SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad lagu wareejinaya Guri loogu magac darey Xarunta Nabada ee Nugaal oo ka dhacday Xarunta Gobolka Nugaal.

Sawirada Halkan ka daawo

Xaflada aad u qiimo badan oo lagu wareejinayay Guri loogu talagalay Bulshada kala duwan ee kunool Degaanka Garoowe in ay ku qabsadaan Arimaha hour marinta iyo Xalinta Qilaafaadka ayaa lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal oo laga dhisay Gurigaa.

Gurigaan ayaa waxaa Dhismihiisa iska kaashaday Hay,adaha USAID iyo CARE oo ugu tala galay in Bulshada ay kaga faa,iideestaan qaybaha baahidooda oo ay ugu horeeyso sidii nabada looga shaqeeyn lahaa in Bulsha kaga tashato Arimahooda.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoonka Gobolka Nugaal iyo Agaasima yaasha Wasaaradaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga DGPL iyo Wasaarada Amniga DGPL, Wakiilo ka socda Hay,ada Dhistay Gurigaan Bulshada Qaybaheeda kaladuwan, ugu horeentii Waxaa ka hadashay Maryan Maxamed Cumar oo ah Gudoomiyaha Hay,ada Dhismaha fulisay ee SWA oo ah hay,ad Maxaliya waxaana ay tilmaantay dhismaha iyo Qaybaha uu ka kooban yahay oo ah Hool shireed oo sidii loogu tala galay ay u fuliyeen dhismaha, waxaa ka hadlay oo tilmaamay wax qabadka hay,ada Care ay tahay mid ka muuqata Gobolada Puntland guud ahaan ayna ugu mahad celinayaan gurigaana ay sidii ay ugu tala galeen Hay,adu Bulshada ay uga faa,iidaysan doonto, waxaa iyada ka hadashay Asli Axmed Cabdiraxmaan oo matalaysay Hay,ada USAID iyo CARE oo sheegtay Mashruucaan in ay ka hirgaliyeen Magaalooyin bada oo ka mida Soomaaliya looguna tala galay xiliga kala Guurka ayna ku wareejinayaan Bulshada sidii ay uga faa,iidaysan lahayd Agaasimaha Amniga Cali hayaan iyo Agaasimaha Qaorsheenta iyo Xiriirka Caalamiga Cali Amxaar ayaa kaga mahadceliyay wax qabadka hay,ada.

Bulshada qaybaheeda oo xafladaa ka soo qayb galay ayaa aad ugu farax sanaa Gurigaan oo ahaa hool aad u weyn iyagoo sheegaya in ay rajaynayaan in ay kaga faa,iidaystaan habkii ay ugu tala gashay Ha,adu oo aha baahi jirta.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS