Doorashooyinka Puntland: Himilooyin Raagey iyo Hogaamiyaha xaqiijin
kara!!

Waxaan shaki ku jirin in himilooyinkii waaweynaa ee aay sugayeen
shacabka Puntland gaar ahaan dadka indheergaradka ah tobankii sano ee
maamulkaasi dhisnaa aay noqdeen hal bacaad lagu lisey.himilooyinkaas oo
aay ku fashilmeen sadexdii hogaan ee Puntland madaxtinimadeeda iskaga
danbeeyay, iyagu haba kala saami badsadeene,laakiin waxaa marag ma
doonto ah in dhamaantood midna uusan xil iska saarin xaqiijinta
himilooyinkaas.Arintaasi uma baahna sharaxaad badan oo 10 sano kadib
halka aaynu marayno iyo sida aay wax yihiin waxaa aqoonsan guuldaradaas
cid walba oo garasho leh,xitaa ragii maamuladaas ku jiray qaar ka mid ah
ayaa maanta ku tiraabaya inay guuldareysteen inkastoo aay noqotey isku
tuur tuur.
Dhismihii Puntland waxaa hubaal ah inuu degaamadii laga taagay
dhaxalsiiyey midnimo siyaasadeed isagoo maamulkaasu mideeyay heykalkii
siyaasadeed ee goboladii dhistay. Taasoo aay uga badbaadeen tobankii
sano ee uu dhisnaa calamo siyaasadeed oo laga kala taago degaamadii kala
duwanaa taasoo hadey dhici lahayd horseedi lahayd xarig jiid aan dhamaan
oo dhiig badani ku daato sida ka dhacday meelo badan oo somaliya ka mid
ah.
Waxaa soo dhawaaday waqtigii la dooran lahaa madaxweynaha cusub ee
Puntland waxaa durba kaararka soo dhiibtay rag door ah oo dhamaantood
sheeganaya inay gayaan xilkaas.
Waxaase nasiib daro noqotay in shacabka iyo dad badan oo indhaha ku
haya xaaladaan kalaguurka ahi aay ku wareersan yihiin kala xulida iyo
go,aan gaarista ku saabsan musharaxiinta iyo kan ugu mudan maanta in
lagu aamino xilka dadka iyo dalka. Sababta jaahwareerkaas waxaa ugu weyn
saxaafad wacyigalineed oo aan ka jirin Puntland.
Qormooyinkaani waxay isku dayayaan inay u iftiimiso shacabka
tilmaamaha aay ku kala reebayaan musharaxiintaas. Anagoo ka duulayna
aragti ah in dhamaan reer Puntland isku raacsan yihiin maanta inay
helaan hogaan daacad ah oo wax ka qabta dhibaatooyinka muga leh ee
haysta shacabka. Kaasoo hadii aaysan dhicin maanta ku noqonaysa aayaha
dadka reer puntland ismiidaamin siyaasadeed (political Suicide) oo
khatar galin doonta jiritaankooda.
Qormadu waxay ka kooban tahay sadex madax oo kala ah:
- Maxay yihiin himilooyinka raagay ee shacabka Puntland??
- Maxay yihiin tilmaamaha akhlaaqeed, shakhsiyadeed iyo aqooneed
ee qofka xaqiijin Kara himilooyinkaas.
- Odoros siyaasadeed.
Himilooyinka raagay ee shacabka Puntland
Himilooyinka raagay ee Puntland waxaan kusoo uruurinaynaa
qodobadaan:
- Dhisida nidaam dowladeed oo adag kaasoo sharcigu u sareeyo
islamarkaana leh jaranjarodii dowladnimo, isa-saxid iyo
is-dheelitir(checks and balances)
- Dhismaha ciidan qaran qaybihiisa kala duwan kaasoo leh haybadii
iyo asluubtii ciidan loogana seexdo amaanka gudaha iyo kan dibada.
- Wax kaqabashada arimaha bulshada sida waxbarashada,caafimaadka
iyo kaabayaasha dhaqaaleha sida wadooyinka,biyaha iyo korontada.
- Dhismaha nidaam cadaaladeed (Maxkamadaha) oo lagu kala baxo.
- In laga iibgeeyo Puntland beesha caalamka,shirkadaha iyo
heyadaha si taasi aay u maalgashadaan Puntland. In la baadi goobo
taageero dhaqaale iyo mid dib-u dhis oo gobolku helo.
Maxay yihiin tilmaamaha qofka xaqiijin Kara himilooyinkaas:
Hadaan ogaanay himilooyinka raagay ee shacabka Puntland kuwaasoo
looga fadhiyo ninka hanta xilka madaxweynimo ee Puntland waxaa markiiba
soo baxaysa maxay yihiin tilmaamaha musharaxa lagu aaminayo xaqiijinta
himilooyinkaas raagay??
Waa badan yihiin sifooyinkaas waxanse kusoo uruurinaynaa sideed sifo
ama tilmaamood oo aay isku raaceen boqol khabiir oo ku takhasusey
taariikhda madexweynayaasha dunida. Tilmaamahaan waa kuwo saldhig ah u
ah shakhsiyada dhamaan madaxweynayaasha loo qirey inay ahaayeen halyeeyo
dhulka ka qaaday dowladahooda.
Tilmaamaha aan xooga saareyno waxaan ku dhisaynaa tijaabooyinka laga
dhaxgalay ilbaxnimada dowladaha aduunka iyo madaxdii soo martay.
1) Howlkar(Hardworking): Soomaalidu waxay tiraahdaa ninkaad kaba ka
tolanayso kuwiisii la fiiriyaa ninka maareynaya mustaqbalka umadu waa
inuu yahay marka hore nin maareeyay noloshiisa shakhsiga ah,midiisa
xirfadeed iyo tiisa aqooneed intaba. Waa inuu yahay nin leh sooyaal
wax-qabad qofeed (Personal Achievement record), waa inaay jiraan
tusaalayaal cadcad oo aan laba ku murmayn oo muujinaya guulo wax-qabad
oo hufnaani ku dheehan tahay,ama guulo barnaamijyo mujtamaca dhaxal gal
u ah oo uu yagleelay.
Madaxweynaha qowjada ahi waa nin leh howl-gudasho uu ku gaaro
himilooyinka umadiisa. Waxaa ka mamnuuc ah xilkaan in loo dhiibo nin
doonaya inuu mustaqbalkiisa ku dhiso xilkaan,waa inuu yahay ninka
xilkaan qabanayaa nin hadii uu waayo ka maarma oo aan naf-lacaari u
ahayn oo leh xirfado iyo shaqooyin kale oo uu ku noolaado.
2) Alle Yaqaanimo (Traditionalist): Hogaamiyaha Puntland u baahan
tahay waa nin Alle yaqaana,oo aan lagu xamanayn inuu bil-ramadaan aaysan
u dhalan ama salaad aaysan is-aqoon,hogaamiyaha dhabta ahi waa midka
ixtiraama mabaadiida iyo akhlaaqiyaadka umadiisa islamarkaana aan ku
kicin waxyaabo gaf ku ah diinta umada iyo dhaqankeeda.
Rabi aqoontu waxay ninka madaxda ah marar badan ku riixeysaa inuu
xeeriyo aakhiradiisa iyo qiyaamaha xisaabta sugaysa,iyadoo ku dhalinaysa
daacadnimo iyo hufnaan,tani waxay noqonaysaa in qofka damiirkiisa
diiniga ahi u diido khiyaamooyinka,eexda iyo dulmiga.
3)Geesinimo(Courage): Madaxweynahu waa inuu leeyahay geesinimo ama
dhiiranaan si uu uga guuleysto cabsida iyo werwerka talaabooyinka uu
qaadayo,masuuliyadu waa go,aan gaaris(decision making) taasna waxay u
baahan tahay geesinimo hadii aay ku kalifto uu diyaar u yahay inuu
keligiis qaado toobiyaha marka aay ka haraan saaxiibadiis.
hogaamiyaha adagi waa midka isku dara farsamooyin,dulqaad iyo hadba
qaab ku dayid si uu u gaaro waxii maslaxada guud ee umadiisu ku jirto si
kasta oo looga horyimaado.
Halkaan waxaa ku haraya nin jilicsan oo dhan, kaas oo la badali karo
ama duruufaha qalafsan ee horyaala ka jeedin karaan gaarista
ujeedooyinka loo asteeyay ama qof aan lahayn dhamaystir shaqo oo wax
walba iyagoo qabyo ah ka tagaya.
Qodobkaani waxaa la isku raacsan yahay inuu saldhig u yahay guusha
madaxweynaha waayo go, aamada madaxtooyooyinku maahan in badan kuwo
sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyo marar badan waay xanuun badan
yihiin waxayna u baahan yihiin iraado weyn iyo jabaarad aan la waabin
Karin,hadii aad u fiirsatid dhamaan dowladaha horumarey waxaa u
hanaqaaday hogaamiyayaal bir ah oo soo jeexsiiyey surimo ciriiryoon.
4) Miskax furan(Open minded): Hogaamiyaha dhaxalgalka ahi waa inuu
yahay mid miskax furan, oo leh dareen soo jeeda islarmarkaana si dhab ah
u dhagaysta talooyinka dadka indheer garadka ah, hadiise aay dhacdo
inuusan cidna dhagaysan waa mashaqo waxaase iyaduna masiibo ah haduu
dhagaysto dad maan-gaab ah oo aan mudnayn in laga tala galiyo ayaaha
umada.
