SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaalada Nadaafad Ee Baardheere Oo Laga Dayrinayo

Ururka UGEYA Ee Dhalinyarada Deg.Baardheere Oo Ka Digay Xaalad Nadaafad Daro Oo Ka Dhalan Karta Dhulkii Ay Daadadku Ku Soo Fatahmeen.

Tan mudadii ay daadadka xooga leh ku soo fatahmeen xaafado katirsan deg.Baardheere ayaa waxaa soconayay dadaalo la doonayay in lagu samata bixiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ururka dhalinyarada UGEYA ee ka howlgala konfurta gobolka Gedo oo soo gaabiyo United Gedo Educational Youth Association ayaa kamid ah kooxo si weyn isugu howlay sidii dadkaasi looga samatabixin lahaa dhibaatada haysata.waxaa kooxo dhalinyaro ah ay u direen goobahaasi si wax looga qabto dadka ku dhibaataysan daadadkaasi soo rogmaday.

Baaq  ay manta ka soo saareen xafiiskooda ayay kaga warbixiyeen baaxada dhibaatada ay daadadka ka gaysteen xaafadaha koonfurta magaalada.Axmed Sheekh Maxamed oo loo yaqaano (Adoon Illahay) waa gudoomiyaha Ururkaasi waxaana isagoo la hadlayay warbaahinta uu xaalada dadkaasi ku sifeeyay kuwo aan caadi ahayn.isagoo sheegay in ay daadadku khasaare u gaysteen qoysas danyar ah oo aan awalba haysan quutul duruuri kuwaasoo ay guryahoodii ka dumeen.Axmed  ayaa  walaac ka muujiyay in sidoo kale ay xaalad nadaafad daro ay ka imaan karto musqulaha dumay oo uu sheegay in ay aad u farabadan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in weli ay dhibaatadaasi taagantahay inkastoo daadadkii soo fatahmay ay laabteen.waxaana uu xusay in ay jiraan dad farabadan oo aan awood u lahayn in ay musqulo qotaan taasina ay sababi karto in ay dilaacaan cuduro halis ah.waxaana uu ugu dambayn ka codsaday hay’addaha samafalk iyo umadda soomaaliyeed in ay kaalmo la soo gaaraan walaalaha dhibaataysan.

Axmed Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ururkoodu uu u diyaariyay qorshayaal ay doonayaan in lagu caawiyo dadkaasi.waxaana uu ku booriyay jaaliyadaha ka soo jeeda Gobolka in ay lacag 10 dollar ah oo uu bixi qof kasta ay badbaadin karto walaal dhiban.isagoo ka codsaday in aysan ka hagran xittaa lacagta ugu yar oo aysan yaraysan maadaama ay sadaqo u tahay aaqiro iyo adduunyaba.waxaana uu carabka ku dhuftay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga diyaargaroobi lahaayeen bilaha kuleylaha ah oo intabadan cudurka daacuunku ka dilaaco degaankan islamar ahaantaasina ay qorshaynayaan in ay kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ha’addaha samafalka.

Horay ayaa waxaa Ururka UGEYA uu wax uga soo qabtay arrimo la xirriiro nadaafadda kuwaasoo qashin badan looga uruuriyay gudaha iyo daafaha magaalada tan iyo 2007da ilaa iyo waqtigan.Daadad ku soo rogmaday xaafado ku yaalla deg.Baardheere ayaa sababay in boqolaah qoys ay ka cararaan guryahoodii kuwaasoo door biday dhul sare oo aysan ku haysan agabyadii loo baahnaa sida hu, hoy iyo biyo nadiif ah. 

Maxamed Gaarane Aadan

Gaarane68@hotmail.com

Baardheere

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS