SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulka Islaamiga Ah Ee Baardheere Oo Qeylodhaan Ka Muujiyay Qoysas Ku Barakacay Daadad Ku Soo Rogmaday(Daawo Sawirada Daadadka)

Mamulka Islaamiga ah ee Deg. Baardheere ayaa qeylo dhaan ballaaran ka soo saaray xaaladaha bila’aadanimo ee haysta boqolaal qoys oo guryahoodii iyo ganacsigoodii isaga cararay kaddib daadad ku soo rogmaday xaafado ku yaalla Dhinaca Koonfureed ee magaalada.

Shir jaraa’id oo madaxa amniga degaankan Barre Maxamed Faarax uu qabtay ayuu xaaladaha dadkaasi soo wajahay ku sifeeyay kuwo aad halis u ah.waxaana uu tilmaamay in dadaal ballaaran ay ka gaysteen sidii wax looga qaban lahaa barakacayaasha oo iminka ku sugan dhul joog sare leh oo ku teedsan hareeraha degmadan.

Barre Maxamed Faarax oo warfidiyeenada la hadlayay ayaa sheegay inay wadaan dadaalo la doonayo in kaalmo loogu uruuriyo walaalaha dhibaataysan.waxaana uu sheegay in ay arrimahaasi dardargelin doonaan si buu yiri loo kalkaalo dadka ay haystaan dhibaatooyinka bila’aadanimo.

Madaxa Amniga ayaa ka codsaday hay’adda iyo umadaha soomaaliyeed in ay u soo jeestaan wax u qabashada dhibanayaasha oo tiradooda ay kor u dhaafayso boqolaal qoys ,iyadoo dadkaasi ay xalay ku hoyden mirta roobab mar kale maansheeyay gudaha degmadan Baardheere.

Qeylo dhaantan maamulka Islaamiga ah ayaa ku soo beegmaysa xili walwal iyo walaac badan laga muujinayo xaaladaha ay ku noolyihiin dadkii ka barakacay guryahoodii kaddib daadad uu soo rogay tog weyn oo biyaha ku dara webbiga Jubba.

Maxamed Gaarane Aadan
gaarane@hotmail.com
Tell:252198706
Somalitalk

Baardheere

Daadad Ku Soo Rogmaday Gudaha Deg.Baardheere Oo Sababay Khasaare Burbur Iyo Barakac Leh/sawirro nov 4

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS