SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dr. C/raxmaan Maxamed Salaax, Masuul ugu Mudnaa ee soo mara Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Puntland. 

Mudadii ay jirtay Dowlada Puntland oo tobon sano kor u dhaafeysa ayaa Madaxweynayaashii kala duwanaa ee xilka Madaxweynaha Puntland qabtay waxay wakhtiyo kala duwan sameyeen Golayaal Wasiiro ama Xukuumado kala duwan.

Gole kasta oo oo Wasiiro ah oo Puntland soo mara  waxaa mar walba ku jiray Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Isgaarsiinta oo la oran karo waxay safka hore kaga jirtaa Wasaaradaha ugu muhiimsan marka la fiiriyo waxqabaka ama Masuuliyada loo xilsaaray.

Masuuliyiin kala duwan ayaa mar walba loo magacaabi jiray Wasaaraddan, kuwasoo xilkeeda haya wakhti gaaban ama mid dheer balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ahayd Masuuliyiinta soo maray Wasaaradan ma ahayeen kuwo hantay shaqooyinka loogu talo galay Wasaaradu inay qabato.

Nasiib daro waxa lagu tilmaamaa Wasaaradaasi inay ahayd sideedii sano ee la soo dhaafay mid iska fadhiid ah oo masuuliyiintii ku magacwnaa ay ku ekaaden oo keliya doonista Mushahaardka iyo adeega yar kuwasoo aan loo maamulin si cadaalad ah maadamada shaqaalaha wasaaraada eek ala jooga Gobolada aysan helin mushaharkii ay xaqa u lahayeen.

Labadii sano ee u danbeeyay Waxa Wasaaradaasi Wasiirka ahaa Dr. C/raxmaan Maxamed Salaax(Bangax) oo ka mid ah aqoonyahana Puntland kuwa ugu firfircoon, mudadii uu hayay Masuuliyada Wasaaradasi ayaa lagu tilmaami karaa wakhtigii ugu mudnaa ee soo mara Wasaaradaasi marka la fiiriyo arrimo badan oo waxtar leh.

Marka hore Madaxweynaha Puntland Cade Musse ayaa la oran karaa waa talaabo uu ku saxnaa markii uu go’aansaday in Masuuliyada Wasaaradasi uu u magacaabo shakhsigan ka soo baxay xilkiisa.

Dr. Bankax waxyaabaha lagu amaani karo ee uu qabtay intii uu Wasaaradda joogay waxa ka mid ah inay shaqeeyaan dhamaan xafiisyada Wasaaradda ay ku leedahay Gobolada Puntland halka markii hore ay ka ahayeen kuwo bahalo galeen ah oo xataa arriga uusan ku xeroon.

Wasiirkan ayaa sidoo kale bahda Saxaafada ay ku amaanta kaalinta uu ka qaato isku xirka Warnaahinta iyo Dowlada maadama markii hore bahda Warbaahinta dhinaca Dowlada ay kala kulmi jireen tixgeli la’aan oo xataa aysan u suurageli Karin inay ka qaybgalaan shirarka ka dhaca Xafiisyada Dowlada tasoo la oran karo iminka Bangax waxa uu ku guuleystay inuu dowlada ka dhaadhiciyo in arrimhaasi meesha laga saaro.

Dr.C/raxmaan Maxamed Saalax ayaa waxa kale oo lagu amaani karaa sida weyn ee uga shaqeeyay inuu meesha ka saaro isfaham la’aan iyo shaki u dhexeeyay Ururada Saxaafada Soomaliyeed sida Nusuj oo kale iyo Dowlada Puntland , iyo weliba isu soo dhowaanshaha guud ahaan saxaafada soomaliya.

Ugu Danbeyntii Bahda Saxaafada Puntland iyo soomaliya ayaa moodaa inay hoosta ka wada xariiqeen in Masuulkan uu yahay midkii Wasaaradan ay sugeysay inkastoo ay weli jiraan dhowr arrimood oo waxqabadkooda looga fadhiyo balse waxa jira in dhowaan isbedel ku soo socdo Puntland hadaba waxaan leenahay Xukuumada walba oo ku geelysata xukunka dalkan iyo hadii ay sii jireyso mida haa talada haysa ee uu ka tirsan yahayba waa in masuulkan uu ku sii nagadaaa wasaaradn si bahda warbaahinta iyo cid kasta oo shaqo kul leh masuuliyada uu hayo ay u garaan himiladooda ku wajahan horumarka.

Cawaale Jaamac Salaad

Jamnaf87@hotmail.com

Freelance Journalist 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS