SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbahaysiga Dib U xoreynta Soomaaliya oo Shir Si aad loo soo Agaasimay Ku Qabtay Magaalda Leicester Ee Dalaka Ingiriiska, 

Sawirada Halkan ka daawo...
 

Waxaa ka dhacay maanta magaalada Leicester Shir si aad ah loo soo agaasimay kaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Hashi Centre oo ku taala magaalada Leicester dalka ingiriiska . 
 

Shirkaas ooy u soo qabanqaabiyeen Xoghayaha ku xigeenka Warfaafinta ARS Maxamed Xaashi ,Xoghaye ku xigeenka Xaquuqul Insaanka Ibraahim Mahadala (Ibraahim Dheere) iyo Xoghaye Ku Xigeenka Arimaha Dibada Saciid Cali Shire. 
 

Shirkaas oo ujeedadiisa ahayd in dadka degan magaalada Leicester loogu sheego xaalada wadankeenii hooyo ku sugan yahay hada iyo waxa uu ka qabo isbahaysiga garabka Asmara, waxaa ka soo qayb galay dadwayne farobadan iyo culumo ka tirsan magaalada Leicester iyada oo ay qadka taleefoonkana  uga qayb qaateen madaxda isbahaysiga oo uu ka mida yahay Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Shiiq Xasan Daahir Aweys, Xogahayaha Garsoorka Shiiq Xasan Mahdi iyo Xoghayaha Caafimaadka Maxamed Dheere. 
 

Furitaanka shirka ka dib waxaa muxaadaro khiimo leh ka jeediyay halkaa Shiiq Ali Daahir oo ka hadlay muxaadaro ku saabsanayd markii dhul muslim ay ku soo duulaan gaalo waxa ay diinta islaamka ka qabto asaga oo sheegay in dhulka muslimiinta markay ku soo duusho gaalada ay qof walba oo muslim ah waajib ku tahay inuu difaaco oo jihaadka uu noqonayo fardul ceen. 
 

Intaa ka dib ayaa waxaa qaatay Maxamed Xaashi oo faahfaahin ka bixiyay ujeedadii shirka iyo waxyaabihii keenay qaybsanaanta jirta iyo halka ay maanta xaalada marayso asaga oo sheegay inay muhiim tahay umada soomaaliyeed inaan lagu qiyaamin waxaan socda Ethiopiana ay danteeda tahay uun in wax badbedesho ee aysan marnaba ahayn inay Soomaaliya ka baxdo rabtana inay umada Soomaaliyeed ku hayso dhibaatada. 
 

Waxaa markaa ka dib khadka talefoonka soo galay Shiiq Xasan Daahir oo asagu jooga magaalada Asmara kana hadlay waxa ugu danbeeyay oo ka dhacaya Soomaaliya asagoo oo xusay in safarkaan shariifku uusan wax wayn soo saa’idin toonin uga digay dhamaan umadii meeshaa isugu timid laqdabada ay wadaan Ethiopianka iyo inta la socota iyo shirarkaa beenbeenta ah oo lagu marin habaabinayo walaalaha safuufta jihaadka kuwada jira.

Intaa ka dib waxaa asna khadka soo galay Dr.Maxamed Dheere oo jooga Soomaaliya asagoo inta badan ka warbixiyay xaalada dhabtaa ee bini’aadanimo ee Soomaaliya iyo dadka masaakiinta say u tabaalaysan yihiin ilaa goobahii uu ku tagay safarka oo idil runta ka hadlay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun ee hada uu marayo dalka. 
 

Markaa ka dib waxaa qaatay asna Shiiq Xasan Mahdi oo asna ku sugan Soomaaliya asaga oo ka warbixiyay kulamadii uu waftiga isbahaysiga la qaatay dhamaan mujaahadiinta ka dagaalamaya gudaha wadanka iyo kuwuu la qaatay dhamaana odoyaasha ay u tageen oo kala jooga meelaha kala duwan ee wadanka waxa uuna ka sheekayay asaga oo ku dheeraaday khilaafkii soo dhex galay isbahaysiga asaga oona sheegay dhamaan inta badan mujaahadiinta inay ka qanceen waxa ka socda jabuuti runtiina ay sheegeen waxaas wax aan la qaadan Karin inuu yahay .

Waxaa asagana qaatay markaa oo ka hadlay Xaquuqul insaanka iyo tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya intay Xabashida Soo gashay Ibraahim Dheere oo soo bandhigay Ducumiintiyo cadeeynaya Xaaladahaas oo idil. 
 

Intaa ka dib ayaa dadwaynaha ka soo qayb qof walba oo hadla waxa ay waydiinayeen su’aalaha ay doonaan ayaga oo markaa looga jawaabayay sida ay rabaan jawiga shirka ayaa waxa uu ku socday runtii mid aad u wanaagsan oo ahaa mid lagu farxo . 
 

Waxaa kale oo asna halkaa ka hadlay Shiiq maxamuud C/raxmaan (hoori) oo sheegay inay umada Soomaaliyeed u baahan tahay inay tashdaan ethiopiana waxay ku dhaqmayso ay tahay waxay ka aragtay Soomaalida oo dadkeeda six un isu maamulayaan ay ayana ka faa’iidaysatay. 
 

Waxaa kale oo ka hadlay odayaal iyo dhalinyaro fara badan oo kale oo is waydaarsaday fakarkooda kana dooday xaalada Soomaaliya iyo sida ay Tahay oo dhabta ah .

Gabogabadii Shirka ayaa waxaa ka soo baxay is afgarad wanaagsan iyo taageero buuxda iyo duco iyo amaan loo soo jeediyay walaalahii isku soo duba riday howshaas. 
 

Xaafiiska Warfaafinta ARS (asmara)

Waxa uu ka dhacay kulankaan ]

Leicester UK  2/11/2008 

 

Waxaa soo tebiyey:

arabey abdi
hashi66@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS