SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo ka baxay 08 November 2008 waxaa ka kooban yahay:

Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga
Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha
Iyo qaybtii labaad ee Gabayadii Gobanmodoonka iyo Axmed Faarax Cali “Idaajaa”.
======================

Dagaallo lagu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga

Dagaallo dhawr ah oo maalimihii u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 38 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 29 askari, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dhnaca dagaallada ee dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
Dagaallo dhawr ah oo maalimihii u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 38 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 29 askari, dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
05/11/08 dagaal ka dhacay Yaxoob, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, tiro kalana waa lagaga dhaawacay.
03/11/08 Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaan weerarkaas lagaga dilay 8 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 03/11/08 meesha lagu magacaabo Tama-yuluqley, oo Garbo ka tirsan, dagaal adag oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 18 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/11/08 Malabley, oo Dhanaan ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 02/11/08 dagaal isaguna ka dhacay Nasiye, oo Jeexdin ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari.
29/10/08 Hora-khaliifo, oo Qabridaharro ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari.
Isla 29/10/08 dagaal isaguna ka dhacay Karin-safle, oo Baabili ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.
22/10/08 dagaal ka dhacay Qudhac-maydal, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.


Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha


Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogadeenya waxyeellooyin kala duwan ugu gaystay dadwayne rayad ah, axayna wxyeellooyinkaasi isugu jiraan dil, dhaawac iyo kufsi, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dhinaca arrimaha bulshada ee dalka Ogaadeenya.
03/11/08 Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo shacab ah, oo lagu kala magacaabi jiray;
1- Mahad Shafeec iyo
2- Cabdi Dahir
03/11/08 waxay ciidammada gumaysigu Tama-yuluqley, oo Fiiq ka tirsan ku dileen Cumar Maxamuud Cabdi-yare. Waxay iyagana dhaawac u gaysteen Busuri Cabdi Garaad iyo Suufi Maxamuud Cabdi Shiil.
16/10/08 meesha lagu agacaabo Muumin Subako, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Macalin C/nuur.
04/11/08 Huuraale, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen labo gabdhood oo aanaan magacyadooda wali helin. Gabdhahan ayay ciidammada gumaysigu la yageen, ila iyo haddana aan wax war ah laga haynin meel ay geeyeen.
03/11/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadh lagu magacaabo Nasri Muxumed Kaahin.

08 November 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS