SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa  Ka Soo Baxay Safaradii Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa

Wafdiga ka kooban 7-xubnood, islamarkaana uu hogaaminayo Gudoomiyaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo degey Garoonka caalamiga ee caasimada dalka jabuuti abaaro kowdii Duhurnimo 07/11/2008.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Xog-hayaha Warfaafinta Axmed Cabdullaahi, kan Wax-barashada Dr. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Dr. Daahir Maxamuud Geele, Xasan Macallin Maxamuud xubin ARS iyo Xohaynta Gudoomiyaha Muuse Abiikar ayaa ka soo kicitimey Xarun Goboleedka Gobolka Hiiraan, waxayna booqashooyin kala duwan kusoo kala bixiyeen Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, islamarkaana kulamo kala duwan la soo qaatey, qaybaha Bulshada deegaanadaasi iyo xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Is-bahaysiga ee ku sugan Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda waxyaabihii ay kula soo kulmeen warbixino ay ka siiyaan xubnaha Golayaasha Is-bahaysiga ee jooga caasimada dalka Jabuuti oo xarun u ah xiligan, Garabka Jabuuti, inkastoo aysan wali wax war ah si guud aysan u siin saxaafada.

Xog-hayaha Arimaha gudaha Is-bahaysiga Col/ Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ahaa xubnihii hore uga dhoofey Jabuuti ee la socdey Gudooomiyaha ayaa kusoo harey Gobolka Hiiraan, iyadoo aan wax faah faahin laga bixin, balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in 10/11/2008-da, ay shir isugu imaandoonaan gudiyadii Amniga ee dhinacayada Is-bahaysiga iyo Dowlada, lama oga in uu ka soo qayb galidoono iyo in kale shirkaas.

Dhinaca kale Gudoomiye Sheekh Shariif iyo ku dhowaad 20 xubnood oo hore uga dhoofey Jabuuti ayaa waxay ka qayb galeen shirkii Urur Goboleedka IGAD uu isugu yeerey DFKMG golayaasheeda, kadib markii ay martiqaad ka heleen IGAD iyo UN-ka oo dowladaha dunidana ay goobjoog ka ahaayeen, halkaWarar kale ay sheegayaan in maalmaha soo socda la filayo shir aan wali si rasmi ah loo shaacin ujeedadiisa, in lagu qaban doono caasimada dalka jabuuti, islamarkaana ay ka soo qayb galidoonaan, qaar ka tirsan Aqooonyahano Soomaaliyeed, balse lama oga cida qaban qaabineysa iyo inta maalmood uu socon doono shirkan.

Hase ahaatee shirarka kala duwan ee loo qabto qaybaha Soomaaliya ayaa marka si qoto dheer loo eego waxaa kuu soo baxaya sawir ah, ruux ku lebisan khamiis qurux badan oo leh in ka badan kun jeeb, madaxana ku sita Koofiyad Buluug ah oo ay ku sawiran tahay xidigtii cadey ee shanta gees, jeebkastana uu ka soo jeedo gacan dhowr iyo toban nooc oo walxa bani’aadamka dhibaatada u keena wadata, islamarkaana ay ka soo burqaneyso dhiig daadanaaya, taasina waxaa cadeyn kuugu filan, qaybaha horboodaya Bulshada Soomaaliyeed wali ma garan, in ay iska bixiyaan Khamiiskaas jeebabka badan ee bulshada Soomaaliyeed dhibaatada u keenaya oo ah danaha beesha caalamka waxa lagu sheego, laakiin inta laysla fahmayo ayaa wuxuu qaadandoonaa waqti badan.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008


Sheekh Sharif Iyo Waftigiisii Oo U Duulay Dalka Djibouti Kaddib Kulamo Ay La Yeesheen Dadka Reer Hiiraan


Wafdigii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinkan dambe ku sugnaa gobalo katisan bartamataha soomaalia ayaa maanta halkaasi ka duulay kaddib kulamo ay la yeesheen waxgaradka iyo masuuliyiinta maxkamadaha ee gobolada shabeelada dhexe iyo hiiraan.

Waftuga Shariifka oo dhawaanahani ku sugnaa Magalada Baladweyne ayaa waxaa halkaasi ay wadatashiyo iyo kulamo kula qaateen dad farabadan oo ay kamidyihiin odayaal,waxgarad iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadaha sida ay xaqiijiyen dad ku dhaw dhaw waftigaasi.xubnahan ayaa ayaa ka duulay garoonka Ugaas Qaliif ee magalada Baladweyene waxaana ay wararku sheegayaan inay u kicitimeen magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Xubnahaasi oo 7 xubnood ka koobnaa ayaana sheegin sababta deg dega ah ee keentay inay ugu duulaan wadanka balse waxaa muuqanaysa in uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya labada garab ee Casmara iyo Jabuuti ,kaasoo salka ku haya heshiis ay dhawaantan dowlada la galeen garabka hoggaanka Sheekh Sharif balse waxaa arrintaasi ku gacan sayray masuuliyiinta maxkamadaha ee garabka Casmara oo ku tilmaamay Sheekh Sharif mid ka weec day tubtii isbahaysiga.

Lama saadaalin karo mudada iyo xiliga ay waftigaasi dib ugu soo laaban doonaan dalka.waxaana ay arrimahaasi ku soo beegmayaan xili madaxda labada dhinac ee mucaaradka iyo dowlada looga fadhiyo taabagelinta heshiisyadii wadanka jabuuti iyo go;aanadii shirkii IGAD ee ka dhacay magaalada Nairobi.

Maxamed Gaarane Aadan

gaarane68@hotmail.com

Somali News Desk
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS