SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xasan Abshir Faarax:- Markii aan la tashaday Bulshada kala duwan ee ku nool Puntland ayaa igu dhalisay in aan isku soo sharaxo Jagada Madaxweynenimada DGPL

Video hoos ka khudbadii Xasan Abshir

 

Waxaa 4 Nov 2008 isku soo sharaxay jagada Madaxweynaha DGPL Xasan Abshir Faarax oo ah siyaasi in badan ka soo shaqeeyay Dowladihii soo maray Soomaaliya Qaarkood, Xasan Abshir Faarax waxaa uu ka mid ahaa Xubnaha Baarlamaanka DFKG Soomaaliya lakiin uusan sheegin in uu iska casilay kadib markii uu sheegay in uu u sharaxan yahay Madaxtinada DGPL.

Xasan Abshir ayaa ka soo Dagay Magaalada Boosaaso Bishii la soo dhaafay Bartamaheedii ee Octobar isgoo ka hor ku dhawaaqida Musharaxnimadiisa DGPL uu la kulmaayay Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag oo Gobolada Qaarkood uu tagay uuna ku sheegay Musharaxnimadiisa oo uu Hogaamiye Dhaqameedyada weydiisanayay in ay siiyaan kalsoonida Qabaa,ilka uu la kulmaayay oo inta badan hada Xubnaha wax dooranaya ee Golaha Wakiilada ay ka imanayaan Qabaa,ilada Qaarkood.

Musharaxiinta ayaa ku soo ururaya Magaalada Madaxda DGPL ee Garoowe oo u diyaar garoobaysa sidii ay u soo dhaweyn lahayd tartanka Jagada Madaxweynanimada DGPL ee 2009 oo lagu wado in ay dhacdo Bisha Janaayo ee 2009.

N:B Ogaysiis

Akhristayaasha waxaa ay SomaliTalk ugu bishaaraynaysaa in ay Su'aalahooda u gudbin doonto Musharaxiinta iyo Xubnaha Baarlamaanka DGPL ee la soo xulayo aana idiin soo gudbin doono jawaabahaa oo Cod ah - (Intii suurto gal ah).

Hadaba Su'aashaada Qoraala noogu soo dir emailka hoose:

E-mail-ka: somalinews@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS