SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ku: Madaxweynaha dawlada ku meelgaarka ah

Mudane Cabdullahi Yuusf Axmed,

Taariikhda: 4/11/2008

OG: waxgaradka Soomaaliyeed.

Ujeedo: Wada tashi raadin midnimo.

Salaan ka dib,

Mudane madaxweyne, waxaa la marayaa dhamaadkii xilligii kala guurka ahaa ee dawlada aad madaxa ka tahay ee lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi dalka Kenya. Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed ka dharagsan yihiin, dhibaatooyinkii iyo dibin daabyadii ka soo gaaray collaadihii sokeeye, oo lahaa dhimasho, dhaawac, dhac iyo kala qaxii ay ku waayeen qarankoodii intii u dhexeysay horaantii`91 iyo xilligaan.

Mudane madaxweyne, shacabka Soomaaliyeed meel bay ugu qoran yihiin go`aamadii iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii loogu magacdary dib-u-heshiinsiinta jabhadaha iyo ujeedooyinkii laga lahaa kulamadaas. Sidoo kale, shacabku waxuu aad uga xun yahay khilaafaadka jiitamay ee dhaxeeyay madaxda TFG ilaa dhismaheedii, dhamaadkiisiina uusan muuqan, markastana daawo looga raadinayay shisheeye.

Waxaa kale oo shacabku maqal iyo muuqaalba ku dhaqeysteen, kuna daawadeen shirkii ujeedada qarsoonaa oo dhawaan IGAD ugu qabatay madaxda sare TFG, oo aad ku jirtay iyo golayaasha kale ee dawlada ku meel gaarka ah. Dhacdadaasi waxay aheyd mid taariikhda dawladaha ku cusub, markii urur gobolleed uu dawlad dhan maalin raray, iyagoo aan loo sheegin waxa loogu yeeray. Muqaalkii xannunka badnaa ee shirkaas waxaa ka mid ahaa, aflagaadooyinkii loo geystay madaxda Soomaaliyeed, miis garaacidii guddoomiyihii shirka ” order, aamusa, fariistana” iyo jawaabttii aheyd “ please give me two minutes” ee wakiilada.

Mudane madaxwyene, dhaawaca soo gaaray ummada soomaaliyeed aad buu halis u yahay, waxaanna ugu culus kuwa soo gaaray sannadihii la soo dhaafay, oo ay ku lumiyeen rajo madax bannaani iyo halgankii awoowayaal “guray iyo raggii la midka ahaa, sayid Maxamed cabdille Xassan iyo duubcadii kale ee daraawiish, dhalinyaradii SYL ee caqliga dhinca wanaagsan u adeegsaday, gabdhihii lahaa xaawo cisman (Xawo taako) oo naftoodii iyo dahabkooda u hibeeyay in dalka gumeystihii laga xoreeyo. Mudanayaashii lahaa Madaxweyne Adan cabdille Cisman, Maxmed cawaale liibaan, Cabdulle ciise maxud, Alle dhamaantood ha u naxariistee, nafti hure Maxuud yusuuf muuro iyo qaar kale oo badan”.

Mudane madaxweyne, waxgaradka Soomaaliyeed uma arkaan indagaaladii sokeeye reer hebel ku guuleystay, reer hebalna laga gacansareeyo, ee waxay u arkaan in laga wada guuleystay dhamaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta ha joogeene. Waxay aaminsan yihiin in jiritaanku yahay mid khatar ku jira, talo toosin iyo daba qabasho aan waxgaradka looga maarmin, ayna lama huraan tahay in midnimo la baadigoobo, la iscafiyo iyo in la isukaashado sidii ummadda loogu horseedi lahaa nabad waarta.

Mudane madaxweyne, duumada qabiil, qeybsanaanta iyo damanaanta ku habsaday ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu daaweynkaraa cadaalad, sinaan iyo in laysu tuso inay yihiin ubad hooyo wada dhashay, midig iyo bidix aan kala maarmin, carab iyo daan is qaniinay. sannadihii na soo dhaafay oo dhibaatooyinku ka buuxeen dib u eegimeyno maadaama ayn dadka iyo dalka waxba u taraheyn curyaamin mooyee. Hase yeeshee waxaan ka dhiganeynaa taariikh khaladaadka lagu saxo, loona baahan yahay inuu ubadkeenu dhaxlaan.Waa in la qabtaa kulamo ay wargaradku soo abaabulaan, soo sameyaan Ajeendooyinka, xoghayn iyo shirguddoona ka yihiin ciddi ay u doortaan. Waxaa muhiim ah in kulamadaasi ayn ka soo bidhaamin sumadihii lagu yaqaanay shirarkii dibadaha lagu qaban jiray iyo kii lagu qabtay Xamar June 2007. Xoolaha nool ee qoys heysato in aan ka badneyn baa ku filan shirweyne la isugu keeno waxgaradka Soomaaliyeed si loo damiyo dabka gubaaya goorkasta daaraheena, laguna badbaasho diiga daadanaya ee duqawda, dumar iyo caruurta. 

Mudane madaxweyne, cudur, jaahilno iyo dagaal sokeeye waxaa ummaddo uga  soo gudbeen aqoon iyo aqoonyahamo. Waxaa loo baahan yahay in la soo nooleeyo niyada daxaleysatay ee aqoonyahamada Soomaaliyeed ee darbi joogta ah. Maalinkasta waxay u soo toosaan dib baa loo noqanayaa, doorashadaadii Nayroobina waaba la oggaa intii isu diyaarisay inay dalka ku soo laabtaan. Tusaale fiican waxaa ah dhamaadkii sannadkii 2006 dalka waxaa ku soo laabtay 50,000 qoys.

Gunnaadadkii, maadaama aad tahay:

  • Madaxweynihii ummadda Soomaaliyeed xilligaan,
  • Madaxweyne ka soo noqotay Puntland,
  • Madax ka aheyd jabhadihii qarankii Soomaaliyeed burburshay,
  • Aad madax ka ahaa jirtay xooggii dalka ee wakhti indhha lagu nuuran jiray
  • Aad leedahay waayoaragnimo waafi ah,
  • Jab iyo guulba aad soo daristeen,
  • Jiro iyo caafimaadna baryo ku casheysay
  • Maanta beenleyda adduunyo iyo aakhiro ka danbeyso.

Markii aad tahay masuul ku kulmiyay qodobada kor ku xusan, Soomaali waxay kaa sugaysaa in aad wanaag uga tagtid, aad jeexdid tubtii nabada ee midnimo iyo horumar lagu gaarikaro, qarannimadii lagu soo celiyo.

2009 ha inoo noqoto waacusub, rajo lagu soofeeyo quluubta kala jeeda. Waa in xubnaha dawladu dhexda u xirtaan sidii maskax ahaan ugu noolaal lahaayn xaqiiqada jirta iyo dareenkii jiray xilligii lagu dhawaaqay SYL bishii mayo 1947. Waxaa hubaal ah in hawlaha ummadda horyaal ay badan yihiin, una baahan yihiin hoggaan mideysan, daacadnimo, isu-tanaasula, wada tashi, kuna hoggaamiya ummadda wixii dantu ugu jirto. Waxaa loo baahan yahay barnaamij qodobeysan, ujeeda qeexan, leh xilli lagu fuliyo, loo diyaariyay dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, xirfad u leh hawsha ay qabanayaan, fahansan waajibaadkooda, lagulana xisaabtanayo gudasho iyo hawl dayicidba. Waa inuu qofkaasi leeyahay caqiido toosan iyo dareen dawladnimo.

Aad baad u mahadsan tahay madaxweyne.

Soomaaliya nabad, horumar iyo nolol.

Qore:

Shakib Dhowre

shakib_dhowre@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS