SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

OBAMA IYO GEESKA AFRIKA:

Waxay Taaladadii 4-November ahyad Maalin Taariikhi ah kadib markii doorashooyinkii la qabtay dalka Mareykanka 2008-da ay Guusha ku raacday Barac Obama oo noqonaya Ninkii Modoobaa oo kasoo jeeda Mareykanka Madow oo noqda Madaxweynaha dalka Mareykanka Mudada 4-ta sano ee soo socoto.
Waxay ahayd daqiiqado ay Maalaayiin Afrikan ah ku farxeen doorashadii Arbacadii ee Obama,waxaa sidoo kale Arbacadii Xaqiiq noqotay Riiyadii Aabii Bulshada Rayidka ee dalka Mareykanka Martin Luther King oo 28-kii August 1963 ku yidhi shacabka Mareykanka Oraahdii Caanka ahayd ee” I Have a Dream” sida aan ku sheegay Maqaalkii Tododbaadkii hore ee ”NINKA MADOW IYO AQALKA CAD”.

Khudbadii Barac Obama ee “ Just Weekend”:

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa khudbad uu ka jeediyay “Chicago” wax yar kadib markii Natiijada soo baxday u sheegay dadka Mareykanka iyo dunidaba in doorashadan ay Taariikhi u tahay dhamaan dadka Mareykanka: Madow iyo Caddaan,Taajir iyo Faqiir,Democrati iyo Repuplican-ka….,isagoo uu dhaartay Argagixsad inuu Garaaci-doono dadka Nabadda Jecelna uu Taageeri-doono,

Obama waxaa kaloo Caddeeyay inuu wax ka qaban-doono Dhaqaalaha Mareykanka,dhismaha Iskuulada,Caafimaadka,Cimilada……isagoo intaa ku daray in arintaas aan wax looga qaban-karin Habeen iyo Hal Term balse ay gaari-doonaan,isagoo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa ugu hambalyeeyay inay u guuri-doonaan “AQALKA CAD”.

Dhinaca kale John Mccain oo la hadlayey Taageerayaashiisa ayaa sheegay in doorashadan Taariikhi u tahay Mareykanka Madow”Mareykanka waa hadleen,waliba si cad ayey u hadleen……Waxaan u Hambalyeeynaaa S.Obama,waana la shaqeenayaa” ayuu intaa raaciyay.
Isagoo intaa ku daray in wax badan murmeen isaga iyo Obama balse hadda uu garab istaagi-doono……..”Si kasta ha ahaatee waxaa nahay Mareykanka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Obama ayaa noqonaya Madaxweynihii 44-naad ee dalka Mareykanka iyo Madaxweynihii Madow ee ugu horeeyay dalka Mareykanka kadib Xuriyadoodii Mareykanka 4-july 1776-dii Min Jorge Washinton ilaa Bush ,sidoo kale 20-ka January ayuu u la wareegi-doonaa Aqalka Cad.

Kenya iyo Barac Obama:

Talaadadii ilaa Habeekii Arbacadii lagama seexan guud ahaan dalkan Kenya gaar ahaan Kisumu oo ah maagalada ay kasoo jeedaan Qoyska,, Obama,Walalkiisa Malik Obama,Eedooyinkiis iyo Ayeeyadiisa Aabo dhashay iyo dhamaan qoyska waxay isugu yimaadeen Tuuladii ay kasoo jeedeen,Obama ee Kegelo halkaas oo Xoolo lagu qalay farxad darted.Obama waa 47-ba jir kasoo Asalkiisa kasoo jeeda Qabiilka Luo ama Jaluo ee dalkan Kenya,waxaa iska dhalay Husein oo Aabo kasoo jeeda dalkan Kenya iyo Ann Dunham oo ah Caddaanka Mareykanka kanasoo jeeda Kansas.

Waxaa Kisumu la dhigay Shaasahdo Waa Weyn oo dadka kala socdaan doorashada,waxaa sidoo kale doorashada laga socday Kogelo Village oo ah Goobtii uu ku dhashay Husein Obama oo ah Obama Aabihiisa,Kogelo waxay ka tirsan tahay Gobolka Siaya,sidoo kale waxaa doorashada laga socday KICC iyo Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalkan Mareykanka,waxaa sidoo la qeybiyay Fanaanado iyo Toortooyin uu ku sawiran yahay Barac Obama.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalkan Kenya Rennbenger oo la hadlayey dad isugu soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaaladan Nairobi kadib markii ay guusha raacday Obama ayaa u sheegay in doorashadan Taariikhi u tahay dadka Mareykanka iyo Kenyan-ka.

Dhinaca kale dadweyne badan oo Kenyaan ah oo aan kula kulamay Islii ayaa ii sheegay inay doorashada Obama u tahay Farxad dhamaan Afrikaanka gaar ahaan Kenya,sidoo kale Madaxweynaha dalkan Moi Kibaki ayaa maalinta Barito oo Khamiis ah dhigay Maalin buplic Hollyday ah.

Somalia iyo Obama:

Somalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii ku doortay Barac Obama gudaha iyo dibadda Mareykanka,Somalida Mareykanka ee dalkan Kenya ku sugnaa ayaa safaf dhaadheer u galay Safaaradda Mareykankanka ee dalkan Kenya si ay u doortaan Obama.

Dhinaca kale Bulsha weynta Somalida ayaa niyad wanaag u muujiyay doorashada Barac Obama,iyagoo rajeeyay inuu wax ka qaban-doono Xiriirka Somaliya iyo Mareykanka,Arimaha Faqriga,Aids-ka iyo Cimilada,
Obama waxaa uu soo booqday dalkan Kenya gaar ahaan Waqooyiga Bari oo ah Gobolada ay Somalida degto ee dalkan 2006-dii,si fiican ayuu u yaqaano Somalida iyo Somalia,arinta ay ka filayso Bulshada Somaliyeed waa inuu wax ka qabtaa Siyaasadda Mareykanka eek u aadan Somalia,Bitixitaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia eek u sugan gudaha Somalia,in Ciidamo Nabad ilaalin oo Dowli ah loosoo diro Somalia,,in dowlad loo helo dalkaas dowlad la’aanta ah tan iyo 1991-kii,in aan Somalida la isu adeegsan iyo in Diinta Islaamka uu nabad galiyo.

Dhanka Djabuti waa inuu wax ka badalo Siyaasadda uu Mareykanka saldhig u sameystay Djabuti , isagoo siduu rabo ka yeesho Biyaha Somalia,deeqaha la bixiyo waa arin kaloo muhiim ah,Hay’ado gar-gaar in losoo diro dalka si ay u bad-baadiyaan Malaayiinta ay soo barakiciyeen Cadowga Eyhiopia……….iyo arimo kale

Eretria waa dowlad kale oo fiirinaysa Obama waayo ma wanaagsana xiriirka Aqalka Cad iyo Eretria oo uu Bush ku tiriyo dowladaha taageera Argagixisada….Obama ayaa horay u balan qaaday inuu la fariisan-doono cid walba oo wax ka tabanaysa Siyaasadihii gurac-naa ee Bush.



Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Gurbiye Information and Cultural Center.
Nairobi,Kenya.
gurbiye@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS