Midowga ardayda somaliyeed oo Khamiistii looga dhawaaqay Magaalada
Muqdisho
Sawirada ka daawo Halkan....
Urur ay ku midaysan yihiin aradayda somaliyeed ayaa maanta looga
dhawaaqay Magaalada Muqdisho kaas oo ay abaabulkisu socday mudo
lixsanadood ah
Prosor Cabdi Axmed Dhicisow oo ku xigeenka majmaca culumada somaliyeed
ayaa ururkaan midowga ardayda somaliyeed u balan qaaday in ay siiyaan
sanadwalbo ilaa 10 arday deeq waxbarasho
Xafaladaan Oo ahayad Mid si Weeyn Loo Soo agaasaimaya Kana Dhacaday
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Si Toos ah Loogu DhawaaqayUrur ay ku
Mideeysanyihiin Guud ahaan aradayada Soomaaliyeed Kaa oo Loogu Magac
Daray Midawaga aradayada Soomaaliyeed S.S U Somali students union .
Aradayada Soomaaliyeed gaar ahaan Aradayada Ku Dhaqan Gobolka Banaadir
Oo ah Halka Xafladu Ka Dhacaday ayaa Iyagu In Mudo ahba waxaa Heysatay
Dhibaato Xoogan oo Xaga Wax Barasahada ah Iyadoo ay adaa ugu adkaatay In
Si Toos ah U Helaan wax Barasho asaasi ah Oo Dhameeystiran Kuwa nasiibka
U Helayana Uu Amaanku U Saamixi Waayay In ay Sii Wataan wax
Barashadooda.
Xafalada oo ahayad Mid Si aad U Weyn Loo Soo agaasimay ayaa Waxaa Ka Soo
qeyb Galay Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan oo ay Ka Dhax muuqdeen
Aqoonyahano Culumaa Udiin, Oday Dhaqmeedyo Iyo ,Abwaano Caanka ah Guud
ahaan Dalaka Soomaaiya.
Prosor Xuseen Toxow Faarax oo Kamid ahaa Aqoonayahanada Ka Hadalay
Xafladaa ayaa sharaaxad Ka Bixiyay Muhiimada ay Dhalin Yarada
Soomaaliyeed U Leedahay Wax Barashadu.
waxaa Si Doo Kale dadka ka Hadalay Xafladaa Kamid ahaa Abwaan Abshir
Bacadle Oo Ka Codsaday Kooxaha Siyaasada Isku Haya In ay Tixgaliyaan
Waxbarashada Isagaoona Maanso Dar Daaran ah U Soo Jeedshay Macalimiinta
Iyo Waalidiinta Taa Oo Ku aadan Qaabka ay U La Dhaqmayaan dhalaanaka Ku
Jira Xiliga Wax Barashada
Waxaa Gaba Gabadii Xafaladaasi Ka Hadalay Gudoomiyaha Miidawga aradayada
Soomaaliyeed Maxamed C/laahi Maxamuud oo Ka Hadalay Sababata Dhalisay In
La Asaaso Urur Cayan Kan Oo Kale ah
isaga oo ku dheeraaday waxka sheegida baahida loo qabo in wax la barto .
Wasaaradii waxbarasha ayaa aheyd tan ugu mashulsaneyd uguna dad badneyd
inta wasaaradood ee ay laheyd dowladii dhexe ee somaliya marka laga
reebo wasaarada gaashaandhiga oo hada xaalkeedu ilaah ogyahay wax ay ku
sugan tahay
Aasaaska ururkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili aysan
shaqeynneynin wasaaradii waxbarashada ee somaliya iskuuladii Magaalada
Muqdishana ay intooda badan xiran yihiin waxaana u sii dheer in ay
qaxeen ardaydii iyo macalimiintii howlnadeyd arimaha waxbarshada
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666