SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulka Puntland iyo Cadhudhinta Wariyaasha...

Bosaaso:-Maamulka Puntland ayaa caadaystay Xanibaada iyo Cabudhinta Saxaafada Xorta ah, Laba wariye oo ka tirsan Warbaahinta Xort ah ayaa waxa loo soo diray Fariimo Hanjabaad ah kuwaasi oo loogu digay inay Joojiyaan warraka ay ka qorayaan Gudaha Puntland, iyaga oo waliba Amar Buuxa lagu siiyay inay ku Hadlaan Afka Dawlada Puntland hadii kale lala teegsandoono Xadhig dheer.

Labadan wariye oo aanu Hoos Magacyadooda ku soo Gudbindoono ayaa loo soo diray Hanjabaadyo dhawor ah waxa la faray in ay Joojiyaan shaqadooda, Maamulka Puntland ayaa inta badan Afka Gacanta ka saara Saxaafada Xorta ah iyaga oo had jeer iyo Jecel in la qariyo Runta Jirta, Xukuumasa Puntland, ayaa waxay kaloo wariyaasha Xorta ah u sheegeen in ay Isu soo dhiibaan Maamulka Puntland.

Qoraalkan oo ay soo saartay Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa si Cad loogu sheegay inay Puntland doonayso in la Qariyo Xaqiiqda isla markaan wariyihii Run sheega la xidhayo, Wasaarada Amniga Puntland ayaa Warkeedaasi ay soo saartay Maanta Nov. 06,2008- ku qeexday inay Jiraan wariyaal badan oo warar siiya Idaacaha Koonfurta, Loona digayo wariyihii warsiiya, Idaacad ku taala Koonfurta Somaliya la xidhayo.


Wariye Maxamed Axmed Ciise

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ C/Saaq Sheekh Aduun oo haatan hawlo shaqo u Jooga Magaalada Bosaaso ayaa Falkaasi Canbaareeyay isaga oo sheegay Gudoomiyuhu inay Saxaafadu tahay Xor isla markaan aanay jiri karin qof is Hortaagi kara.
Sheekh Aduun ayaa dhaliilay Falalka lagula kaco wariyaasha, isaga oo ka digay inay Maamulada Qaarkood si sharci daro ah ku xidhaan Wariyaasha.


Wariye Jaamac Feyte

Hoos ka eeg Qoraalka ka soo Baxay Wasaarada Amniga ee Loogu digayo Wariyaal Madax-Banaan.

Jaamac ayaan feyte
Mohamed Axmed Isse

Waxaa halkaan digniin kama dambays ah idiin soo diraya Xoghayaha guud ee Wasaarada Amaanka puntland.

kadib markii aanu aragnay waxyaabo badan oo aad ku soo daabacdeen pageska aad wax ku qortaan oo aan waxba ka jirin oo aad ku khalkhalinaysaan amaanka puntland oo aanan garanayn waxaad uga danleedihiin.

Kadib Markii aanu aragnay inaan khalad ka fahanteen xoriyada Saxaafada.
Kadib Markii aanu aragnay in cidkale kale oo Puntland kasoo horjeedaa idin ku shaqaysanayso

Kadi Markii aanu aragnay inaad warar udirtaan wesites kale oo puntland laga lahayn kuna farxa khalaankhalka puntland. sida dayniile.
Kadi markii aanu in badan idiin fiirsanay nacayka aad u qabtaan nabadgelyada Puntland.

kadib Markii aad umalayseen inaad laydin aqoon oo aad waxaad doonto samyn kartaan wasaaradana laydinka yaqaano.

Kadib markii la waayey ila xaqiq ah oo aad wararka ka keentaan & dhacdooyin xaqiiq ah.

Kadib Markii wasaaradu idinku daba joogtay Danbiya hore oo kabaxsan beenta aad qortaan.


Waxay wasaaradu idiin soo dirtay qoraalkan hoos ku cad:

Waxaad ogaataan Marka hore in Maamul jiro oo xaq uleeyahay inuu wixii amaan xumada ka shaqaynaya qato,waxaana laydiin sheegayaa laadiina wiil hadii aydaan kabixin waxyaaba aad ku qortaan pageska in laydin qaban doono,oo maxkamad laydin la tiigsan doono.Gaar ahaan wiilka wax ku qora Lasqoray.net iyadoo kan kalena uu ka copiyeyo wuxuu qoru oo aad ku heshiiseen inaad amaanka khalkhal gelisaan.

Dacwadiinana waxaa wasaarada lasoo hordhigay ilaa sadex jeer Marakana waa markii ugu Damaysay.

waxaad is moodeen inaan laydin,waxaa xaqiiq ah oo laydiin sheegayaa in dad laydinku badiyo,oo qaashadiinu ay ka fududtahay 10 minuties.

Waxay dowlada idin soo jeedinaysaa inaad joojisaan waxaad wadaan oo aad weliba raali gelin aad pagagkiina ku soo daabacdaan qortan,mudo 4maalmood gudhood ah.hadii kale aad mutaysan doontaan ciqaabta aad xaq uleedihiin.


Faarax cabdi cali
Ayaa ku Saxeexan.
Xoghayaha labaad ee wasaaraada amniga Puntland

Feyte37@hotmail.com
Ku soo dir Cabirkaaga ku aadan Cabudhinta Saxaafada


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS