u kala qoqobaan Muslimiinta danahoodana uga dhex fushadaan .

Markii ay Maxaakiimta Guuleysatay waxaa qaar ka mid ahaa Xubnihii Golaha Maxaakimta ku Bahoobay Bilaabeen in ay ka dhex baxaan harkii ay kaga jireen qoraxda, gabaadkii ay ka galeen Cadawgii Musliimiinta ayagoo isbidayay in ay gaareen Marxalad ay isku filan yihiin awoodna u leeyihiin in ay gaar u istaagaan haba ugu horeeyaan Alshabaab oo si cad u sheegtay markii Dalka la qabsaday ee loo guuray Magaalada Jilib in aysan aqoonsaneyn Maamulkii Maxaakiimta oo uu burburay loona baahan yahay in hada la dhiso Maamul Cusub, taas oo laga yaabo dadka qaar in aysan garan ula jeedada ka dambeysay iyo danta laga lahaa, maxaa yeelay waxa ay dad badan oo Maalintaas joogay Magaalada Jilib u qaateen in hadalkaas ku hadleen dad ayaga isu raba jagooyin laakiin waxa xaqiiqdu tahay hadii Maalintaas laga ogolaan lahaa in la dhisto Maamul waxa ay soo jeedin lahaayeen oo kale in la badalo Magaca Maxaakiimta waayo waxa ay u arkayeen in Magacaas noqday Magaca tusiya Astaan Soomali leedahay waxana la og yahay dadka qaar waxaa ka dhaadhacsan in aysan ku hoos noolaan magac aysan Xarako ahan gaar u laheyn, arintaas ah in ay kooxihii ku jiray Golihii Maxaakiimta qaarkood diidan yihiin Magacii Maxaakiimta waxaa kaloo kaaga filan waayahan daacaayada ay ku fureen ayaga oo leh Maxaakiimta waa burburtay taasoo keentay in qaar kale oo ka Tirsanaa Golihii Maxaakimtii lagu qanciyo in ay arintaas sax tahay, aayada oo la ogyahay in Maxaakiimta tahay awooda ugu sareysa ee ka jirta Soomaliya isla markaana ah Magaca kaliya ee Soomali ka gadmay welina heesta taageerada Shacabka, waxaana arintaan aad usoo shaac baxday Markii la qabsaday Magaalada Kismaanyo taasoo Tuseysa in kooxahaas is bideen isku filnaan ayaga oo iloobay in ay ka hoos baxayaan Geedkii Harka weynaa( Shacabka) Maadaama ay heleen Xarun ay saldhig ka dhigtaan iyo waxoogaa dhaqaale ah waayo waxaa mudan in ay dib u xasustaan Maalintii uu illaah(cw) ugu hiiliyay taageerada Shacabka Soomaliyeed oo dhamaantood Muslimiinta ah, waxaana weliba xasuusin mudan in qaar ka mid ah kooxahaan ay hada soo saareen Fatwooyin( waloow aysan gaarin in ay fatwoodaan) ay ku sheegayaan Beelaha qaarkood in dhiigoodu banaan yahay iyo deeganada Magaalada Muqdisho dadka ku nool taasoo ay muuqato in ay ku Jizaarayaan Sahacabkii Muqdisho iyo dhamaan Beelaha Soomaliyeed ee taageeray Xiligii Isbaheysigii Sharta Dagaalka Soo qaaday .

Dhanka kalana waxaa fekerka lagu burburinaya Maxaakiimta lagu qanciyay Sh Xasan Turki oo loo heestay inuu dhaqi doono wixii gaabais ah ama gaf ah ee jira isla markaana yahay Odey jooga Saaxada oo xataa laga sugaayay inuu isu keeno Maamulkii Golihii Maxaakiimta ee joogay Dibada oo siyaasad ahaan waxoogaa qilaaf ah soo kala dhex galay laakiin waxaa muqata inuu Mashaakiilka dhinac ka noqday siina kordhinaayo kala taga Mujaahidiinta, waxaana uu si cad ugu sheegay wareysi u siiyay Qolalka Soomalida ku leedahay Netka inuu dib ugu laabtay Magacii Raaskambooni asagaoo hadana sheegay inuu Mujaahidiinta shir lagu Mideynaayo qaban doono , waxaa dadku isweydiinayaan Sh Xasan wejiyo badanaa waxaa goordhaw uu ka lahaa Idaacadaha Muqdisho ma burburin Maxaakiimta waxaana ka mid nahay Maxaakaiimta maxaa isla Usbuuc gudihiis hadana ku kalifay inu buriyo warkiisii wanaagsanaa?

Soow taas ma tuseyso in ay jiraan dibin daabyooyin qarsoon oo hoos laga wado lana doonaya in Magacii Maxaakiimta lagaga taqaluso?.

Maxeeyse tahay Faaiidada ay ka guran karaan hadii ay ka baxaan magacaas oo aan aheyn in ay kala geeyeen Mujaahidiintii?

Soow taas macnaheedu ma aha in Kooxda Alshabaab iyo Kooxda Raas kambooni ismahadiyeen markii la qabsaday Kismaanyo oo ay heleen sida ay aamin san yihiin Markaz u madax banaan, iloobeena walaalnimadii iyo faaiidadii laga gurtay wadajirkii Shacabka iyo Culimada dhex maray?.

Waxaan hadaba Maqaalkaan kusoo gabagabeynayaa inaan ugu baaqo Culimada Maamulka Maxaakiimta in ay ku baraarugsanaadaan qatarta laga wado Dalka gudihiisa oo ah in maanta loo golgoldhigaanaayo markii ay soo dhawaatay guusha in miraheeda si gaar ah loo gurto islamarkaana meesha laga saaro kuwii usoo kifaaxay una jihaaday in ay dhibaatada ka saaraan shacabkoodii la hareer taagnaa taageerada hiilka iyo hoogaba laheyn, hadii aysan Maamulka sare ee Maxaakiimta ku baraarugin qatarta soo muuqata kana hortagin si cad waxaa muuqata in Shacabkii Doortay isla markaana ka sugaayay in heeryada Gumeysiga ka dulqadaan ay maanta halis ugu jiraan in ay gacanta u galaan kooxo Dhiigooda iyo Maalkoodaba aan u tureyn , kooxo ay u fududahay in Muslimiinta Gaalo ku xukmiyaan si dhiigooda u baneestaan , kooxo markii horeba aan ku soo galin saaxada si toos ah laakiin Daladii Maxaakiimta Shacabka dhistay shaarka la soo gashaday.

Waxaana Maamulka Maxaakiimta laga sugaa in ay badbaadiyaan Shacabkoodii Masuuuliyada u dhiibtay waxaana Maalinta Qiyaame laga su’aali doonaa Mas’uuliyadaas maxaa yeeley ayayga ayay doorteen Ahlu xali_ wal caqdiga Soomaali oo Mas’uul u ah.

Si gaarhna Mujaahidiinta Maxaakiimta waxaa la gudboon in ay ogaadaan dibindaabyada lala maagan yahay iyo qatarta kusoo fool leh gaar haan shirka la adoonayo in lagu kala furfuro Maujaahidiinta ee ay hooska ka wadaan kuwii bilaabay in qilaaf abuurmo ayaga oo raba in magaca Mujaahidiinta ku beer laxawsadaan maujaahiinta Maxaakiimta, waxaana loo baahan yahay hadiiiba la midoobayo in leesugu yimaado magacii awalba lagu mideesnaa Sahacabkana taageersanaa Soomaalida meel ay joogtana ka gadmay oo maanta la dhihi karo waa magaca ugu shacbiyad badan una taagan Difaaca Diinta Dalka iyo Dadka waayo waxaan aragnaa kooxahan hada isu muujinaya in ay magaca mujaahidiinta shirku abaabulayaan waa kuwii xeray Eroboorkii Shacabka Muslimiinta ah ee Soomaliyeed adegsan jireen, waa kuwa jidadka la taagan in ay Gaaleysiiyaan Madaxdii Maxaakiimta, waa kuwa Masaajida Xamar ka wada kalimaadka lagu kala geynayo Mujaahidiinta Qabaailkii taageray ama dhistay Maxaakiimtana lagu bartilmaameedsanayo, marka waxaa magac idin kugu fuilan inaad Muslimiin tihiin marka hore marka labaadna inaad Mujaahidiinta Maxaakiimtii Islaamiga Soomaliyeed tihiinee taariiqda Soomali iyo tan Caalamkaba kaalinta wanaagsan ka gashay ee yaan leydinku Beer laxawsan Shir Mujaahidiin ayadoo loo dan leeyahay in la idinku kala geeyo.

Waxaa diyaariyay Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.cm

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS