Allaa u Maqan Muqdisho iyo Maatida ku Nool Tan iyo wixii ka danbeyay dabayaaqadii 2006 xiligaas oo aheyd goortii ay
ciidamada Itoobiyaanka ah soo galeen Magaalada Muqdisho waxaa dadka
Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho ay dareemeen Culeys hor leh
Maadaama ay ahaayeen dad la daalaa dhacayay diiftii ay ku reebeen
dagaaladii sokeeye ee 16-kii sano ee ugu danbeeyay ka holcayay magaalada
Muqdisho .
Sida aan ka wada dharagsanahay waxaa dabayaaqadii 2006-dii dagaal qaraar
uu dhexmaray maleeshiyadii Maxkamadaha islaamiga ee iyagu la wareegay
maamulka iyo talada ku dhawaad kala bar Gobollada dalka Soomaaliya iyo
Ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa Baydhabo kuwaasoo halkaa u joogay siday
iyaguba sheegeen in ay difaacayaan Dowlada fadhiidka ah ee kabadin
weyday xalinta qilaafaadyada dhexdeeda ah waxaana dagaaladaasi oo ay ugu
magac dareen Maxaakiimta Islaamiga ah xiligaa tagay “Jihaadka” uu
aakhirkii soo geba-gaboobay iyadoo la wiiqay awoodii wadaadada, waxaana
ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee iyagu wacadka ku maray in ay cago u
noqon doonaan Dowladada Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay mid kamida
hogaamiya-kooxeedyadii dalka kala qayb-qaybiyey ay soo galeen Magaalada
Muqdisho iyadoo aanay jirin wax iska horimaad ah oo ay kala kulmeen
haraadigii Maxkamadaha ee iyagu weerarka ku qaaday Iidaale, si nabada
ayey u kala dageen xarumo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, xarunta
madaxtooyada ee Villa-Somalia, xeradii loo yaqaanay Maslax, warshadii
hore ee Baastada, Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga iyo kuwa kaloo
farabadan. Muddo gaaban kadib waxaa ciidamadaasi itoobiyaanka ah ay kala
kulmeen ciidamadii ay didirta la galeen isla markaana ay kala wareegeen
goobihii ay ka talinjireen dagaalo goos goos ah, waana xilligii ugu
badnaa ee barakaca uu ka bilowday Magaalada Muqdisho, waana aas-aasankii
deeganada Ceelasha Biyaha, Garasbaaleey iyo kuwa kale oo farabadan. Inta
ay dadku u barakaceen goobahaasi kala duwan ma jiraan cid wax iska
weydiisay xaalada adag ee ay dadkaasi ku nool yihiin iska daa in wax loo
qabto ee raashinkii gargaarka ahaa ee dadkaasi la gaarsiinayey ayey ka
xanibeen madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo marmarsiyo uga
dhigtay in raashinkaasi uu yahay mid dhacay.
Muqdisho oo ah Caasimada Dalka Soomaaliya Barakaca ka horna lagu
qiyaasay dadka ku noolaa 2-Malyan oo Ruux haatana waxaa ku harsan shan
qeybood oo Hubeysan iyo tiro yar oo dad rayid ah.
1) Ciidamo itoobiyaan ah oo tira ahaan gaaraya kumanaan ayaa waxay
Muqdisho u joogaan sidii ay u tirtiri lahaayeen awoodda Al-shabaab,
kooxaha kale ee Mataanka la ah ururkaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la
leeyahay Alqaadida , ciidamada Itoobiyaanka Markii uu dagaal dhaco waxay
rasaasta u ridaan si arxan daro ah kuwa soo weerara iyo dadka rayidka
ahna isku si bay ugu ridaan rasaasta taasi waxay u muuqataa labaduba waa
Soomaali Dhimashadoodana Itoobiyaanka waa u farxad, Dadka u dhuun
daloola amuuraha Soomaalida waxay leeyihiin Itoobiyaanka waxay ka
Faa'ideysanayaan taageerada Mareykanaka iyo Cadawtinimadii 1977
dhexmartay Soomaalida iyo Itoobiyaanka.
2) AMISON ciidamo loogu magac daray oo ka kala yimid Uganda iyo Burundi
ayaa waxaa Muqdisho loo keenay Nabad ilaalin, iyagoo qeyb ka ah Sideed
kun oo ciidan ah kuwaasoo Midowga Afrika ay ku baaqeen in ay geynayaan
Soomaaliya Dalka ay halakeeyeen Colaadaha iyo Dagaalada Sokeeya,
inkastoo ciidankani ay yihiin tira kooban oo laga soo kala uruuriyey
labada dal ee iyagu ka midka ah kuwa ugu dhibaatada badan qaarada Afrika
ee Uganda iyo Burundi , hadana waxay sugayaan kuwa kale oo ka yimaada
Dalal kale oo ku baaqay in ay ciidamo u soo diri doonaan Soomaaliya,
ciidamadani haatan ku sugan Muqdisho waxay Hordhacooda Yimaadeen
2007-dii weeraradii ugu badnaa waxay la kulmeen bartamihii Sanadkan,
Horay looma arag Dagaaladooda, Hase yeeshee Al-shabaab oo weerar ku
qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo fariisimada Ciidamada AMISON
ayaa waxay keentay in la arko inta naxariis ku jiri karta AMISON iyo in
aysan Muqdisho u imaan Nabad ilaalin, wax kale Marka laga reebo dan ay
iyagu leeyihiin oo ah in ay mushaaraad ku qaataan joogitaanka Muqdisho.
3) Ciidamada Dowlada iyagu mar mar dhif ah ayeey kala kulmaan kooxaha ka
soo horjeeda weeraro muda gaaban Socda, hubka ay Heystaan nuuc kasta oo
uu yahay way Ridaan iyagoon cidina u aabayeelin, inkastoo aysan la mid
aheyn AMISON iyo Itoobiyaanka oo iaygu heysta hub casri ah Awoodooda oo
liidata darteed ma jiraan wax howlgala ah oo ay Sameeyaan Ciidamadaas,
Markii uu dagaal dhaco ka dib meelaha qaar ayey ku faafaan waxeyna
geystaan bililiqo sida marar badanba dhacda, meelaha ay joogaan
ciidamadaasi marka ay dadku marayaan waxeey qarsadaan lacagaha iyo
Moobeelada inkastoo laga hegeli karo kuwa laga yaabo in ay dadka nabad
geliyaan hadana waa kuwa aad u yar, waxaa ku badan kuwa isticmaala
maandooriyayaasha la mamnuucay.
4) Ciidamada ay sameysteen ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna
waxeey ka mid yihiin kooxaha hubeysan ee Muqdisho ku sugan.
Ciidamadani oo leh astaan gaar ah oo lagu yaqaano ayaa waxeey ku
hareereesanyihiin islamarkaana eey ku dhararsanyihiin wadooyinka jihada
waqooyi iyo koonfur kamara suuqa bakaaraha waxeyna sameysanka ciidankani
ku yimaaday heshiis sedex dhinac ah oo dhex maray ganacsatada suuqa
bakaaraha iyo saraakiil sar sare ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo
Dowladda Federaalka.
Sameysanka ciidamadani waxeey muujineysaa maamul xumida ka jirta
Muqdisho iyo magaca aan xikmada ku fadhin ee dowladda ku meelgaarka ah
ee soomaaliya sidoo kale waxeey tilmaameysaa in loo baahanyahay ciidan
aan aheen kuwa dowladda oo iyagu suga nabadda, wali lama maqal dagaal
aay ciidankani galeen in kastoo ey jiraan warar hoose ee sheegaaya in ay
taakuleeyaan ciidamada wax iska caabinta labaxay hadana majiro wax
cadeen ah oo muujinaaya suurtagalnimada warkan.
5) Ciidamada loo yaqaano muqaawamada ee iyagu sameysmay ka dib markii
lakala dhantaalay midawgii maxkamadaha ayaa iyaguna waxeey qeyb ka
yihiin kooxaha ku loolamaya garoonka 1aad ee dirirta iyo colaadaha ee
Muqdisho, inkastoo kooxdaan shanaad eey ka kooban tahay dhowr firqo oo
horey ugu tirsanaa midawgii maxkamadaha hadana waxeey ka mideysan yihiin
in lagu jihaado itoobiyaanka, AMISON iyo ciidamada Dowladda, ciidamadaan
oo u badan dhalinyaro oo da’doodo ka yar tahay labaatan jir ayaa waxey
dagaalo gaadmno ah oo inta badan socdo muddo saacad ah mararka qaar eey
ku qaadaan sedexda ciidan ee is gaashaan-buureystay.
Ciidamada kooxdani waxaa lagu eedeeyaa in iyagu laftoodu aysan u
naxariisan dadka walaalahood ah sababta ayey ku sheegeen dadka u dhuun
doloola amuuraha soomaalida mararka qaar ciidamadaan waxeey ka dhex
dagaalamaan dadka rayidka ah, ninka ajnabiga ah ee ka yimid Adis-Ababa
ama Kampala una yimid Muqdisho inuu qaato mushaar marnaba lagama sugayo
in uu u naxariisto cid kale, dadka rayidka ah kuwii la dhashay haddii ay
u dhimrinwaayeen yey ka helayaan naxariis?.
Dad aan badneen ayaa waxay ku harsan yihiin gudaha magaalada qaarkood
waxeey si toos u dagan yihiin goobo lagu barakacay dhaqaalaha
qoysaskaasi oo liita aawadeed waxey dantu ku kaliftay in ey iska sii
daganaadaan deegaanadooda markii ey wax dhacaana ay u cararaan afarta
jiho midii ay isleeyihiin wey ugu roontahay qaarkood waxa ay u cararaan
ama ay galaan guryo ka sameysan dhagxaan si ay uga gabadaan qorayga
bulsha leyska ah ee soomaalidu u taqaan Hoobiyaha in kastoo dhowrjeer uu
dilay madfac dadku dhuumaaleysanayo dhismo weyn oo shub ah hadana dadku
waxa ay nafata oradka raacdada ku qaasabtaa in ay galaan dhismayaasha
waa weeyn ee shubka ah
Waxyaabihii laga dhaxlay dagaaladaasi daba dheeraaday
Waxaa xusid mudan in dhalinyarada iyo dadka reer muqdisho laga heli karo
qaar ka mid ah astaamada ciidamada si fudud ayeey kuugu sheegi karaan
dagaal meel fog ka dhacay iyagoon qaldin ayeey sitoos ah
umagacaabikaraan meesha uu ka dhacay xitaa waxa aay si fudud kuugu
sheegi karaan meesha uu ka dhacay dagaalka iyo khaabka uu ku bilaawday
inuu yahay iskahorimaad toos ah oo u dhaxeeya labo ciidan iyo in uu
yahay ciidan la weeraray sidoo kale madaafiicda culculus ee mootarka loo
yaqaano markii larido iyo markuu soo dhaco waxaa ay sidoo kale barteen
cododka qoryaha fufud markuu soojeedo iyo markuu dhankale u dhacaayaba
weey kala barteen sidii ey ugu dhexjireen meelal la isku dagaalo ugu
yaraan isbuucii shan jeer qiyaastii dadka reer muqdisho sadex meelood
meel kamid ah weey barakaceen iyagoo u kala jiheystay duleedka magaalada
Muqdisho iyo gobolada kale ee dalkda iyo dalalka
W/Q: Iimaan Max'ed Jimcaale (Jaabir)
E-Mail iimaan123@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
9, 2008