Hogaamiyaha Puntland u baahan tahay waa nin maala talooyinka iyo
fikradaha xulka ah ee waxgaradka islamarkaana u samaysta golayaal iyo
kanaaladii talooyinkaas uu ku heli lahaa. Waxaan u baahanahay masuul
dhagaysta dhamaan fikradaha meelmarka ah ee qaybaha kala duwan ee
shacabkiisa ee aan u dhegafurnayn kaliya koox gaar ah oo aay kala
dhexeyso dano siyaasadeed,qabiil ama dhaqaale.
5) Hal abuur- Aqooneed (Intellectual ability): Hogaamiyaha dhaxal
galka ahi waa inuu leeyahay karti aqooneed/garasho oo sareysa (Superior
Intellectual ability) taasoo hordhac u ah guul madaxnimo, hogaamiyehu
waa inuusan ahayn caamay. Madaxweyne caamo ahi horumar umadeed ma keeni
karo inta uu caamanimada kabaxayo ayaa dal iyo dad baaba,ayaan. Haduu
damco inuu madaxtooyada dhexdeeda caamonimada kaga baxana waa masiirkii
umadda oo galay iskoolwiido.
Bal u fiirso madaxweynayaasha iyo hogaamiyayaasha la sheego
waxqabadkooda kuligood waa dad leh hal abuur aqooneed sida Dr.Mahatiir
Mohamed waa dhakhtar, dhaqaale-yahan iyo faylasuul. Abraham Lyncon waxuu
ahaa lawyer bir ah faylasuuf, Mahatma Gandhi lawyer faylasuuf, Nelson
Mandela Laywer faylasuuf.
6)Hadal Cadaan(Assertiveness): Hogaamiha culusi waa inuu yahay nin
waxa uu qabo muujin kara islamarkaana diidi kara waxii uu u arko inaysan
qaban,marar badan masuuliyadu waxay keenaysaa in qofku uu MAYA karo,ama
uu gacan adag ku qabto cida ku ciyaareysa masaalixda ummada xitaa haduu
ka tirsan yahay dowladiisa iyo xafiiskiisa intaba.
Hogaamiyaha raba inuu cid walba qanciyo oo aaysan cidna isku dhicin
waxuu ku tumanayaa masaalixda guud,mar walba hab maamuuska iyo
diplomaasiyadu waa qayb ka mid ah qaamuuska siyaasada laakiin marka aay
timaado danaha umada,dowladnimo wanaaga iyo dhowrista sharciga hadalka
cad waa sad laga doonayo hogaamiyaha.
7) Aftahan(Speaker): Hogaamintu waxay ka unkantaa hadal
aqoon,madaxweynuhu waa inuu noqdaa Aftahan ,xikmaawi suugaanta
dugsada,nin hadalkiisu abuuro xiiso iyo dareen- soo jiidasho,waa in uu
noqdaa nin hadalka xubinta kaga aadan yaqaana islamarkaana aan lahayn
dhacdhac,hadaladiisu waa inay yihiin kuwo dadkiisa mideeya ee aan kala
fogeyn. Hadalkiisu waa inuu umada wada gaaro, islamarkaana uu leeyahay
luqad nin dowladadeed (statesman).(Obama maxuu ku qabsaday Maraykan!!!)
8) Adkaysi- weyn (Tolerance): Madaxweynayaasha guulaystaa waa kuwo
leh adkaysi, dhabar adayg aay ugu babac dhigaan masiibooyinka iyo
mashaqooyinka ku xeeran shaqadiisa. Waxaan shaki ku jirin in xilka
madaxweyninimo uu leeyahay culeys miskaxeed oo aad u baaxad weyn sidaas
darteed waxaa lama huraan ah inuu leeyahay hogaamiyahu dulqaad hibo ah
iyo acsaab adag.
Waxaa kursigaan ka reeban nin daciif ah, nin fud-fudud ama nin aan
lahayn deganaan uu wax ku hubsado. Ninka jilicsan ee masuuliyadaan
gorada la galaa waxuu noqonaya labo midood inuu naftiisa haligo oo
cuduro xumi ku dhacaan(cudurada casrigaan dadka dhameeyay oo kansarku
ugu horeeyo waxaa laga qaadaa culeys miskaxeed ama Stress-ka waxa loo
yaqaano) iyo inuu umadda aayaheeda meel xun ka tuuro.
Sideedaan sifo afarta hore waa tiirarka hogaamiyaha dhabta ah,oo
la,aantood hadii qofka laga waayo aay xaqiiqo tahay inaan laga sugin
xaqiijinta himilooyinka shacabka Puntland, afarta sifo ee soo hartay
waxaa khasab ah inuu boqolkiiba 50% ka haysto hadii uu ka hoos maro waa
adag tahay inuu noqdo hogaamiye macno leh.
Lasoco qaybta hartay odoros siyaasadeed
Sharmarke Xusen Yusuf
sharmayusuf@gmail.com
Political Analyst
Afeef:Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008