SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hooyooyiinka & dhalaanka Ogaadeenya maxay galabsadeen yayse hiil ka sugayaan?
By Xaliimo Ibarhim
Kamaydho@yahoo.com

9, Nov 2008]
Tan & maalinkaan caqli yeeshay cadho ayaan la tiicayay maskaxdaydana kama baxo fikir & tabasho joogto ah inkasta oo ay Aadamaha caadi u tahay in uu marwalba wax uun ku hamiyo hadana waxaa jira shay loo wada simanyahay oo adoomuhu la soo wada dhashaan la'aantiina aysan noloshu kugu haboonayn shaygaas loo wada simanyahay balse cadaalad la aanta dunidan ka jirtaayi ay iga faro maroojisay waa xoriyadii aan la soo dhashay sidaas daraadeed ayanan intii aan caqliyaystay uga gudbin hiirtaanyo kolba heer joogtay waxaan goob joog u ahaa dhacdooyin maankayga lafal galay oo aanan iloobaynin kuwaas oo siyaalo kala duwan ii saameeyay.

Waxaa igu kordhay xanuunkii aan awalba qabay oo aan ka dhaxlay tacadiyada maalin & habeen loo gaysanayo shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee aduunku ka eexday waxaanan hubaa in ay jiraan dadbadan oo igala midaysan tiiraanyada & uurkutaalada.
Aqristoow cinwaanka aan qormadan siiyay oo ah Hooyooyinka & dhalaanka Ogaadeenya maxay galabsadeen yayse hiil ka sugayaan? Waa 2 su’aalood oo aan jawaabahooda meel fog loo raadinaynin, Hooyooyinka dhalaanka, & bulsho weynta Ogaadeenya majiro wax ay galabasdeen oo aan ahayn in ay ka mid yihiin bani aadamka Illahay dunidan ku khalqay ee ku dhashaa meel dhulka ka mid ah oo loo asteeyay.

Dhibanayaasha Ogaadeenya in kasta oo gacanta ugu weyn ee ay sugayaani ay tahay ta Illahay ee deeqda badan hadana waxay kaalmo walaalnimo & hiilka dhinacwalba ah ka sugayaani waa inta ka naxaysa ee jidhku u xanuunayo oo ay ugu horeeyaan dadka reer Ogaadeenya ee iyaga & caruurtoodiiba nasiibka u yeeshay in ay ku noolaadaan meel nabad ah oo leh fursadaha aysan haysanin in badan oo xaq u lahayd nolosha macaan balse laga go'doomiyay. Hadaba ruux kasta oo damiir leh isla markaasna ay u suurto gashay inuu naftiisa & ubadkiisa ula cararo meel ay ku nabad galaan waxaa waajib ku ah in uu is barbar dhigo nolosha ay caruurtiisu haysato & silica ka muuqda agoonta Soomaalida Ogaadeenya ee intooda badan waalidkood lagu hor toogtay ama xabsiyada lagu bahdilayo.

Sawirada & warbixinada qalbiga gilgilaya ee lagu soo bandhigay boga Qorahay Online lagana soo gudbinayo qaxoontiga Ogaadeenya ee sida habqanka ah u soo gaadhaya xeryaha ku yaala wadanka Kenya run ahaantii waa fariimo kama dambays ah oo ku socda dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha waxay fariimahani si gaar ah ugu socdaan cida ay sida dhabta ah dhibaatadani u tabanayso oo ah Soomaalida Ogaadeenya ee ku baahasn daafyaha caalamka kuna haysta nolol maalmeedkooda waxayna arintani u baahantahay in uu damiirku si waafi ah uga jawaabo.

Dadka Ogaadeenya ka soo baro kacay ee ku tabaalaysan dalalka dariska ah waxaa ka daran inta aan la ogayn waxa ay maanta ku suganyihiin waxaana jira dad xabsiyada si bahalnimo ah loogu jidhdilayo wax maxkamad ahna aan la hor gaynin, waxaa si is dabo joog ah loo waxyeeleeyaa dadka reer guuraaga ah oo hantidoodana la boobaa lamana qiyaasi karo shacabka aan waxba galabsanin ee inta ladabay oo xadhig ama silig lagu marjiyay kaymaha lagu xooray kadibna maydkooda ay dhurwaayadu uneen.
Waxaa jirta dhibaato aad u culus oo dul saran shacabka Soomaalida Ogaadeenya wayna jiraysaa dhibakni inta ciida Ogaadeenya uu joogo gumaysiga Abasiiniya oo hadafkiisu yahay in uu Soomaalida Ogaadeenya ku khasbo keenada aysan marnaba ka ogolaanin kana ogolaan donin, shacabka geesiga ah ee dhulkoodii lagu dulaynayo uma liicayaan hagardaamooyinka faraha badan ee raasamaalka looga dhigay waxayna wax walba u hurayaa soo celinta gobanimadooda

Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee u ooman xoriyada ay xaqa u leeyihiin ku mooraal jabimaayaan dhibaatada dhinac walba leh sida gawraca joogtada ah, xidhayga sharci darada ah,jidhdilka,dhaca, kufsiga & handadaada oo intuba Ciidamada hororka ah ee gumaysiga Wayaanaha dhaqan u ah Shacabka Ogaadeenyana dulqaad & adkaysi ayay u leeyihiin awood kasta oo gumaysigu u isticmaalo.

Ogaadeenya waxaa ka socda halgan soo jireen ah oo jiilba- jiilkii ka horeeyay uu ka dhaxlayay maantana ay hormuud u tahay Jabahda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO oo leh hogaamin khibrad & hufnaan dhab ah leh Ciidan geesinimo & tayo saraysa leh, kaadir firinfircooni & bisayl leh,halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo waxaa saldhig u ah shacabka lihiinta culus hibada loosiiyay ee geesiga ah lamana loodin karo niyaddda xadiidka ah ee Soomaalida Ogaadeenay ay la hortaaganyihiin nacabka aan waxba hambaynaynin oo damaac waalani hor boodayo isla markaasna aan ciida Ogaadeenya sinaba ku ladaynin manajiro wax aan xoriyad ahayn oo Soomaalida Ogaadeenya u cuntami karaayi taasina waxay lama huraan ka dhigaysa in uu khadhaadhku macaan dhadhamo.

Birlabnimada & awoda Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay rajo weyn ku beertay shacabka Ogaadeenya ee madiga ah oo JWXO oo Illahay kaashanaysa ay u balan qaaday in ay u soo celinayso gobanimadii & sharaftii laga xayuubiyay,sidoo kale Shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo aan waligood is dhiibin waxay si badheedh ah u diideen in la muquuniyo wuxuuna gumaysigu marwalba isku dayayaa tab cusub oo uu ku nugleeyo shacabka aan u laylyamaynin heeryada qudhmuun & gibisha duligi ah.

Itoobiya waxay ku guul daraystay dhamaanba goobaha dagaalka ee ay iskaga hor yimaadaan Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo casharo aan duugoobaynin u dhigay Ciidamada dhoodhoobka ah ee ciida Ogaadeenya doolka ku yimid waxayna xoog & xeeladba isugu geeysay waxyeelaynta dadka tabarta daran ee shacabka ah iyadoo doonaysa in ay ka xidhiidh furto halagnkooda xaqa ah, gumaysigu sanadahan dambe wuxuu Ogaadeenya ku soo rogaay cuno qabatayn waxana laga jooojiyay dhamaanba ganacsigii ka iman jiray Jamhuuriayda Soomaaliya arintan oo waxay wayaanuhu uga golahaayeen in shacabka Ogaadeenya ee raranka ku taagan isha u bidhiiqayasa laga jufo gaajona loo oodo si ay u siidh go'aan waxaase dhintay intii cimigoodu kobtsaa ku ekaa waana xaqiiqa aan cidi dafiri karin in aysan doonista shacabka Ogaadeenya ku joogsanaynin dhibka oo loo kordhiyo balse halagnka xaqa ahi bulaal ka sii qaadi shacabkuna uu sii laban-laabi dadaalka & sabbirka ay ku soo caano maalay.

Aqristoow ka hadalka qadiyada Ogaadeenya way ka weyntahay wax gacan Bani Aadam lagu qoro waxanan qormadan ku soo gunaanadayaa shacabka Ogaadeenya ee gudaha wadankooda lagu dhibataynyo waxay diyaar u yihiin wax kasta oo u soo gaadha rabitaankooda sidaas si lamid ah Jaaliaydaha Ogaadeenay ee qurbaha ku nool waxaa waajib ku ah in ay muujiyaan is xil -qaan dhab ah hiil joogto ahna ay lagarab joogsadaan shacabka & halagnkooda ay JWXO hormuudka u tahay waana in ay Jaaliyadaha Ogaadeenya albaab awalba garaacaan caalamakna u bandhigaan tacadiyada lagu hayo shacabka dulman ee Ogaadeenya iyadoo laga faa'iidayasnayo xooga ugu badana la saarayo saxaafada oo noqotay hub aan awoodiisa la dhayalasn karin.

Ugu dambayn Hooyooninka & dhalaanka Ogaadeenya Illahay ka sokow waxaa u maqan geesiyaasha dhiigooda u ugu iibinaya mustaqbal quustana galiyay hankii gumaysiga Abasiiniya waxaa kale oo u maqan kaalmo & daryeelna ay ka sugayaan cid kasta oo u danqanaysa gaar ahaan Soomaalida Ogaadeenya ee qurbaha ka xoogsata sidaas darteed dhamaan inta ila qabta tiiraanyada ka dhalatay dhagarta gumaysig & xanuunka shacabka Ogaadeenya uu baday waxaa inala gudboon in aynu si hagar la'aan ah ugu gurmano maxasta soo barokacaday ee dacdaraysan iyadoo mabda'a asalka inoo ah uu yahay in aynu ka xorowno guumaysiga Itoobiya ee la ogyahay xiliga uu ina qabsaday

By Xaliimo Ibarhim
kamaydho@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.